#Araweelo_News_Network

Sa’ana Yemen, (ANN)- Markabka lagu magcaabo Rubymar, oo laga leeyahay dalka UK, ayaa ku degey Badda Cas, kaddib markii ay ku habsadeen duqaymaha Xuutiyiinta.

Markabka oo ahaa kuwa xamuulka qaada ee UK laga leeyahay ayaa 18-kii February lagu dhuftay gantaallo baddan, kuwaas oo xilligaa sababay in khasaare, balse waxa xilligaa laga daad gureeyay  shaqaallihii saarnaa.

Laakin Markabka ayaa ku degey Koonfurta Badda Cas kaddib markii ay weerar ku qaadeen Xuutiyiinta Yemen ugu danbayntii quusay kaddib maalmo ay Biyaha Baddu qaadanayeen, sida ay sheegeen saraakiisha.

Duqaynta Markabka Rubymar ee sababtay inuu quuso Sabtidii ayaa dhalisay walaac ku saabsan waxyeellada deegaanka ee Badda Cas iyo dhul-badeedkeeda.

Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Baddaha ee Boqortooyada Midowday (UKMTO), oo ilaalisa marin-biyoodyada Bariga Dhexe, ayaa sidoo kale si gaar ah u qiratay quusta Rubymar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press.

Deganaanshaha Rubymar ayaa ka dhigan markabkii ugu horreeyay ee so dhab ah ugu quusay Badda tan iyo markii Xuutiyiinta Yemen ay bilaabeen beegsiga maraakiibta ganacsiga November 2023.

Markabka ayaa waxaa lagu garaacay gantaalo 18 Feb, xilli uu marayay marrinka Bab el-Mandeb. Shaqaalihii markabka ayaa xilligaa laga daad gureeyay, kuwaas oo loo  daad gureeyay meel ammaan ah.

Xuutiyiinta, ayaa sheegay innay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ku xidhan Israa’iil, Maraykanka iyo UK si ay ugu cadaadiyaan Israel innay joojiyaan dagaalka iyo xasuuqa lagu hayo shacbiga Falastiin ee Qaza.

Mohamed Ali al-Houthi, oo ah madaxa guddida sare ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in kooxdu ay mas’uul ka tahay ra’iisal wasaaraha UK Rishi Sunak iyo dowladdiisa sababtoo ah taageerada ay u hayaan “xasuuqa” iyo “go’doominta” ee Qaza.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com