Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Golaha Wakiiladda Somaliland oo fadhi ay ku yeesheen saaka xaruntooda ku doortay xildhibaankii buuxin lahaa Jagada Gudoomiyihii Muddada dheer Hoggaaminayey shir gudoonka golaha tan Iyo markii lasoo doortay dabayaaqadii Sannadkii 2005.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo muddo ku dhow laba Iyo toban sanadood Hoggaaminayey golaha, ayaa dhowaan xilkaa iska casilay, waxaana loolan adag Jagada guddoomiyaha ku dhexmaray Baashe Maxamed Faarax oo xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad soo ahaa dhawr Iyo tobankaa Sanno Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo Ka mid ahaa xildhibaanadii Gobolka Sanaag kasoo galay, Labada Xildhibaan Waxay xili hore wada ahaayeen Xisbul xaakimka KULMIYE, balse Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa Ka mid ahaa Masuuliyiin Ka tirsanaa hogaanka KULMIYE Iyo Wasiirk xukuumadda Ka tirsan oo ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Sidaa awgeed kaanbaynka Labada Xildhibaan ee ku loolamayay guddoomiyaha golaha Kama madhnayn siyaasada dabada Ka riixayay Xisbiyaysi, walaw aanay taasi Si weyn uga dhexmuuqan codbixinta ka dhacday golaha.

Doodaha Rayul-Caanka Bulshada oo Si weyn loo Hadal hayay, ayaa Ka duwanaa siyaasadaha dabada Ka riixayay kaanbaynka Labada Xildhibaan,waxaana muuqatay haddi Shacbiga cod loo weydiin lahaa in Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle noqon lahaa Ka Guulaysta Kursiga guddoomiyaha, balse Natiijada codbixinta xubnaha golaha Waakiiladda, ayaa noqotay mid Khilaafsan Rayul-Caanka Bulshada, waxaana Lagu kala guulaystay hal cod 39 Iyo 38′ iyadoo fara-cididood uu Kursiga guddoomiyaha loogu dhawaaqay Xildhibaan Baashe oo noqday Gudoomiyihii Golaha Wakiiladda Somaliland, walaw ay durbadiiba soo baxeen dareeno shaki abuuraya oo balfinaya inay madasha ka dhacday wax is dhaafin iyo musuq-maasuq.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, wuxuu Doorashada Ka hor soo bandhigay barnaamij cad oo sida uu sheegay uu doonayo inuu golaha ku hoggaamiyo, kaasoo sida uu ku dooday Baarlamaanada Afrika ee dhigiisa ah Kula tartan siin doono iyo qaabka uu doonayo in ay Waaxda Sharcidejinta, Fulinta Iyo garsoorku u wada shaqaynayeen, iyadoo aanay qorshaha ugu Jirin in uu Xisbi Iyo koox gaar ah ugu adeego Kursiga, isla markaana wax walba Ka hormarinayo danta Qaranka Dastuurka Iyo sharciga, balse ajandaha quruxda badan ee ay Ka muuqatay Hoggaaminta iyo shaqsiyada Talyanle ayaa ku guuldaraystay hal cod oo guushu ku raacday Xildhibaan Baashe oo aan la iman ajande cad oo muuqda, ama la taaban karo.

Sidoo Cabdiraxmaan Talyane, wuxuu markii Lagu Dhawaaqay Natiijada Si qiima Baddan ugu hibeeyay guusha Xildhibaan Baashe, wuxuuna Jeediyay Hadal kooban oo wadaniyad, bisayl siyaasadeed Iyo masuuliyadi Ka muuqatay, waxayna weedhahaasi ruxeeen quluubta xildhibaanadii u codeeyay Iyo Kuwii Ka codeeyay ee madasha fadhiyay Iyo marti sharaftii kasoo xaadirtay fadhigaa oo ahaa Muujiyay Mustaqbalka wabnaagsan ee Xildhibaan Talyanle ku leeyahay Siyaasada Dalka.