Hargeysa(ANN)-Guddida heer qaran ee ka hor-tagga Xannuunka Coronavirus #COVID-19, u qaabilsan Somaliland, ayaa maanta ka gudoomay Shirkadda Isgaadhiinta casriga ah eeTelesom Qaadhaan lacageed oo dhan $840,000.00 (Siddeed boqol iyo afartan kun oo doollar).

Deeqada qaadhanka ah oo ay shirkada Telesom kaga qayb qaadanayso qaadhaanka ay xukuumaddu ka dalbtaya ganacsatada iyo shirkaddaha si loogula tacaalo ka hor-taga Xannuunka Covid19, waxay shirkadda Telesom sheegtay in lacag dhan $640,000.00(Lix boqol iyo afartan kun oo doollar) oo kamida lacagtaasi ay kusoo iibiyeen qalab, Sidoo kalena waxay Guddida ku wareejiyeen $200,000.00 (Laba boqol oo kun oo doollar) oo Jeeg ah.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Guddoomiyaha Guddida ka hor-tagga Xannuunka Coronavirus, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka gudoomay shirkadda Telesom qalabkaa iyo lacagta cadaanka ah.

Munaasibada lagula kala wareegay deeqda oo ka dhacday qasriga Madaxtooyadda Somaliland halkan ka daawo.