Araweelo News Network

 

“Waxaanu Codsanaynaa In Arrimaha Ololaha La Xidhiidha Iyo Meelaha La Leeyahay Kaadhadh Ayaa Lagu Iibsanayaa Inaad Soo Sheegtaan” Xamse Khayre

Khamse Khayre Guddoomiyaha Ololaha ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa(ANN) – Xisbiga Waddani ayaa wacdaro xoogan ku soo bandhigay gobolada iyo degmooyinka Somaliland tan iyo intii ay bilaabmeen ololaha doorashooyinku isagoo si balaadhan u muujiyey cududa taageero ee uu haysto.

Kooxda Kaanbaynka Isgaadhsiinta ee WADDANI

Madaxa ololaha ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mr Xamse Khayre Cabdilaahi ayaa ka warbixiyey sida ay ugu suuro gashay ilaa iyo hada in taageero balaadhan ay ka helaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Telefishanka Somali Cable ayaa booqday xarunta guud ee Ololaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ee magaalada Hargeysa, halkaas oo shaqo adag oo ka socota oo ay ku foogan yihiin in ka badan 120 dhalinyaro ah.

Telefoono kala duwan ayaa loo kala dirayaa shacabka degmo, tuulo ilaa gobol, isagoo mid kastaa uu si gaar ah uga codsanayo inuu codka siiyo xisbiga Waddani, waa qorshe cusub oo ugub ku ah ololaha doorashooyinka Somaliland oo xisbigani gudaha Hargeysa kaga soo bandhigay.

Xamse Cabdilaahi Khayre, Gudoomiyaha Ololaha ee xisbiga Waddani ayaa si gaar ah isha ugu hayey, una kormeerayey markii aanu booqanay Xarunta Ololaha Xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa, waxaan wax ka waydiiyey sida ugu suuragashay qorshayaashan ugubka ku ah xisbiyada Somaliland iyo xiliga ololaha ee xisbiga Waddani markii ugu horaysay uu soo bandhigo.

“Waa Illaahay mahadii, meel fiican ayay wax noo marayaan, doraad ayay ahayd maalintii afraad ee aanu u lahayn ololaha, markaa waad arkayseen Boorama, Burco, Hargeysa, Berbera, wali isma dhimin baaxada iyo daafada uu xisbiga Waddani ku soo saarayo shacbiga Rajo doonka ah ee magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka Waddanka oo dhan, aadbaanu u niyad wanaagsanahay meel fiicana wax wey noo marayaan.

Halkani waxa weeyi Xarunta guud ee Hawlgalinta Ololaha Xisbiga Waddani oo ku taala caasimada Somaliland. Xarunta Wicitaanka xisbiga Waddani waxa ka hawlgala 120 qof, waxaanay shaqaysaa sideeda subaxnimo ilaa sagaalka habeenimo, habeenoo dhan dadkaasi way hadlayaan waxay la hadlayaan codbixiyeyaasha Jamhuuriyada Somaliland ku nool, Laascaanood ayay la hadlayeen wiigii hore hada Burcay la hadlayaan, Hore Hargeysay ula hadleen, waxaanu rajaynaynaa inta doorashada ka hadhay inay la hadlaan 200,000 qof.

Waxa kale oo jira meesha ay la hadlaan marka ay qiyaasaan taageeradeedu intay leegtahay waxa kale oo jira dad iyaguna dhulka nooga shaqeeya oo meeshii hoosaysa kor u soo qaada oo gala, tusaale ahaan magaalada Hargeysa ilaa shan kun oo dhalinyaro ah ayaa nagala shaqeeya.” Ayuu yidhi Madaxa ololaha ee xisbiga Waddani, Xamse Cabdilaahi Khayr, waxaanu sidoo kale uu ku dhawaaqay khad telefoon oo layn ah oo dhamaan cabashooyinka, talooyinka dhamaan dadka jamhuuriyada Somaliland ay kala soo xidhiidhi karaan xisbiga Waddani, khadkaas telefoon waa la dulfadhiyaa maalintii ilaa 16 saacadood, markaa cidii goobahaasi lanagala soo hadlay joogta ayaanu hawlgalinaynaa Tel 540221, markaa waxaanu codsanaynaa in arimaha ololaha la xidhiidha iyo meelaha la leeyahay kaadhadh ayaa lagu iibsanayaa inaad soo sheegtaan cidii Cabanaysa ee xisbiga haday tahay gobolada iyo degmooyinka.” Ayuu yidhi Xamse Cabdilaahi Khayre, Gudoomiyaha Ololaha ee xisbiga Waddani.