Araweelo News Network

guddoomiyecirro2Hargeysa (ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ballanqaaday haddii uu talada dalka ku guulaysto inuu samayn doono Komishanka La-dagaalanka Qabyaaladda, kaasoo yeelanaya awoodo sharci iyo ujeeddooyin cad.
Md. Cirro oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey furitaanka shirka 1aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI oo ka furmay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, waxa uu sheegay inay dib-u-qaabayn ku samayn doonaan siyaasadda iyo maamulka Somaliland, isla markaana dhisi doonaan dawlad ku shaqaysa isbeddel siyaasadeed oo qoto-dheer, kuna dhisan siyaasad caddaaladdu u tahay udub-dhexaad.
“Xukuumadda WADDANI waxay samaynaysaa Guddida Dib-u-eegista iyo Qabyo-tirka Dastuurka Qaranka. Guddidaasi waxay ka talo-bixinaysaa sidii Dastuurku ula jaan-qaadi lahaa geeddi-socodka habka dimoqraadiga wada-tashigu, korriinka dawaldnimada iyo isbeddelka wax-wada-lahaasho ee aynu dhidibada ugu aasayno midnimada ummadda. Waxay hirgelinta saamiga haweenka golayaasha dawladda 30%, iyo kor-u-qaadidda ka qaybgalka xukuunka heer walba bulshada dulman,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Waxa kaloo uu caddeeyey inay kordhin doonaan miisaaniyadda dawladda, dib-u-habayna lagu samayn doono maamulka maaliyadda iyo xisaabaadka, “Xukuumadda WADDANI waxay labanlaabaysaa miisaaniyad-sannadeedka oo gaadhsiinaysaa ilaa $500 malyuun, taas oo shantii sannadood noqonaysa $2.5 bilyan oo doollar. Dakhligaas waxay xukuumadda WADDANI u qoondaynaysaa 30%, horumarka siyaadeedna ma aha in cashuur culays keenta soo kordhiso ee waa in ay ta waajibtay hagaag u maamusho.”
Waxa uu intaas ku daray, “Waxa ka go’an xukuumadda WADDANI in ay sida ugu adag ula dagaallanto aafada musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo-kiilka, laaluuska iyo xatooyada xoolaha ummadda. Waxay hirgelinaysaa xeer lagu xakamaynayo aafadaas, laguna awoodaynayo hay’adaha ku shaqo leh. Waxay si buuxda ula dagaallamaysaa qabyaaladda, iyadoo abuuraysa Komishanka La-dagaallanka Qabyaaladda oo awood sharci oo buuxda yeelanaya, ujeeddo cad iyo hadaf adagna leh.”
Guddoomiyaha WADDANI, ayaa sidoo kale ballanqaaday inay tayeyn doonaan, isla markaana daryeeli doonaan shaqaalaha dawladda, laguna xulan doono aqoon iyo karti, isagoo xusay in habka shaqaalaysiintu noqon doonto mid cad oo loo maro sifo sharci ah. “Waxaynu ognahay in saboolnimadu sii korodho mooyaane aanay marnaba hoos u dhicin oo maanta la innagu sheego in aynu ka mid nahay dhawrka dal ee ugu fakhrisan dunida intaa le’eg. Waxaynu dejinaynaa siyaasadda xakamaynta sicir-baraka ee la xidhiidha dollarka heehaabaya iyo samaynta ku tiirsanaanta dhaqaalaha wax-soo-dhoofsiga. Waxay xukuumadda WADDANI dhakhli joogta ah ugu talogelaysaa dadka jilicsan ee agoonta iyo carruurta saboolka ah iyo dadka laxaadka la’, iyadoo ay iska kaashanayaan Dawladda Dhexe, Dawladda Hoose, ganacsatada iyo samafalka sida Hay’adda Sakada.”
Sidoo kale, waxa uu ballanqaaday inay wax ka qaban doonaan horumarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinku ku jiraan haddii loo doorto Madaxweynaha Somaliland.
“Xukuumadda WADDANI waxay ku talaabsanysaa: dejinaysaa siyaasad tafatiran oo ka tarjumaysa daboolidda baahida hoyga dadka Jamhuuriyadda Somaliland miyi iyo magaaloba. Waxay aasaasaysaa Wakaaladda Guriyeynta iyo Daryeelka Hantida Ma-guurtada Somaliland, isla markaana dhisaysa 1070 guri oo dawladeed oo loogu talogalay shaqaalaha, ciidanka, macallimiinta iyo dadka jilicsan; iyo 3,000 guri oo kiro-iib la awoodo, muddo-xilleedka hore. Waxay dhiirrigelinta maalgashiga soo-saaridda iyo adeegsiga khayraadka dhismaha ee dalka sida: sibidhka, marmarka, rinjiga, lebenka, dhagaxa-qoran, iwm iyadoo la isticmaalayo warshado yaryar iyo qaar baaxad lehba. Waxay dhiirrigelinaysaa ilo maalgelineed oo xalaal ah, si muwaaddiniintu hoy dhismo ah u heli karaan, kuwa hadda jira iyo kuwa soo biirayaba.
Waxay kor u qaadaysaa xirfadda dhismaha iyo tirada xirfadlaha guud ahaan dalka, iyadoo dugsiyada farsamada laga soo saarayo farsamo-yaqaanno dhisme lagu fuliyo hawshaas.”
“Xukuumadda WADDANI waxay kobcin doontaa habka dimoqraadiga ah ee aan ku caano-maalay, waxayna ballanqaadaysaa in ay si aan hakad iyo hagrasho lahayn u qaban doonto doorashooyinka golayaasha dalka iyo kuwa Madaxweynaha xilligooda oo go’an, waxaanay ummadda u ballanqaadaysaa in ay baabi’in doonto dhaqanka muddo-korodhsiga ee cambaarta ku noqday dimoqraadiyadda Somaliland.
Waxaan dhiirrigelinaynaa doorka firfircoon ee saxaafaddu ka qaadato doorashooyinka iyo wacyigelinta dadka, annagoo ballanqaadayna in aanu ilaalinno xorriyadeeda iyo ta asaasiga ee dastuurku jideeyey.”
“Waxa innoo ballan ah in aan galno olole doorasho oo nadiif ah iyo tartan xor ah oo xalaal ah, waxaanan ku boorrinaynaa Komishanka Doorashooyinka inay u guntadaan sidii ay u suurtogelin lahaayeen in la helo doorasho hufan oo muwaaddiniintu xaqooga distooriga ah ku gutaan, dalkana sumcaddiisa iyo dawladnimadiisa meel sare gaadhsiisa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Waxa kloo uu sheegay inay dejiyeen qorshayaal iyo siyaasadda lagu waajihi doono dhibaatooyinka horyaal Somaliland, waxaannu soo bandhigay qorshe ka kooban lix tiir oo xisbigiisu dalka ku hoggaamin doono uu ku guulaysto talada dalka.
“Jamhuuriyadda Somaliland waa qaran madaxbannaan, aqoonsiga caalamkuna waa hadaf lagu gaadhi karo isku-duubnaan, xoojinta dimuqraadiyadda gudaha iyo istraatiijiyad sugan oo lagu dhiso xidhiidhka caalamka. Qarankani wuxuu buuxiyey dhammaan shuruudaha dawladnimo taam ah.
Waxay xukuumadda WADDANI diyaar u tahay in ay xoogga saarto furdaaminta caqabadaha aqoonsiga hortaagan, iyadoo ay dhisayno xidhdhkeenna caalamaka, xoojinayna danaha iyo xidhiidhka aynu la wadaagno dalalka deriska ah iyo kuwa kale ee caalamka. Waxaannu diyaar u nahay wadahadal midho-dhala in aannu la yeelanno walaalaha Soomaaliya, kaasoo aannu aaminsanahay in aanu ku guulaysan karno dhismaha laba dawladood.
Waxaa noo fududaynaya hawsha aqoonsi-raadinta tacabka gudaha aynu gelinno ee adkaynaya dhismaha qaran adeegsada habka dimuqraadiyadda wada-tashiga, ku dhaqma qaynuunka, oo ka nadiifoobay musuqmaasuqa iyo qaraabo-kiil; kaas oo ilaaliya xuquuqal-insaanka, xorriyadaha asaasiga ee dadka iyo ku-dhaqanka heshiisyada caalamku dhigtay.
Waxaannu sugaynaa midnimada dadka iyo dalka, annagoo ku salaynayna siyaasadda saami-qaybsiga kuraasta golayaasha qaranka, kuwa xukuumadda iyo khayraadkiisaba oo caddaalad ku dhisan.
Waxa xukuumadda WADDANI garowsan tahay tabashada bulshooyinka Sool iyo Sanaag/bari. Waxay ballanqaadaysaa in hirgeliso xal waara oo ku dhisan wada-tashi iyo wax-wada lahaansho si aynu u dhalinno isaamin bulsho oo waara, inoona horseeda nabad taam ah iyo barwaaqo.”
Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshayaashooda la xidhiidha xoojinta amniga iyo xasiloonida Somaliland, “Waxaynu salka nabadda iyo ammaanku ku dhisanyahay marka hore ka dhigaynaa caddaaladda ummadda dhexdeeda. Waxaynu marka labaad ku dhisaynaa kaalinta ciidanka qaranka.
Ciidanku waa astaanta, midnimada iyo badbaada qaranka. Waxaannu dhisaynaa awoodda buuxda ee ciidanka qaranka- qaybihiisa kala duwan- si uu u sugo difaaca dalka, isaga oo ka diyaarsan dhinacyada saanadda iyo tababarka. Waxay dawladda WADDANI ahmiyad siinaysaa daryeelka ciidanka iyo qoysaskooda qaybihiisa kala duwan: Ciidanka qaranka bad iyo cirka, booliska qaranka, iyo qaybiisa sirdoonkaba. Waxaan kordhinaynaa mushaharkooda, waxaan dhisaynaa cusbitaallo u gaara ciidammadeenna iyo qoysaskoodaa aan imika haysan daryeel caafimaad,” ayuu ku yidhi khudbaddiisa.