Araweelo News Network

cirrolastLaascaanood (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka codsaday dadweynaha ku dhaqan degaannada Gobolka Sool inay codkooda siiyaan xisbigiisa marka la gaadho doorashooyinka u muddaysan inay dalka ka qabsoomaan bisha March ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Md. Cirro oo hadal u jeediyey dadweyne badan oo ku soo dhaweeyey magaalada Laascaanood isaga iyo wefti xisbiga WADDANI ka tirsan uu hoggaaminayo shalay, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabmaysa degaannada Gobolka Sool iyo Buuhoodle toddobaadkan.
“Haddii aad jeceshihiin WADDANI, annaguna sidaas ayaannu u jecelnahay shacabka reer Sool. Waxa la ii sheegay in nin murrashax ah oo maalin dhoweyd halkan yimi inuu idin ku yidhi cod idinkama doonayo ee hebel codsiiya, balse annagu waxaannu idinku leenahay codkiinna annaga na siiya, waxqad iyo horumarna annaga ayaa diin samayn doona,” ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
ciroiyouurcade
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Xisbiga WADDANI waa xisbigii ugu horreeyey ee shirweyne dhallinyareed qabta. Dhallinyaradu hormuud bay ka tahay xisbiga WADDANI, waxaanuna doonaynaa in xisbiga aad wax ku yeelataan dhallinyarooy, in aad isbeddelka qeyb ka noqotaan, waxa aannu u baahan nahay in barnaamijka siyaasiga ah aad wax ku yeelataan, weliba sidoo kalena aad talada xisbiga qeyb ku yeelataan. Waxa aannu doonaynaa in aad dhallinyarada hoggaamisaan oo aad ku hoggaamisaan mustaqbal ifaya.
Walaalayaal; maanta waxa aannu u soconany ma ahayn olole siyaasadeed ee waxaannu u soconnay in aannu idinkala qeybgalno furitaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland. Gobolka Sool degaanno badan iyo degmooyin ka mid ah kama ay dhicin doorashooyinkii hore iyo diiwaan-gelimahiiba, balse waxa aannu ku faraxsanahay in maanta shacabka degaannadani diyaar u yihiin in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka Somaliland.”
Weftiga Guddoomiyaha WADDANI ee lagu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood waxa ka mid ah Xoghayaha Guud Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, xubno isugu jira hoggaanka, guddida fulinta, siyaasiyiinta xisbiga iyo weliba waxgarad ka soo jeeda degaannada Gobolka Sool.
Siyaasiyiin, waxgarad iyo dadweyne kale oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay taageerada ay u hayaan xisbiga WADDANI, iyaga oo dhanka kalena si aad ah u dhaliilay xisbul-xaakimka KULMIYE oo ay ku tilmaameen in aannu ahayn xisbi doonaya midnimada ummadda Somaliland.
Xoghayaha Guud ee WADDANI, Xoghayaha Warfaafinta, Xoghayaha Arrimaha Bulshada, siyaasi Siciid Sulub iyo Barkhad Jaamac Batuun oo iyaguna la hadlay dadweynaha reer Laascaanood, ayaa sheegay in ay si aad ah ugu faraxsan yihiin sida diirran ee loogu soo dhoweeyey guud ahaan degaannada Gobolka Sool.