Araweelo News Network.

“Boqor Buurmadaw Wuu Idiinsoo Gurmaday Ee Ka Xishooda, Maalin Kamaydin Hadlin Kuwa Xasuuqa Somaliland Ku Faanna Ee Madaxda Idiin Ah” Guddoomiyaha Xisbiga UCID

“Xiniyaha Aad Nagu Eegaysaan Iskaga Celiya Inanka Yar Ee Siyaad Bare Idinku Noqday Muqdishooy” Faysal Cali Waraabe.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si kulul uga ka hadlay hanjabaado loo jeediyay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo kus sugan Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay Socdaalka Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw), ayaa sheegay in arrimaha uu halkaa ka qabtay ee taageerada dadkii laga raray Laascaanood iyo dadka uu heshiisiiyay ay ahaayeen arrimo wanaagsan.

Balse, wuxuu sheegay in uu aad ula yaabay in dadkii uu usoo gudmaday ee nabada iyo sidii doorasho ugu dhici lahayd uu dalka Imaaraadka ugaga yimi gurmadka ay u hanjabaan Boqor Cismaan.

Faysal wuxuu sheegay in kuwa leh Boqor Cismaan raaligelin ka bixiyo hadalka uu ka sheegay ina Cabdi Godane aannay ahayn kuwo xishoonaya oo aan maalin la hadlin kuwa madaxda u ah eek u faana xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland.

“Boqor Cismaan wuxuu isku xilqaamay in uu gacan ka geysto sidii Soomaaliya doorashada dadban nabad ugu dhici lahayd, dadkii Laascaanood laga tarxiilay ee sida deg-dega ah loo tarxiilayna xaal ayuu ka bixiyay, si fiicana waa loo soo dhoweeyay. Laakiin hada waxaan maqlayaa ninkii usoo gurmaday ee is xilqaamay ee uga soo kicitimay Imaaraadka oo laga yaabo in aannay dad baddan oo Somaliland ah aannay ku waafaqsanayn arrintaa ee naftiisa ugu badheedhay wax aan siyaasada Somaliland ahayn in kuwii uu usoo gurmaday ay maanta aflagaadaynayaan.” Ayuu yidhi.

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu isagoo ka hadlaya hadalka lagu qabsaday Boqor Cismaan yidhi, “waxaan leenahay hadaad leedihiin hadlaka ina cabdi Godane xaal ha ka bixiyo, waxaa idin la jooga kuwii gamcaha dhiigga ku lahaa ee dadkan “Somaliland” xasuuqay, waxa idinla jooga kuwii ku faanayay xasuuqii ay dadka “isaaqa” u geysteen ee maxkamaddaha aduunka laga diiwaan geliyay, maalina kamaydin hadlin.”

“Xasan Sheekh miyaanu ahayn ninkii General Cali Samatar oo BBC-da ka sheegay inuu amray duqayntii iyo xasuuqii asska qaran u sameeyay, Farmaajo miyaanu ahayn kii Tuke oo dadka nollosha ku gubay la sawirnaa, maxa uga hadli weydeen, nin baa idinka dhashay wax dhiigle “Caydiid” isna wuu dhintay.” Ayuu yidhi. Faysal Cali Waraabe.

“Doobiilaha gacanyaraha u ah farmaajo, Kii lahaa in la xasuuqo way ku fiicnayd wuu idinla jooggaa, Farmaajo oo qabrigii Siyaad Bare ka dul ooyaya, kii xasuuqay shacbigii cadaadley, Moorgan iyo kuwii denbiyada xasuuqa Somaliland galay ayaa idinla jooga maalin maydin ka hadlin, waar xishooda.” Ayuu yidhi, Faysal Cali Waraabe oo la hadlaya shacbiga Muqdisho.

 “Ma ninka idiinsoo gurmaday idinkoo afar sannadood inan yari “farmaajo” dawladdii Maxamed Siyaad Bare idinku dhex abuuray ee guulwadayaashii u bixiyay “xooggaga wadaniyiinta”, Fiqi, waxaan leeyahay ma ninka idiinsoo gurmaday ayaad leedahay raaligelin ha bixiyo, maxay raaligelin u bixin waayeen kuwa gamcaha dhiiga ku leh ee dadka xasuuqay ee dunida ka diiwaangashan, waar xishooda oo xiniyaha aad Buur-madaw ugu hanjabaysaan ee nagu aragtaan ku arka dulmiga idin haysta.” Ayuu yidhi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com