Araweelo News Network.

Boorama(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay falcelinta kaga timi khudbad uu ka jeediyay maalmihii lasoo dhaafay Jaamacaddda Hargeysa xilli uu munaasibad loo qabtay Ardayda ka qalinjebisay loo qabtay.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo Khamiistii ka qaybgalay munaasibadda dufcadii 21aad ee Jaamacadda Camuud oo shahaadooyin lagu guddoonsiiyay 1088 Arday oo dhammaystay culuun kala duwan, ayaa sheegay in Hooyadii ku canaanatay hadalka uu Jaamacadda Hargeysa ka jeediyay dhowaan.

“Hooyaday ayaa ugu canaaanatay hadalka aan ka jeediyay Jamacadda Hargeysa, markaa hadalkii siyaasadda Hooyaday ayaa iga xidhay ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo tilmaamaya dhawaaqyada siyaasiyiinta ee warbaahinta laysu mariyo, kuwaas oo madal aan ku haboonayn inta baddan siyaasiyiintu isku weydaarsadaan weedho aannay bulshada dhegahoodu dheclaysan oo xanaf abuura.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya dardaaranka ay siisay Hooyadii ee la xidhiidha hadalada laga jeedinayo gollayaasha ee xukuumadda iyo mucaaradku isku weeraraan, ayaa ka hadlay qaabka ay Hooyadii ula hadashay ee ay weliba cannaanta iyo dardaaranka u jeedisay.

Muuqaalkan ka Daawo Madaxweyne Biixi oo arrintaa ka hadlaya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com