Araweelo News Network

dagalyahan alshababahMogadishu(ANN) Hoggaamiyaha Cusub ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Abuu Cubeyda, ayaa markii u horaysay jeediyay hadal uu kaga hadlayo dhacdooyin baddan oo la xidhiidha dagaalada Jihaadiga ah ee ay dunida ka wadaan Al-shabaab iyo Urur weynaha ay ka tiran yihiin ee Al-Qaaida iyo sidoo kale kooxaha jihaadiga ah.

Sheekh Abuu Cubeyda oo aan warkiisa la maqal tan iyo markii uu xilkaasi qabtay bishii September sanaddii 2014 xiligaasi oo duqeyn Mareykanku sameeyay uu ku shahiiday Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr Amiirkii hore ee Xarakada Al Shabaab, wuxuu ka hadlay arrimo badan, Sida ay baahisay Mu’asasada Al-kata’ib, wuxuuna fariintiisa kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo guud ahaan bariga qaaradda Afrika.
Abuu Cubeyda, wuxuu hadlakiisa cinwaan uga dhigay “Shahaada ama Shariicah” , taas oo ah Video ah oo soconeysa muddo 44 daqiiqo ah, wuxuuna ugu horreyn Umadda ugu hambalyeeynayaa Munaasabadda Ciidda, ka dibna wuxuu soo hadal qaaday marxalada ay maanta ku jiraan Muslimiinta duulaanka cadowtooyo kala kulmaya gaalada caalamka.

“Ugu horeyn waxaan halkaan hambalyo ugu direynaa dhamaan dadka muslimiinta meelwalba oo ay dunida kaga sugan yihiin, gaar ahaan mujaahidiinta furimaha dagaalka joogta sida Afghanistan, Jaziiratul Carab, Maghribul Islaam, Shaam, Qowqaaz iyo goob walba oo ay Mujaahidiintu ku sugan yihiin.

Sidoo kale waxaan hambalyo iyo salaam u direynaa hogaanka mujaahidiinta oo uu ugu horeeyo Amiirkeena, AShaykh Al-Mujaahid Ayman Ad-Dawaahiri –Xafidahulllaah- Waxaana dhamaantood leeyahay ciid Mubaarak. Allaha idinka aqbalo cibaadadii soonka ee aad la timaadeen iyo qiyaamkii iyo dikrigii rabbi ee aad la timaadeen” ayuu yidhi Sheekh Abuu Cubeydah.

Intaas ka dib Amiirka ayaa si kooban ka hadlay xaalada guud ee Muslimiinta kuwaas oo uu sheegay in maanta ay ku hoosjiraan, wuxuu ku tilmaamay gumeysi ba’an oo kaga imaanaya Yahuud, Nasaaro iyo Mulxidiin, balse wuxuu rajo fiican ka muujiyey in ay soo baxeen dad baraarugsan oo u istaagay Jihaadka wadada Alle si ay isaga difaacaan duulaanka horarka ah ee cadowga.

Hirdanka Ka Socda Soomaaliya.

Shaykh Abuu Cubeydah ayaa intaas ka dib soo hadal qaaday xaalada uu maanta marayo dalka Muslimka ah ee Soomaaliya, Isagoo yidhi, “Hadaan u soo laabto dhanka Soomaaliya, Waxaa la wada ogsoon yahay wixii dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dhulkaan ay soo mareen, laga soo bilaabo gumeysigii saliibiyiinta, la soo maro xukuumadihii is-xigay ee mabaadii’da gaalada dalka ku dhaqi jiray illaa laga soo gaadho hogaamiye-kooxeedyadii Mareykanku adeegsanayey, lagu soo khatimo gumeysiga cusub ee uu hadda wadanka ku jiro.

Dhammaan xamlooyinkaas kala duwan waxaa ka hortagay dad Mujaahidiin ah oo saadiqiin ah oo kaga hortagay af iyo adinba sidan Allaah ka rajeyneyno” ayuu yidhi Abuu Cubeyddah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu yahay mid soo jireen ah oo u dhexeeyey xaqqa iyo baadhilka, islamarkaana uu yahay dagaalkii ay waalidiinteena la soo galeen shisheeyihii hore, “Marna ma dhicin in dadka Muslimiinta ah ay is dhiibaan Jihaadka aan maanta ku jirnana wuxuu la xidhiidhaa, Imtidaad iyo dhameystirna u yahay Jihaadkaas soo jireenka ah ee ay awoowayaasheen iyo Aabayaasheen kula soo jireen gaaladii xilligooda joogtay,.
Anaguna gaalada hadda joogta oo ah caruurtii ay dhaleen kuwii shisheeyihii awoowayaasheen la soo dagaalameen ayaan jihaad kala soo horjeednaa sidaas ayeyna xaqqa iyo baadhilka marwaliba isaga soo horjeedaan ilaa qiyaamu saacah” ayuu yidhi Abuu Cubeydah.

wuxuu sheegay inuu Fariin u dirayo bulshada Soomaalida, isagoo yidhi, “Anigoo ka faa’ideysanaya fursadan, waxaan halkaan ka dirayaa fariimo dhowr ah, waxaana Allah weydiisanayaa towfiiq iyo toosnaan. Fariinta koowaad waxay ku socotaa Umadda Soomaaliyeed. Umadyahay waxa la heysto waa dhulkiina, waxa la xasuuqayo waa ubadkiinii iyo maatadiinii, waxa la boobayo waa hantidiinii iyo khayraadkiinii, waxa ciidamada saliibiyiinta ah dalka loogu soo daabulayo waa in aad isdhiibtaan oo aad gumowdaan, ka dibna wixii ay damacsanaayeen la idinka fusho, Yaanan la idinku qaldin magacyada qurxoon ee saliibiyiintu u bixinayaan ciidamada ay dalka ku soo qufayaan sida waxa ay ugu yeedhaan nabad ilaalin iyo wixii la mid ah oo kale. Waxaad ogtihiin hogaamiye-kooxeedyadii murtadiinta dhiig-miiratada ahaa ee idiin halakeeyey kuwii aas-aasay ee abaabulay ee mas’uulka ka ahaa ayaa maantana lagu sheegayaa nabad ilaalin” ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xarakada Al Shabaab.

“Maalinkaad hogaamiye kooxeedyadii la jihaadeen, ee aad iska dulqaadeen dulmigoodii iyo tacadigii ay ku hayeen bulshada ee Allaahna nabad idinku siiyey jihaadkii iyo nafhurkii aad la timaadeen ayaa Itoobiya la idinku soo hogaamiyey. Markaad jihaad kala hortagteen lagu qasbay in ay lug uga baxaan dhulka Muslimka ah, waxaa la idinku soo hogaamiyey ciidamo African saliibiyiin ah oo ay taageerayaan Mareykanka iyo gaallo oo dhan. Waxay u yimaadeen ma ahan in ay nabad ilaaliyaan ee waa in ay Itoobiyadii Alle jabiyey ay garab iyo gaashaan u noqdaan” ayuu yidhi Abuu cubeydah.

Xeerka Ay Ansixisay Xukuumada Federaalka.

Wuxuu sheegay in maantana cadawgu ay keensadeen maamul dabadhilifyo ah oo wadanka u gacan geliyey shisheeyaha, sidoo kalena Akhlaaqdii iyo dhaqankii wanaagsanaa ka fasahaadiyey Umadda, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday qaanuunkii faaxishada badnaa ee dhawaan ay ansixisay Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka ee baneynayey in raggu isguursan karaan, dumarkuna cudad tirsan karin.

“Waxaa intaas sii dheer in Xukuumada ridada ah ee Muqdisho ka jirta ay ansixisay shuruuc Akhlaaq kasta oo wanaagsan oo Umaddan lahayd tirtireysa, baneyneysana Anshax-xumo halka ugu sareysa, Waxay ansixiyeen wax xitaa ay ka xishoodeen, kana hor yimaadeen dowladaha Kirishtanka ah qaarkood” ayuu yidhi Sheekh Abuu Cubeyda.

Faragelinta Turkiga Ee Soomaaliya

Mar uu soo hadal qaaday marxaladda dhaqaale ee uu ku jiro dalka ayuu sheegay in maanta wadanka uu ku jiro hoos u dhac xagga dhaqaalaha ah meeshii ugu liidatay Islamarkaana Xukuumada ka jirta magaalada Muqdisho ay dhaqaalihii dalka u gacangelisay Shirkado Shisheeye taas oo keentay in uu hoos u dhac ku yimaado tacabkii beeraha, ka ganacsigii xoolaha iyo bagaashkii kala duwanaa,Wuxuu tilmaamay in shisheeyaha loo gacangeliyey dhaqaalaha wadanka ay hormuud u tahay Turkiga oo uu ku tilmaamay mindi sumeysan oo ku jirta gacanta gaalada NATO, laguna dhibaateynayo Muslimiinta.

“Waxaa shisheeya loo gacan geliyey dhaqaalihii wadanka hormuud u ah Turkiga oo xubin firfircoona ka ah xulifada saliibiyada ee NATO oo ah awood Military oo loo sameystay sidii Muslimiinta loogu gumaadi lahaa, Waxaana intaas sii dheer in ay horboodayeen duulaankii mareykanku uu hogaaminayey ee lagu soo qaaday Muslimiinta Soomaaliya sagaashameeyadii. 1993-dii, General Bir oo dhalashadiisu Turkey tahay ayaa ahaa taliyihii korkacayey ciidamadii huwanta ahaa oo ka koobnaa in ka badan 30,000 oo askari oo laga kala keenay ku dhawaad 36 dowladood” ayuu yidhi Amiirka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab.

Wuxuu sheegay in maanta Turkiga uu gacanta ku dhigay ilihii dhaqaale ee wadanka sida garoonka iyo Dakada Muqdisho, islamarkaana uu Dakada ka ceyriyey in ka badan 5,000 oo shaqaale ah, sidoo kalena uu cunaqabateyn xagga gacansiga ah uu ku soo rogay ganacsatada Soomaaliyeed.

Sheekh Abuu Cubeydda ayaa ku dheeraaday ka hadalka duullaanka dhanka dhaqaalaha ah ee dowladda Turkiga kusoo qaadday dalka Soomaaliya isagoona shacabka soomaaliyeed ku baraarujiyay in aysan ku dagmin dib udhiska iyo waxqabadka ay sheeganayaan madaxda Turkiga ayna ogaadaan in waxa turkigu qabanayo ay ka daranyihiin boobka dhaqaalaha ee uu dalka ka wado sida dekadda iyo garoonka Muqdisho oo uu la wareegay islamarkaana uu shaqada ka eryay Kumanaan shaqaale soomaaliyeed ah.

Amiirka Xarakada Al Shabaab ayaa nuux nuuxsaday in dowladda Turkiga ay ku doonayso gacan ku dhigidda dhaqaalaha soomaaliya ayna faqri iyo ceydhnimo la damacsantahay shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Itoobiya ayaa Maamula Villa Somalia.

Hoggaamiyaha Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in Itoobiya gumeysi ku hayso soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay in Safiirka iyo Itoobiya ee Soomaaliya iyo saraakiil hoosaadyo ay awaamirta usiiyaan Hoggaanka DF-ka.

Wuxuu sheegay in Kooxda Villa Somalia ay u taliyaan saraakiil Itoobiyaan islamarkaana ay yihiin laheystayaal gumeystaha u ceynsan, Abuu Cubeyda ayaa rajeeyay in Itoobiya iyo xulufadeeda iyagoo guuldaraystay ay isaga huleeli doonaan dalka Soomaaliya.

Maamulada Isku magacaabay Federaal-ka

Sidoo kale, Amiirka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Abuu Cubeydah wuxuu soo hadal qaaday maamulada lagu sheegay Federal-ka ee ay gaaladu soo dhiseen, Waxaana uu tilmaamay in maamuladas ay ka jiri doonin Soomaaliya, Islamarkaana jiritaankooda uu ku xidhan yahay kaliya inta ay joogaan ciidamada Shisheeye.

“Maamulada ridada ah iyo waxa loogu yeero Fedaral-ka, ma ahan mana ahaan doonaan Insha’allaah wax Umadda Muslimka ah ee xalaasha ah ay aqoonsan tahay, Waxa hogaanka u haya nidaamkaas waa shaqsiyaad diintii Illahay ka baxay, jiritaanka maamuladoodana uu ku xiran yahay joogitaanka ciidamada gaalada. Waxa horkacaya waa niman lagu soo barbaariyey wadamada reergalbeedka saliibiga ah kuwaas oo diin la’aan iyo dhaqan xumo ku asteysan, waana calooshood u shaqeystayaal aanan diin, dal iyo dad midna aqoonin. Waa niman sharciga Alle sharci aanan ahayn diin ka dhigtay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay abuu Cubeydda.

Isagoo warkiisa sii wata ayuu sidoo kale dadka Muslimiinta ugu baaqay in ay la dagaallamaan soo duulayaasha wadanka qabsaday iyo kuwa dabadhilifyada u ah, Isagoona tilmaamay in sharafta iyo ciziga umaddan uu ku jiro halganka barakaysan in ay u kacaan, sidoo kalena ay la dagaalamaan cadowga hororka ku ah diinta iyo dalka.

“U istaaga Jihaadka oo la dagaalama Xabashida iyo Kenyaatiga Kirishtanka ah ee dhulkiinii horay u qaatay, inta hadda dhimana weli u soo hanqal taagaya, ka bari noqda Murtadiinta diintiinii iyo dalkiinii gadatay ee cadowga idiin dhiibtay. Allaah subxaanahu watacaalaa tala saarta sidaas ayeyna sharafta aduunyo iyo mid Aakhiraba noogu wada jirtaa” Abuu Cubeydah.

Wilaayaatka Islaamiga – Aas-aaska Daarta Islaamka

Shaykh Abuu Cubeydah Wuxuu sidoo kale la hadlay Muslimiinta ku dhaqan Wilaayaatka Islaamiga kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo tusaale u ah mujtamaca Muslimiinta, iyo aas-aaska daarta Islaamka, “Ugu horeyn waxaa leeyahay Bulshada ku dhaqan wilaayaatka Islaamiga.

Waxaad tusaale wanaagsan u tihiin mujtamaca Muslimka ah, waxaad hoos harsataan harka shareecada, waxaad hirgeliseen caqiidatul Walaa Wal-Baraa iyo in cadawga laga soocmo.

Waxaad aas-aas u tihiin daarta Islaamka, waxaad dhib iyo dheef la qeybsateen wiilashiina Mujaahidiinta ah, waxaad hiil iyo garab u tihiin qof kasta oo madluum ah, waxaad suurad wanaagsan ka bixiseen midnimada iyo isku duubnida, Ogaadana shareecada Islaamka ayaa laga helayaa Amniga ay Umadenu raadineyso. Allaah waxaan idinkaga rajeynayaa guul iyo Khayr ee sabra Nasrigu wuu dhow yahay Insha’allaah” ayuu yidhi abuu cubeydah.

Sidoo kale Wuxuu la hadlay mas’uuliyiinta gaar ahaan Wullaada kuwaas oo uu ugu baaqay in ay u dhimriyaan dadka ay Mas’uulka ka yihiin, sidoo kalena u cadaalad falaan. “Si gaar ah waxaan fariin ugu dirayaa wulaadda (gudoomiyeyaasha Wilaayaatka Islaamiga) waxaana leeyahay: waajib ayaa idiin saaran iyo mas’uuliyad culus. Umaddu waxay idinka sugeysaa in nidaamka Wilaayaatka islaamiga ah la gaarsiiyo dalka oo dhan iyo dalal inagu xeeran. Waxaan idinku boorinayaa in bulshada muslimiinta ah aad u cadaalad sameysaan, u dhimrisaan, masaalixdooda xil iska saartaan. Kuwooda waayeelada ah waalid ha idiin noqdaan, kuwooda dhalinyarada ahna gacal iyo walaalo ka dhigta, da’yartana waalid u noqda oo gacan qabta. Ku dadaala in dadku diintooda bartaan, macaahida dardar geliya oo dowraadka sharciga ah joogteeya. Jahligu waa waxa umadaha dib u dhaca ku keena ee ka feejignaada, Cilmiga iyo caqiidada waa waxa umadaha hormarka u horseeda ee faafiya” Abuu Cubeydah.

Tacadiyada iyo Fuxshiga ay ciidanka Jabuuti ka wadaan Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya.

Amiirka Xarrakada Al Shabaab ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay difaacdaan diinkooda dalkooda iyo sharafkooda wuxuuna soo hadal qaaday tacadiyada foosha xun ee shacabka soomaaliyeed ay ugeystaan dhammaan ciidamada Jinsiyadaha kala duwan leh ee Soomaaliya kusoo duulay.

Wuxuu tusaale usoo qaatay gabood fallada uu sheegay inay ka jiraan magaalooyin ay kamid yihiin Kismaayo,Buula Burte,Beled Weyne,Marko iyo Muqdisho.

Hoggaamiyaha Xarakada Al Shabaab ayaa soo sardiyay fisqiga iyo xummaanta ay ciidamada shisheeye ku dhax faafinayaan bulshada dhaxdeeda,sheekha ayaa carrabka ku dhuftay xumaanta ay ciidamada Jabuuti ka wadaan magaalooyinka Buula Burde iyo Beled weyne sida iyagoo Filimo Jinsi ah ka duubaya hablaha soomaaliyeed islamarkaana kufsanaya gabdho 6 sana jir carruur ah gabdhaha muslimaadka ah.

Abuu Cubeydah wuxuu soo hadal qaaday dhibaatada foosha xun ee ciidanka Itoobiya ku hayaan shacabka soomaaliyeed qaab saf mareen ah sida kufsigii ay gabdho muslimaad ah ugu geysteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo shacab ay ku xasuuqeen gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Muslimiinta Bariga Africa.

Marka laga yimaado gudaha Soomaaliya wuxuu Shaykh Abuu Cubeydah soo hadal qaaday Muslimiinta ku dhaqan bariga Africa gaar ahaan Kenya, Itoobiya, iyo Afrikada dhexe Wuxuuna sheegay in Al Shabaab aysan ilaabin dhibaatada, dulmiga iyo gumeysiga lagu hayo, islamarkaana loo aargudi doono dhamaan dadka Muslimiinta ah ee ku baxay gacanta cadowga oo ay ugu horeeyaan Culimada reer Kenya sida Shaykh Cabuud Rogo, Shaykh Samiir Khan iyo Shaykh Abuubakar Makaburi, Wuxuuna tilmaamay in cid waliba oo ka qeybgashay dilka culimadaas in Mujaahidiintu ay beegsan doonaan, xisaabtan adagna uu dhici doono waqti aanan fogeyn.

Wuxuu Muslimiinta ku nool bariga Africa ugu baaqay in ay hubka qaataan, lana dagaalamaan cadowgooda, midkooda Hijrada awoodana uu soo baxo uu uu yimaado mucaskaraatka Mujaahidiinta si uu kaga qeybgalo Jihaadka ka dhan ah cadowga Islaamka.

“Muslimiinta ku nool bariga Africa waxaan ugu baaqeynaa in ay hubka qaataan, bartaan funuunta dagaalka qeybihiisa kala duwan sida xarbul Cisaabaatka, dhalinyaradoodana waxaan leeyahay Laaya gaalada idiin dhow, waxba ha ula harina, toorey ama faas qofkii ku dili kara ha ku dilo.

Gaari qofkii jiirsiin karana ha jiirsiiyo, Meeshaad ku aragtaan ku beegsada. Howlgaladiina rabi u kaashada, qarsoodidana ku dadaala. Ahdaaftana si gaar ah u xusha, Tajaarubtana ka faa’ideysta, Barakadeeduna waad arki doontaa Insha’allaah. Alle wuu idiin kaga hiilin doonaa cadowgiina hadaad asbaabta qaadataan, Mujaahidiintuna idiinma dayici doonaan. Mar aan fogeyn ayaad farxi doontaan, culeyska idiin heystana farxad u badalmi doonaa Insha’allaah” ayuu yiri Abuu Cubeydah

Hoggaamiyaha Cusub ee Xarakada Al Shabaab tan iyo markii uu xilkaasi qabtay bishii September sanaddii 2014 xiligaasi oo duqeyn Mareykan uu ku shahiiday Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr Amiirkii hore ee Xarakada Al Shabaab, waa markii u horaysay ee dhawaaqiisa la maqlo tan iyo waqtigaa markii ladoortay hadalkii uu jeediyay, iyadoo mudadaa oo ay kasoo wareegtay 23 bilood aan la maqal dhawaaqiisa, wuxuu kusoo beegay xili ay magaalooyin muhiim ah dib u qabsadeen Al-shabaab.