Araweelo News Network.

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Tehran(ANN)- Dalka Iran, waxa loo doortay Madaxweyne Madaxii garsoorka Ebrahim Raisi, kaas oo bedeli doona Madaxweyne Hassan Rouhani oo dalka kala soo dabaashay marxalado siyaasadeed iyo dhaqaale, isla markaana ku hoggaaminayay siyaasad ka duwan Madaxweynihii uu xilka kala wareegay  Dr. Ahmed NajadAhmed ee uu xilka ka tirsaday 3 August 2013.

Doorashada xilligan ee Madaxweynaha cusub ee Iran, ayaa kusoo beegantay xilli marxalad xasaasi ah uu dalku marayo. Sidaa awgeed waxa ka dhashay Su’aalo layska weydiinayo oo ah, waa kuma hoggaamiyaha muxaafidka ah iyo waa maxay xilalka uu soo qabtay?

Hoggaamiyaha cusub ee 60 jirka ah, Ebrahim Raisi oo ku raaxeysanaya taageerada ballaadhan ee muxaafidka iyo xerada kacaanka adag iyo saldhiggeeda, wuxuu sii ahaan doonaa guddoomiyaha maxkamadda sare illaa iyo inta uu kala wareegayo madaxweynaha qunyar socodka ah ee xilka ka degaya Hassan Rouhani  ilaa laga gaadhayo horraanta August 2021, maadaama aannu iska casilin jagadiisa si uu ugu tartamo xilka hogaaminta ee madaxweynaha dalka Iran.

Madaxweynaha la doortay, Ebrahim Raisi, ayaa xidhta sida hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei, duubka caanka ah ee ay xidhtaan hoggaamiyayaasha dalka Iran, isagoo xidhta cimaamad madow, taas oo muujineysa inuu yahay sayyid – faracii Nabi Muxamed kasoo jeeda, isla markaana derejada Raisi ayaa  lagu tilmaamaa inuu Ebrahim Raisi, waa Madaxweynaha cusube uu yahay Hoggaamiyaha badali doona 82 jirka Khamenei haddii uu dhinto, ka hor Ebrahim Raisi.

Lasoco……..

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com