#Araweelo_News_Network.

Johannesburg (ANN)-Hoggaamiyaha Xisbiga u dagaalama xorriyadda dhaqaallaha ee dalka Koonfur Afrika oo loo soo gaabiyo  (EFF), Julius Sello Malema, ayaa ku taliyay in Dowladdu siiso lacago gunnooyin ah Ardayda ka Qalin jebisay Jaamacaddaha gaar ahaan kuwa bilaa camalka ah.

 

“Waa In aan Ardayda ku abaal marinaa Halgankii ay soo mareen waxbarashadda, sidoo kale tallaabadani waxay dhiirri gelin u tahay la dagaalanka Jahliga” ayuu yidhi Julius Malema.

 

Hoggaamiyahan oo ah mid ay ku weyntahay qaddiyadda Afrikaanimada ,wuxuuna sidoo kale caan ku yahay qaddiyadda caddaan Nacaybka.

 

Xisbiga u dagaalanka Xorrriyadda dhaqaallaha (EFF) ee uu madaxda u yahay Julius Sello Malema ayaa u dagaalama in la soo celiyo dhulkii ay caddaanku qaateen xilliyadii ay guumaysanayeen waddanka Koonfur Afrika.

 

” Ballanteenu waa in dhulka la soo celiyo iyo in Ardayda la siiyo lacagaha gunnooyinka ” ayuu yidhi Juuliyas Maalema.

 

Sidoo kale, Julius Malema, ayaa dhallinyarada koonfur Afrika iyo guud ahaan dadka reer Koonfur Afrika ka codsaday inay Xisbigiisa u codeeyaan, wuxuuna sheegay in aannay waxba u qabsoomayn haddii aannay dadku u codeyn Xisbigiisa (EFF), waxa xusid muddan in xilligan Xisbigiisu haysto Taageerada ugu baddan ee dhallinyarada madowga ah ee waddanka Koonfur Afrika.

 

Warbixinta waxa qoray Dr.Ahmed Hassan Saalah, waxa  Tafaftiray oo isku dubariday Carraale M. Jaamac.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com