#Araweelo_News_Network.

Kyiv(ANN)-Hoggaamiyayaasha Lix dal oo Qaaradda Afrika ah ayaa isku xilqaamay inay u Kala dab qaadaan  waddamada Ruushka iyo Ukraine, iyagoo doonaya in lasoo afjaro dagaalka socday sannadka iyo dheeraadka ee sida weyn u saameeyay dhaqaalaha aduunka iyo cuntada.

 

Madaxda South Afrika, Masar, Sengal, Congo-Brazaville, Comoros iyo Uganda ayaa iskood isugu xilsaaray Hawshan xalinta collaada cabsida weyn ee ay wadnaha farta kaga hayaan dalalka reer galbeedku.

 

Lixda dal ee Afrikaanka ah ayaa Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramamhosa u wakiishay Hawshaa Nabadaynta. Madaxweeyne Cyril Ramaphosa iyo wefdi uu Hoggaaminayo ayaa maalinimadii jimcaha  ka degey Dalka Poland, iyagoo halkaa  uga gudbay dalka Ukraine ,

Cyril Ramaphosa iyo wefdigiisa, ayaa la kulmay Madaxweynaha Ukraine Zelensky, kaddibna usii gudbay dhinaca caasimada dalka Ruushka ee Moscow si ay arrintaa ugala hadlaan Madaxweyne Vladimir Putin.

 

Madaxda Afrika ayaa arrintan Nabadyanta ku micneeyay in dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu noqday Dagaal caalamiya, kaas oo saameeyey dhaqaalaha Qaaradda Afrika , gaar ahaan cuntada Qaaradda Afrika oo qiimaheedu kor u kacay, taas oo ay dheertahay saamaynta uu ku yeeshay siyaasadda iyo amniga aduunka.

 

Mar uu la hadlay Saxaafadda ayuu madaxweeynaha Dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa sheegay in meel fiican wax u marayaan, isagoo muujiyay rajo wanaagsan.

Warbixinta waxa qoray Dr.Ahmed Hassan Saalah, waxa  Tafaftiray oo isku dubariday Carraale M. Jaamac.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com