#Araweelo_News_Network.

 

Warsaw (ANN) – Professor Elyon Cohin oo u dhashay dalka Poland, ayaa sheegay in shacbiga Ruushka laga dhaadhiciyo in lagaga adkaaday dagaalka Ukriane.

 

 

Professor Elyon Cohin oo khudbadda uu kaga hadlay arrimahaa ka jeedinayey Machadka xidhiidhka caalamiga ah ee dalka Poland, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay dalalka xullufadda NATO in caalamka iyo shacbiga Ruushka loo tuso in aannay jirin rajadii uu Madaxweyne Valedamir Putin ka qabay dagaalka Ukraine.

“NATO, waa inay ka shaqaysaa sidii loo tusi lahaa caalamka in rajadii uu Ruushku ku qabay Dagaalka Ukraine aannay jirin, waa Inaan ka dhaadhicinaa Shacabka Ruushka in dowladoodu ku Jabtay Dagaalka” ayuu yidhi, Professor Elyon Cohin.

Laxidhiidha: Ukraine: Masiibadda Ka Dhalatay Kaydka Biyaha Dhaamka Ugu Weynaa Ee Kherson Oo Gaadhay Gollaha Amaanka

Maaha markii ugu horaysay ee xullufadda Maraykanka ee NATO, si badheedh ah u faafiyaan warar aan sal lahayn iyo dacaayado ay ku sheegayaan in Ruushka lagaga adkaaday, balse tiro yar oo ka mid ah khuburada dhinaca Millateriga oo qaarkood hore uga tirsanaayeen NATO iyo Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA, ayaa dhawaaqyo ka duwan kuwaa oo tilmaamaya guuldaro iyo Marayanka iyo xulufaddiisa lagaga adkaaday dagaalka Ukraine shaaciyay.

William Scott Ritter Jr. madaxii hore ee Daba-galka Hubka Ciraaq ee QM, isla markaana ah sarkaal hore oo CIA ah, sidoo kale ah qoraa, ayaa todobaadkii hore sheegay in Maraykanka iyo Xullufaddiisa lagaga adkaaday Dagaalka Ukraine.

Dhaqaallaha dalka Ruushku wuxuu marayaa Taariikhda halkii ugu fiicnayd, waddamada Iran, shiinaha iyo dowlado waaweeyn oo caalamka ah ayaa maalgashaday dalka Ruushka  “.   Ayuu yidhi scott Ritter, sidaa awgeed wuxuu ku tilmaamay wax lala yaabo iyo inay tahay been abuur wararka warbaahinta reer galbeedka ee sheegay inay dalka Ruushka ka jirto dhaqaale xumo iyo in Madaxweynaha dalka Ruusha Vladimir Putin uu xanuunsanayo.

 

Sarkaal lagu magcaabo Scott Ritter oo hore u ahaa xubin mukhaabaraad oo ka tirsanaa Hay’adda mukhaabraadka CIA ee dalka Maraykanka ayaa fashiliyay siro baddan, isagoo sheegay in gebi ahaan ba ciidankii  Millateriga dalka Ukraine burburay ooo annay jirin awood kale oo xilligan layskaga Hase yeeshee in hadalka Madaxii hore ee Hubka Qaramada Midoobay ayaa noqday mid meesha k saaraya wararka inta baddan waddamada reer galbeedku ka faafiyaan warbaahintooda, iyagoo mar walba ku sheegi jiray inay Dagaalka Ukraine kaga adkaadeen Ruushka.

 

Laakiin Xoggaha rasmiga ah ee aan helayno ayaa qeexaya in Ruushku uu guullo waaweyn ka gaadhay Dagaalka Ukraine, kuwaas oo ah guullo Millateri iyo kuwo dhaqaalle, sida uu qiray Scott Ritter.

Laxidhiidha: Ukraine: Burburinta Ruushka Ee Duqaynta Saldhiga Dhulka Hoostiisa Ee NATO Iyo Difaaca Gantaalaha Ee Reer Galbeedka

Dhinaca kale, Maalintii jimcihii Madaxweynaha Ruushka Valedamir Putin oo la hadlay shacabka Ruushka, ayaa sheegay in waddanka Ruushku uu gaadhay guullo waaweyn, wuxuuna ku hanjabay in Ruushku u rari doono  dalka Belarus Gantaalaha xambaara madaxyada Nukliyeerka haddii loo baahdo.

Warbixinta waxa qoray Dr.Ahmed Hassan Saalah, waxa  Tafaftiray oo isku dubariday Carraale M. Jaamac.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com