Scott Ritter madaxii hore Ee Daba-galka Hubka Ciraaq ee QM iyo sarkaal hore oo CIA ah ayaa Laga soo xigtay in Maraykanka iyo Xullufaddiisa Lagaga Adkaaday Dagaalka Ukraine

 

 

#Araweelo_News_Network.

 

 

Washington(ANN)- Sarkaal lagu magcaabo Scott Ritter oo hore u ahaa xubin mukhaabaraad oo ka tirsanaa Hay’adda mukhaabraadka CIA ee dalka Maraykanka ayaa fashiliyay siro baddan, isagoo sheegay in gebi ahaan ba ciidankii  Millateriga dalka Ukraine burburay ooo annay jirin awood kale oo xilligan layskaga baaciyo Ruushka.

Laxidhiidha: Ukraine: Masiibadda Ka Dhalatay Kaydka Biyaha Dhaamka Ugu Weynaa Ee Kherson Oo Gaadhay Gollaha Amaanka

 

Sidoo kale sarkaalan ayaa si toos ah u sheegay in Ruushku ka Millateri ahaan iyo dhanka awoodda hubka ka adkaaday xulufadda NATO.

Laxidhiidha: Ukraine: Burburinta Ruushka Ee Duqaynta Saldhiga Dhulka Hoostiisa Ee NATO Iyo Difaaca Gantaalaha Ee Reer Galbeedka

Scott Ritter, ayaa ku tilmaamay wax lala yaabo iyo inay tahay been abuur wararka warbaahinta reer galbeedka ee sheegay inay dalka Ruushka ka jirto dhaqaale xumo iyo in Madaxweynaha dalka Ruusha Vladimir Putin uu xanuunsanayo.

Laxidhiidha: Ukraine: Maxaabiista Bakhmut Oo Ruushku Sii Daayay

” Dhaqaallaha dalka Ruushku wuxuu marayaa Taariikhda  halkii ugu fiicnayd, waddamada Iran, shiinaha iyo dowlado waaweeyn oo caalamka ah ayaa maalgashaday dalka Ruushka “.   Ayuu yidhi scott Ritter.

Laxidhiidha: Hoggaamiyaha Calooshoood U Shaqaystayaa Wagner Oo Ka Digay Khatarta Ruushka Kaga Iman Karta Dagaalka Ukraine

“Lacagta Rubbel-ka Dalka Ruushka ayaa xoogaysatay intii uu bilowday Dagaalka Ukraine, waana tusaale kale oo inoo caddaynaya in dhaqaallaha Dalka Ruushku uu kobcay.”  Score Ritter ayaa sidaa yidhi.

Laxidhiidha: Bakhmut waxa Lagu Dilay  20,000 oo Wagner ah iyo 50,000 oo Ukraine Ah.

Sidoo kale sarkaalkan hore uga tirsanaa Hay’adda ugu weyn dhanka sirdoonka ee Maraykanka CIA-da  ayaa sheegay in ciidanka Millateriga Ukraine uu burburay, Isla markaana reer galbeedku ay hub baddan siiyeen, balse  hubkaasi uu noqday mid waxba u tari waayay Ukraine, isagoo yidhi, mar haddii aannay haysan ciidan u dagaalama.

Scott Ritter, maaha sarkaalkii u horeeyay ee beeniya sheegashada reer galbeedka ee dagaalka Ukraine, balse dhawrkii bilood ee u danbeeyay waxa si cad usoo baxayay in si dhab ah uu Ruushku ugaga adkaaday Maraykanka iyo xulufaddiisa dagaalka Ukraine, isla markaana waxa uu burburiyay saldhigyada muhiimka ah ee NATO ku lahayd Ukraine, kuwa Maraykanka iyo Britain, taas oo qaar ka mid ah khuburada Millateriga ee dalalka Yurub ooh ore uga tirsanaa ciidamadda NATO ay ka muujiyeen walaac weyn.

Laxidhiidha: Hoggaamiyaha Dagaalyahanka Wagner Oo Ku Hanjabay Inay Ka Baxayaan Magaalada Dhiiga Baddan Ku Daatay Ee Bakhmut

Laxidhiidha: Ruushka Oo La Wareegay Magaalada Ahmiyada Weyn U Leh Dagaalka Ee Bakhmut

William Scott Ritter Jr. waa qoraa Maraykan ah, khabiir, sarkaal hore oo sirdoonka CIA, ayuu ahaa, wuxuuna guursaday Marina, oo ahayd basaasad KGP ka tirsanayd, sidoo kale, wuxuu ka tirsnaa ciidanka Marine Corps ee Maraykanka, isagoo sidoo kale noqday kormeerihii hore ee Guddida Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Ciraaq xilligii hubka (UNSCOM) 1998, balse wixii ka danbeeyay 2011, waxa uu ahaa dembiilaha galmada lagu xukumay, isagoo xilligana arrimaha dagaalka Ukraine iyo dhacdooyinka siyaasadda aduunka ka faallooda.

Laxidhiidha: Ukraine: Burburinta Ruushka Ee Duqaynta Saldhiga Dhulka Hoostiisa Ee NATO Iyo Difaaca Gantaalaha Ee Reer Galbeedka

Warbixinta waxa qoray Dr.Ahmed Hasan Saalah, waxa  Tafaftiray oo isku dubariday Carraale M. Jaamac.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com