Hoggaamiyaha Kooxda Wagner, Yevgeni Prigozhin Oo Ku Hanjabay Inay Difaacayaan Weerarada Ukraine Ee Belgorod

#Araweelo_News_Network.

 

 

 

Kyiv (ANN)-Ruushka ayaa si wada duqaymaha sida weyn loola beegsanyo goobo bartilmaameed ah oo guddaha dalka Ukraine ah, iyadoo weerarkii ugu danbeeyay wararka hordhaca ah ee laga helay saraakiisha Ukraine ay sheegaan in ugu yaraan labaatan qof ku dhinteen.

Dhawrkii bilood ee u danbeeyay Ruushku wuxuu weeraro dhinaca cirka ah oo duqaymo gantaalaha sida weyn wax u burburiya la beegsaday magaalooyinka waaweyn ee Ukraine, kuwaas oo qaarkood uu sheegay inuu la beegsaday difaaca gantaalaha ee Washingtion iyo UK ka sameeyeen guddaha Ukraine.

Laxidhiidha: Ukraine: Maxaabiista Bakhmut Oo Ruushku Sii Daayay

Dhinaca kale, weerarada Ruushka, ayaa sii xoogaystay, kaddib markii ciidamo ay taageerto Ukraine weeraro gaadmo ah ka sameeyeen xadka guddaha Ruushka, gaar ahaan Gobolka Belgorod oo maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen weeraro is xig xiga oo dhanka xuduuda ah iyo duqeymo ka imanayay dalka Ukraine, iyadoo weerarada kooxahaasi sababeen khasaare dhimasho iyo in kumanaan qof ay khasab ku noqotay inay ka qaxaan guryahooda, kuwaas oo madaafiic lagaga soo garaacay guddaha xadka Ukraine oo u dhow halkaa soohdinta labada dal.

ALt: "Khariirad muujinay dagaalka Ukraine"

Hase yeeshee, Madaxa kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner Yevgeni Prigozhin ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ciidamadiisa u diro si ay u difaacaan gobolka Belgorod ee soohdinta la leh Ukraine.

Laxidhiidha: Hoggaamiyaha Calooshoood U Shaqaystayaa Wagner Oo Ka Digay Khatarta Ruushka Kaga Iman Karta Dagaalka Ukraine

March, ayay ahayd markii Ruushku ku dilay duqaymo ilaa 300  oo ay ku jiraan Generaalo, u dhashay Britain, Marayanka, Poland Iyo Khubro Shisheeye, kuwaas oo ku dhintay Saldhiga Dhulka Hoostiisa oo Ruushku la beegsaday duqaymo, isagoo si gaar ah saldhigaa ula beegsaday nooca gantaalaha (Kinzhal hypersonic).

Laxidhiidha: Bakhmut waxa Lagu Dilay  20,000 oo Wagner ah iyo 50,000 oo Ukraine Ah.

Warbaahinta Reer Galbeedka qaarkood oo inta baddan la safan xulufadda, isla markaana dagaalku lumiyay kalsoonidooda, ayaa  xilligaa daabacay Warbixino Ka hadlaya duqaymaha weerarka ee lagu qaaday in ka baddan 10 Gobol, ayaa ahaa kuwo hal mar la wada fuliyay.

Duqaymaha saxda ah ee Ruushka ayaa loo malaynayaa in lagu burburiyay “xarunta taliska NATO” ee dhulka hoostiisa ee Ukraine, iyadoo saraakiil reer galbeed ah iyo shaqaale Millateri ah lagu dilay weerarkaa oo ay ku jireen dhawr gantaal oo ah nooca loo yaqaan (Kinzhal hypersonic).

Laxidhiidha: Hoggaamiyaha Dagaalyahanka Wagner Oo Ku Hanjabay Inay Ka Baxayaan Magaalada Dhiiga Baddan Ku Daatay Ee Bakhmut

Warbaahinta Giriigga ee Pronews, ayaa daabacday in daraasiin saraakiil NATO ah lagu aasay godad qarsoodi ah oo ay burburiyeen gantaalahu guddaha Ukraine. Sida laga soo xigtay bogga Giriigga ee Pronews, oo soo xiganaya ilo wareedyo Saraakiil Millateri oo Maraykan ah.

 

Sidoo kale, qaar ka mid ah marrinada warbaahinta bulshada, oo ay ku jiraan kuwa caanka ku ah faafinta qodobbada hadalka ee Kremlin-ka iyo dacaayadda Ruushka, ayaa daabacay wararka ka hadlaya khasaaraha iyo burburka loo geystay Saldhiga NATO ee dhulka hoostiisa ee Ukrain (An underground NATO base in Ukraine).

Laxidhiidha: Ruushka Oo La Wareegay Magaalada Ahmiyada Weyn U Leh Dagaalka Ee Bakhmut

 

Maraykanka, Britain iyo dalalka kale ee la sheegay in weerarka khasaaraha ugu baddan kasoo gaadhay wax faallo ah kama bixin weerarkaa iyo kuwo ka danbeeyay oo lala beegsaday difaaca gantaalaha ee Britain iyo Maraykanku ka sameeyeen Ukriane, iyadoo weerarka hore ee xarunta NATO, uu  dhacay 9 March,2023, sidoo kale, Ukarine waxa keliya oo ay sheegtay xilligaa in 81 gantaal lagu weeraray oo ay ku jireen dhawr gantaal oo ah nooca loo yaqaan (Kinzhal hypersonic), kuwaas oo ah hubka khatarta ah.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Qirtay Saraakiil Lagaga Dilay Bakhmut

Laakiin warbixino kale oo lagu daabcay warbaahinta reer galbeedka ayaa qaarkood taageereen sheegashada, waxaana Xaaladdaha qaarkood taageereen sawirka goobta shaqo joojinta, oo muujinaya burbur baaxad leh iyo dhismaha oo gubtay.

Ukraine ayaa xaqiijisay in lagu garaacay 81 gantaal oo ay ku jiraan lix gantaal oo nooca ballistic-ga ah ee Kinzhal, sida ay sheegeen Millateriga Ukraine xilligaasi, iyadoo ugu yaraan lix qof oo rayid ah lagu soo warramay inay ku dhinteen weerarrada lagu bartilmaameedsaday 10 gobol oo ay ku jiraan Kyiv, Lviv, Dnipro, Odesa. Kharkiv iyo Zaporizhzhia.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Ciidamo Hor Leh Geeyay Magaaalad Bakhmut Ee Noqotay Alleppo

“Ganaalaha faraha badan ee lagu garaacay dalka oo dhan, ayaa lala beegsaday, Gobolka Kyiv, Gobolka Kirovohrad, Gobolka Dnipro, Odesa Oblast, Gobolka Kharkiv, Zaporizhzhia, Gobolka Lviv (barta saamaynta), Gobolka Ivano-Frankivsk, Gobolka Zhytomyr, Gobolka Vinnytsia.” Sidaa waxa tidhi, xukuumadda Ukraine.

Laxidhiidha Belgorod: Xiisad Ka Dhalatay Weeraro Ka Dhacay Guddaha Ruushka Oo Lagu Eeddeeyay Maraykanka Iyo Xulufadiisa

Laakiin Maraykanka iyo xulufaddiisa Britain ayaan wax jawaab ah ka bixin khasaaraha ka dhashay weerarada xarunta NATO iyo kuwii ka danbeeyay midna, ma jiraan wax xaqiiqo ah oo ku salaysan arrimahaa, marka laga reebo warbaahinta bogga Giriigga ee Pronews iyo qayb yar oo ka mid ah warbaahinta reer galbeedka.

Newsweek Misinformation Watch ayaa soo jiidatay arrintaa, iyadoo sheegtay inay ogaatay in inta baddan warbaahinta iyo ilaha ku jira sheegashada aannay samayn baadhitaan dheer.

 

Dhowr qoraal oo Twitter iyo Telegram ah, oo wadar ahaan boqollaal kun oo aragtiyo ah dabayaaqadii March 2023, ugu daabaceen, ayaa sheegay in xarunta NATO ee Ukraine la burburiyay, iyadoo “ilaa 300 oo qof” lagu dilay weerarka.

“Weerar argagax leh oo gantaalka Supersonic ee Ruushka ‘Russia’s supersonic missile ‘Dagger” oo si qoto dheer u galay dhulka qiyaastii 130 mitir ku ayuu ku dhacay xarunta taliska NATO ee Ukraine!”:ayaa lagu yidhi, warbixinta, Greek Pronews oo sidoo kale, wax ka qortay khasaaraha wayn ee soo gaadhay saraakiisha NATO ee ka dhashay weerarka gantaalka,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Warbixinaha ayaa sidoo kale, sheegayay in 40 maydad ah iyo weliba daraasiin kale oo meydad ah lagu waayay burburka, waxaana weerarkaa lagu sheegay inuu ahaa “aargoosi”, Ruushku ku weeraray xarunta taliska NATO, taas oo lagu calaamadiyay “Guusha Ruushka waa lama huraan.”, iyadoo Ruushku weli sii wado duqaymaha dhinaca cirka iyo gantaalaha ku waajahan Ukraine iyo xulufaddeeda.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com