Maxay Wadaagaan Bakhmut Iyo Alleppo (Syria iyo Ukraine)?

#Araweelo_News_Network.

 

Bakhmut (ANN)- Ciidamadda Ruushka ayaa caawa mar kale duqeeyay magaalada Bakhmut ee dalka Ukraine, iyadoo muddo toddoba bilood ah dagaal ba’an oo lagu hoobtay iyo duqaymo ka socdeen.

Cutubyo ka tirsan ciidamadda gaarka ah ee calooshood u shaqaystayaasha Wegner, ayaa ka dagaalamayay dhawr bilood Magaalada muhiimka ah ee Bakhmut, balse labada dhinac midna kuma guulaysan gacan ku haynteeda, iyadoo dagaalku marayo 438maalmood oo xidhiidh ah.

XukuumaddaUkraine ayaa ku eeddaysay Ruushka in uu magaalada Bakhmut ee go’doomiyay ku weeraray gantaalada fosfooraska, kuwaas samayna holoc ku faafaya mel walba, waxayna beeniyeen in Ruushku ka saaray Ciidamo halkaa.

Ruushka ayaa hore loogu eeddeeyay in  markii la go’doomiyay Mariupol bilowgii dagaalka u adeegsaday hubka Fosfooraska, kaas oo ah midbixiya walax oo u eg shamac oo guba 800C oo ku shidda marka ay la taabto ogsijiinta, taasoo abuurta tubbooyin qiiq ah oo dhalaalaya. Lakiin Moscow ayaa mar hore beenisay eeddaymahaa.

Hase yeeshee, Ruushka ayaa ku daabulaya ciidamo cusub, iyadoo ay wararku sheegayaan in Cutubyo ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa la geeyay Bakhmut saacadihii u danbeeyay, kaddib markii ay soo baxeen warar sjeegaya in ciidamada gaarka ah ee Wegner, iskaga baxeen aagga dagaalka ee Bakhmout, wallow aan la ogayn in meelo kale ay weeraro ku qaadayaan, maadama ay yihiin kuwo naftood hurayal ah oo khibrad weyn u leh dagaalka Magaalooyinka iyo goobaha khatarta ah.

Dhinaca kale, saraakiisha xulluda NATO, ayaa sheegaya in Ukrain ay u muuqato mid diyaar u ah in ay qaado duulaankeedii dheeraa ee la sugayay.

Maamulka Kyiv, ayaa ku doodaya inay ku jiraan diyaargaraw xilligan soo dhammaanaya, kaas oo sida ay dawladdu sheegtay, rajadiisu aad u sarrayso, iyadoo aan keli ku noqonayn Kyiv  oo ay weheliyaan xulafadeedu.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa duqeymo ka geystay bartilmaameedyo ku yaalla qeybo ka mid ah gobolka Crimea ee uu Ruushku gacanta u hayo, laakiin ruushka ayaa durba bixinaya jawaabo noqon kara cashar cusub, isagoo duqaymo dhinaca Badda iyo dhulkaba ka garaacaya Ukraine, iyadoo duqaymaha si xun loogu garaacayo Kyiv iyo magaalooyin kale oo Ruushku ka nasinayn garaacista.

Bakhmut, ayaa leh ahmiyad weyn iyo oo dhanka dagaalka ah, yadoo leh taariikh iyo facweyn, waana sababta ay u yeelatay muuqaalkii Alleppo ee Suuriya oo ay ku hirdamayeen Xulufadda Ruushka iyo Iran o gacan siinayay Bashar Al Assad iyo Maraykanka iyo xullufadiisa oo gacan siinayay jabhado la doonayay in xukunka ay ka tuuraan Hoggaamiyaha Suuriya, balse Maraykanka iyo xullufadiisa ayaa lagu qaawiyay halkaa, waxaana lagu khasbay inay guuldaro kala huleelaan kaddib sannado dagaal ba’an iyo duqaymo loo adeegsaday Magaalada Alleppo hubka khatarta ah ee wax gumaada, taas oo ay sabab u ahayd ahmiyada istiraatiijiyadeed ee ay u lahayd oo geyaysiisay in la haligo, taas oo dagaalka Bakhmut ee ka dhigay magaalo la haligay u ekaysiisay Alleppo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.