#Araweelo_News_Network.

Berbera(ANN)-Koox Dhalinyaro Ciyaartooy ah oo kasoo laabtay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa safarkoodu murrugo sababay, kaddib markii socdaalkooda ay doonayeen inay ku laabtaan Magalada Gebiley oo ay ka safreen ka hakadeen Magaalada Berbera.

Dhalinyaradda ayaa ku leexday Badda si ay usoo dabaashaan, waxayna u jihaysteen dhinaca Xeebta Batalaale, balse nasiibdaro waxay galeen Badda, halkaas oo Afar ka mid ah ay liqday, waxaase laga soo badbaadiyay laba ka mid ah oo loo gurmaday.

Weriye Maxamed Cabdullaahi (soo-fadhiiste) oo ka mid ah suxufiyiinta Berbera, ayaa gurmadka ugu weyn u sameeyay dhalinyarada Baddu liqday.

Dhalinyaradda ayaa ka safray Magaalada Gebiley sida ay sheegeen, labada marxuum ee Baddu liqday oo mid ka mid ah Galabnimadii la helay xilli danbe maydkiisa, ayaa kala ah Cabdirisaaq Ismaaciil Ibraahim Iyo Xamse Cabdirashiid Maxamed.

Muuqaalkan ka Daawo.

 

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/