TelesomdahabshiiltanzilSmiley face

Somaliland: Diyaargarawga 18May iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

#Somaliland: Wasiirrada Xukuumadda Oo Farriin Muhiim Ah U Diray Shacbiga

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Diyaargaraw weyn ayaa laga dareemayaa Magaalooyinka Somaliland, waxaana kor u kacay qiimaha Calanka lagu iibinayo suuqyada Magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa, iyadoo dadku isu diyaarinayaan xuska munaasibadda sida weyn loo sugayay ee 18 May.

Munaasibadda 18 May oo ku beegan sannad-guuradii 32aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland laspp noqotay qaranimadeeda iyo madaxbanaanideeda shirkii Burco 18 May 1991.

Xukuumadda Somaliland, ayaa guddi u magcaabay aggaasimka iyo qaban qaabada munaasibadda sannad-guurada 32aad, taas oo wax ka yar laba toddobaad ka hadheen.

Xuska munaasibada ayaa noqonaya mid ka duwan dhawrkii sannadood ee u danbeeyay oo muaasibadda aan la xusin gebi ahaanba, ama si teel teel ah loo xusay, iyadoo xukuumaddu sabab uga dhigatay arrimo kala diwan iyo duruufo.

Hase yeeshee munaasibadda sannadkan ee 18May, oo kusoo beegantay xilli ay Somaliland ku jirto dagaal iyo xiisad collaadeed oo ka alloosan gobolka Sool, gaar ahaan Magaalada Laascaanood. sidaa awgeed masuuliyiinta xukuumadda ayaa ugu baaqay Bulshada inay muujiyaan cuddudooda si loo tuso adduunka iyo caddawga Somaliland.

 

Guddida Wasiirrada oo Ka Hadlaya arrinta Munaasibadda 18May iyo weedhaha ku waajahan Bulshada halkan ka Daawo.

 

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

More in Breaking News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

{ }Smiley face