#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa daaf-furtay munaasibad ay lagu shaaciyay Ceel Shidaal oo ay sheegtay in laga soo saarayo deegaanka Xood oo ah du;eedla Madaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Munaasibadda oo lagu qabtay Axaddii maanta Huteelka Casoood ee Magaalada Hargeysa, waxa la qaybgalay masuuliyiin ka socday xukuumadda, Shirkadda Genel Energy  oo ay ku lamaan tahay shirkad  kale oo magaceeda lagu sheegay CPC

Sidoo kale, waxa munaasibadda ka qaybgalay xildhibaanada labada golle ee kasoo jeeda deegaamadaa, salaadiin iyo marti sharaf kale, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Cabdullaahi Cabdi Faarax iyo xubno ka mid ah gollaha wasiirrada ayaa ka hadlay ahmiyada laga leeyahay daaf-furka Ceelka Shidaalka ee loo bixiyay Toosan1, isla markaana loo asteeyay (Block 13 iyo Block 10),

Wasiir CabdullaahiCabdi Faarax, wuxuu sheegay in hawsha ka faa’idaysiga khayraadka dalka ay muddo dheer soo socotay, isla markaana soo martay marxalado kala duwan, balse uu hakad ku yimi xilligii uu dunida ku faafay xannuunka safmarka ahaa ee COVID 19, sidoo kale wuxuu sheegay in ay hawshaa hakiyeen carqalado ka hor yimi, isla markanaa xilligan ay wasaarad ahaan kasoo gudbeen mushkiladahaa sidaa awgeed la bilaabayo dhowaan hawsha Ceelka.

Munaasibadda, waxa sidoo kale, ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka gollaha wakiiladda, isla markaana ah ku simaha gudoomiyaha, Siciid Mire Giire, wasiirka arrimaha guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin, Wasiirka Biyaha Cali Xasan Aadan, Wasiirka Xidhiidhka gollayaasha Maxamed Xaaji Aadan, wasiirka warfaafinta Daqanka iyo Wacyigelinta Saleebaan Cali Koore, Salaadiin iyo masuuliyiin ka socday shirkaddaha doonaya inay shidaalka kasoo saaraan Ceelka Xood.

Dhammaan masuuliyiinta xukuumadda, kuwa shirkaddaha iyo madaxda dhaqanka ayaa tilmaamay baahida loo qabo in hawsha ay wadaan shirkaddaha ee Ceelka Shidaalka lasoo dhoweeyo, iyadoo aan la duudsiyayn xuquuqda iyo xaqa ay dadka deegaanku yeelanaayan, iyadoo dhinaca kale tilmaamay in kjayraadka dalku yahay mid la wada leeyahay oo ka dhexeeya Bulshada Somaliland oo dhan deegan walba oo uu joogo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.