Hoggaamiyaha Kooxda Wagner Ee Safka Hore Oo  Dhaleecayn U Jeediyay Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka

#Araweelo_News_Network.

Ukraine(ANN)-Bakhmut, waxay noqotay maagaalada xuddunta u noqotay dagaalka Ukraine, waxay yeelatay ahmiyadii iyo muuqaalkii maagaalidii la haligay ee Syeria ee Allepo oo ay quwaddaha waaweyn isku hirdiyeen, iyagoo isticmaalaya hubka khatarta baddan iyo dagaal cir iyo dhul ah 2012.

Aleppo oo loo yaqaan Xalab, mararka qaarna loogu yeedho indhihii Carabta, (Arab eyes), waxay ahayd magaalada labaad ee ugu weyn dalka Syria, waana magaallooyinka ugu fac weyn ee ugu quruxda badan dunida, iyadoo kumanaan iyo boqolaal sanadood xarun u ahayd xadaaradihii, ilbaxnimooyinkii iyo Boqortooyooyinkii soo maray dunida, laakiin dagaalka muddada dheer ee ay ku hirdameen quwaddaha Maraykanka, Faransiiska, Britain iyo xulufadooda oo uu qayb ka ahaa Turkigu ayaa la safnaa jabahaddaha dagaalka kula jiray xukuumadda Bashar Al Asad, iyagoo doonayay inay xukunka ka tuuraan, balse Ruushka iyo Iran oo dhinaca Bashar Al-asad la socday ayaa ugu danbayntii kaga guulaystay quwaddaha Maraykanka iyo xulufaddiisa, waxayna magaalada xadaaradda facaweyn iyo taariikhda lahayd ee Alleppo noqotay magaaladii xudunta dagaalka ee ugu danbayntii ku haligantay dagaalka.

Bakhmut  oo ku taal Bariga Ukraine ee gobolka Donetsk ayaa sidoo kale loo yaqaan Artemivsk, waxayna dhinaca Waqooyiga ee Donetsk uga jirtaa  Webiga weyn ee Bakhmutka 89 KM. Laakiin magaca Bakhmut ayaa kasoo jeeda “Muhammad”, kaas oo xilligaa ay u bixiyeen Turkish/Tatar, waxaana magaca Bakhmut loogu yeedhi jiray intii u dhaxaysay 1571–1924, balse marar baddan oo loo bixiyay magacyo kale, iyadoo Ukraine iyo Ruushku ugu yeedhaan magacyada Artyomovsk iyo Artemivsk, kaas oo laga beddelay magaceedii hore ee Bakhmut, waxaase mar kale dib loogu celiyay magaceedii hore 1942–1943, mar kale ayaa lagu celiyay magacyadii ay Ruushka iyo Ukraine ula baxeen ee Artyomovsk iyo Artemivsk, intii u dhaxcaysay sannadihii 1943–1992, laakiin 2016, ayaa magacii asalka ahaa ee ay caanka ku noqotay oo ahaa ka dunnida looga yaqaan ee Bakhmut dib loogu soo celiyay, waxayna isbedelada lagu samaynayay magaceedu muujinayaan ahmiyada weyn ee ay leedahay, taas oo la xidhiidha sida ay xilligan u noqotay xuddunta dagaalka Ukraine.

Laxidhiidha:  Aleppo: Quruxdii Iyo Xadaaradii La Haligay

Dagaalka Ukraine oo muddo sannad ah socday waxa ku hirdamaya quwaddaha waaweyn ee hore ugu kala adkaaday Syreia, ayaa mar kale isku hirdiyay Ukraine, iyadoo magaalada Bakhmut oo ahmiyad istiraatiijiyadeed u leh dagaalka ay noqotay Alleppo-dii Ukraine iyo xudunta dagaalka, taas oo garaaacista duqaymaha iyo hirdanku si weyn u baabiiyay wixii ka danbeeyay May 2022, waxaana lagu qiyaasay in labada dhinac ay kaa dhinteen ku dhowaad labaatan kun magaalada Bakhmut oo keliya, taas oo aannay ku jirin dadka shacabka ah oo ku dhintay dagaalka burbiuroyay iyo hirdanka  quwaddaha doonaya inay isugu awood sheegtaan dagaalka Ukraine.

Hoggaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, Yevgeny Prigozhin, oo ciidankiisu hore uga soo dagaalameen Alleppo, ayaa dhawrkii bilood ee u danbeeyay qayb weyn ku lahaa dagaalka ka socda Bakhmut, iyadoo mararka qaar soo baxayeen warar sheegaya inay gacanta ku dhigeen, balse hoggaamiyaha kooxda, ayaa sheegay in wakiilkiisa ku sugan safka hore ee dagaalka loo diiday inuu galo xarunta taliska ciidamada Ruushka ee Ukraine.

Prigozhin ayaa sheegay in arrintani soo baxday maalin kaddib markii uu ka dalbaday saadka rasaasta taliyaha ugu sareeya Ruushka ee Ukraine 5 March, isagoo warqad u qoray taliyaha kooxda[Howlgalka Millateri ee gaarka ah, sidoo kale dalabkiisa ayuu ku sheegay inay jirto baahida degdegga ah ee loo baahan yahay in loo qoondeeyo rasaas, wuxuuna qoraalkiisa u isticmaalaya ereyga rasmiga ah ee Moscow u addeegsato dagaalka, kaas oo ah “duulaanka Ukraine.” Laakiin sida uu warbaahinta u xaqiijiyay hoggaamiyaha kooxda Wagner ee callooshood u shaqaytayaasha , Yevgeny Prigozhin 6 March in wakiilkiisa laga joojiyay xarunta, isla markaana la joojiyay baasaboorkiisa.

Dhawaaqa kasoo yeedhay aasaasaha kooxda dagaalyahanka ee Wagner,  Yevgeny Prigozhin ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya khilaaf sii xooggaysanaya, kuwaas oo u dhaxeeya isaga iyo wasaaradda gaashaandhigga oo uu si ba’an u dhaleeceeyay inuu si gaar ah ugu sameeyay cunaqabatayn.

Dagaalyahanada kooxda uu hoggaamiyo Prigozhin, ayaa qaarkood la xukumay, kuwaas oo hormuud ka ahaa weerarka bariga Ukraine muddooyinkii u danbeeyay, iyaga oo dadaalkooda diiradda saaraya magaalada yar ee ahmiyada weyn u leh dagaalka ee Bakhmut, taas oo Ruushku ugu yeedho Artyomovsk, isla markaana u arkaan jaranjaro faa’iido leh si ay u qabsadaan magaalooyinka waaweyn ee Ukraine sida Kramatorsk iyo Sloviansk, waana sababta ay magaalada Bakhmut ugu ekaatay Alleppo.

Qabsashada Magaalada Bakhmut,  ayaa  macna weyn u samaynayso dagaalka socday sannadka, wallow ay marar baddan oo hore qabsadeen ciidamadda Ruushku, balse intii muddooyinkan ay xoojiyeen Maraykanka iyo xuluaddiisu taageerada Millateri ee Ukraine waxay noqotay xudunta dagaalka, laakiin lama hubo in Ruushku ku qaawinayo Maraykanka iyo xulufaddiisa Bakhmut sidii uu ugu qaawiyay Alleppo  sannado ka hor, taas oo sababtay in Maraykanku ciidamaddiisa kala baxo Suuriya, sidaana uu ku badbaaddo xukunka Bashar Al-Asad.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com