Share this:

" />
Published On: Thu, Oct 6th, 2016

Aleppo: Quruxdii Iyo Xadaaradii La Haligay. By. Carraale M Jama

Smiley face

Aleppo oo loo yaqaan Xalab, mararka qaarna loogu yeedho indhihii Carabta, (Arab eyes), waxay ahayd magaalada labaad ee ugu weyn dalka Syria, waana magaallooyinka ugu fac weyn ee ugu quruxda badan dunida, iyadoo kumanaan iyo boqolaal sanadood xarun u ahayd xadaaradihii, ilbaxnimooyinkii iyo boqortooyooyinkii soo maray dunida aynu manta ku nool nahay.
Sanadihii sideetanaadkii waxay qaramada midoobay u aqoonsatay magaalo ay ku xardhan yihiin raadadka xadaaraha bulshooyinka aduunka iyo diimaha, iyadoo ay ku yaaleen dhismayaal kumanaan sanadood waqti haatan laga joogo la dhisay iyo goobo dhismayaal lagu cibaadaysto oo tusaale u ah qadiim nimadeeda iyo diimaha bulshooyinkii ku noolaan jiray halkaa.
Qiyaastii shan boqol oo sanadood ka hor dhalashadii Nebi Ciise CS, waxa la ogaaday inay Aleppo ahayd magaalo la deganyahay, iyadoo ay yaalaan, am aka muuqdaan magaalada raadadka dhismayaasha ilbaxnimooyinkii iyo Boqortooyinkii Romankii Ottoman Empire iyo Dawladdihii Islaamka ee dunida ku faafay iyo kuwo kale, waana magaalo istiraatiijiyad Milateri iyo mid ganacsi lahayd oo kulaalysay Badda Mediterranean Sea, isla markaana isku xidhaysay Bariga, galbeedka iyo China.

Hase yeeshee Aleppo, horaantii sanadkii 2012, waxay gashay xaalad bur-bur iyo holac dagaal oo lagu hoobtay,kaddib markii ay halkaa isku haleeleen Milateriga dalka Suriya ee Xukuumadda Bashaar A-asad iyo malayshiyaad kala duwan oo dawlada kasoo horjeeda, waxayna Magaalada Aleppo oo qiyaastii ay ku noolaayeen ku dhowaad laba milyan iyo badh dad lagu qiyaasay, waxay maanta yeelatay muuqaal argagax badan oo soo jiitay indha bulshooyinka dunida. Kadib markii quwadaha waaweyn ee Ruushka iyo Maraykanku qayb ka noqdeen dagaalka ka socda magaaladaa oo qaybo ka mid ah ka dhigay go,doon.
Kumanaan qof ayaa ku nafwaayay dagaalka magaalada Aleppo oo aanay ku jirin dadka ku dhintay dagaalka magaalooyinka kale ee dalka Suriya ka socda, waxaana sidoo kale ka qaxay kumanaan qof, waxaana dhulka lala simay dhismayaashii iyo waxyaabihii la meejaran jiray magaaladaa oo ay ku jiraan dhismayaal masjido la dhisay boqolaal sanadood ka hor iyo goobo kale oo astaan u ahaa xadaarada qadiimka ah iyo facweynida magaalada Aleppo oo tusaale u ahayd ilbaxnimooyinkii dunida aynu maanta ku noolahay iyo taariikhaha facaweyn ee ay lahayd.

In kasta oo Aleppo noqotay goob dagaal oo si weyn loo bur-buriyay, isla markaana muuqaalkeedu noqday magaalo la haligay, balse weli waxay u muuqta aan lagu kala adkaan, iyadoo xiisada dalalka Maraykanka iyo Ruushka ee kala taageersan dhinacyada ku hirdamaya bur-burka magaaladaa gaadhay meel adag oo cabsideeda leh, taas oo sababtay in Ruushku gantaalaha khatarta ah ee S 300 ku rakibay xeebta dalka Suriya.

By. Carraale M Jama

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp