Ogaysiis Tartan Abaal-marinneed
Ku Dhammaan Suxufiyiinta Somaliland
Ujeeddo:
soljaWaxa lagu wargalinayaa dhammaan suxufiyiinta Somaliland in ururka SOLJA qabanayo shir ballaadhan oo lagaga tashan doono mustaqbalka saxaafadda Somaliland iyo maalinta xuska saxaafadda Somaliland oo is-huwan, kuna beegan 8-9 November 2016-ka, kuwaas oo loo baahan yahay in si mug leh u qiimeeyaan saxafiyiinta ka qaybgalaya.
Haddaba, si aan maalintaa qiimaheeda u siinno, waxa lagu lammaaneeyey tartan loo qaban doono saxafiyiinta dhexdooda, iyadoo suxufi kasta oo tartankan ka qaybgalaya looga baahan yahay inuu tartanka kaga qaybgalo qodobaddan hoos ku qoran:
 Barnaamij iyo muuqaal (Radio and Tv)
 Qoraal ku soo baxay wargeysyada iyo website-yada oo labaduba ka hadlaya arrimaha bulshada.
Qoraalka iyo barnaamijku waxay noqon karan kuwo sannadkan 2016 ka ku soo baxay ama la baahiyey wargeysyada, websiteyada, Radio ga, iyo Tv-yada, kaas oo waqtigiisu ku egyahay 9/10/2016 ilaa19/10/2016 wixii ka dambeeya 12:00 duhurnimo 19/10/2016 lama qabanayo wax arrintan la xidhiidha.
Shuruudaha Barnaamijka iyo qoraalka
Haddii uu cod ama muuqaal yahay waa inaannu ka badnaan 20 daqiiqo, hadduu qoraal yahay aannu ka badan laba bog.
Saxafi kasta oo tartankan ka qaybgalaya wuxuu ku soo hagaajin karaa xafiiska guud ee SOLJA ama cinwaankan Soljajour@gmail.com.