#Araweelo_News_Network.

#Somaliland: Waa Maxay Farqiga U Dhexeeya Labada Golle Wakiillada Iyo Guurtida Xeerarka Doorashooyinka?

Qodobada kala Duwanaanshaha Wax-ka-Bedelka Guurtida Ee Gollaha Wakiilladu Diideen

Waxa jira kala duwanaansho soo jeedinta Golaha Guurtida iyo nuqulada uu ansixyay Gollaha Wakiiladu ee labada xeer ee doorashooyinka khuseeya? Xog kooban:

Wax ka beddelka uu Gollaha Guurtidu soo jeediyay iyo wax ka bedelka uu sameeyey Golaha Wakiiladu nuxurka guud waa isku mid oo labaduba waxa ay jideeyeen:

  1. In Doorashada hal mar la wada qabto (isku sidkanaan waxa loo bixiyay).
  2. In Doorashada tartanka xisbinimo ay galaan ururada iyo xisbiyadu.
  3. In doorashada madaxtooyo ay gelayaan sadexda xisbi oo keliya.

Balse waxa jiray arimo dhawr ah oo ay ku kala duwan yihiin. Kuwaas oo ah:

Xeerka Doorashooyinka, Xeer Lr. 91/2023 aan marka hore eegno:

  1. Qodobo badan oo khuseeya qaabka natiijada doorashada loogu dhawaaqayo ayay ku kala aragti duwan yihiin. Wakiiladu waxa ay ansixiyeen in natiijada lagaga dhawaaqo degmo walba si daah furnaan u timaado oo aan mad madow u iman. Waxa ay sidoo kale xadideen mudada lagu dhawaaqayo natiijada oo aan ka badnaan Karin 7 maalmood, iyaga oo degmada iyo gobolka siiyay min laba maalmood. Guurtidu waxa ay soo jeedisay in sidii hore loo daayo oo doorashada madaxtooyada lagaga dhawaaqo xarunta guud keliya (sidii hore u jirtay).
  2. Golaha Wakiiadu waxa uu ansixiyay in Gudida Doorashooyinka iyo  Gudida Diiwaangelinta ay yeelanayaan xoghayaha fulinta oo ay iyagu tartan furan ku shaqaalaysiistaan. Balse Guurtidu waxa ay soo jeedisay Agaasime Guud oo madaxwaynuhu magacaabo.
  3. Golaha Wakiiladu waxa ay ansixiyeen xubinta Gudida Doorashooyinka ama Diwaangellinta ee uu diido Goluhu inaan la soo celin Karin. Guurtidu waxa ay soo jeediyeen in Madaxwaynuhu hal mar soo celin karo.
  4. Wakiiladu waxa ay ansixiyeen in Gudidu Doorashooyinka ay go’aanadoodu ku ansaxayaan 5 xubnood marka ay u codeeyaan, Guurtiduna waxa ay soo jeedisay 4 xubnood.
  5. Golaha Wakiiladu waxa uu Xeerka ku aasaasay Gudi hore u jiri jirtay balse aan xeer ku aasaasanayn oo la yidhaahdo Gudida Xallinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka (dispute resolution and elections monitoring committee). Guurtidu waxa ay soo jeedisay in Xeerka laga saaro gudidaas.
  6. Golaha Wakiiladu waxa ay ku dareen Xeerka faqrad sheegaysa in haddii diiwaangelin codbixiyayaal la qabto ay kadib dib u dhacdo doorashadii in aan diiwaangelin cusub la qabanayn, haddii aan dib u dhiciddu ka badnayn 24 bilood. Guurtidu waxa ay soo jeediyeen in Gudida Doorashooyinku ay ka go’aan gaadho inay qaban karto diiwaangelin iyo inaanay qaban.
  7. Golaha Guurtidu waxa uu ka saaray qodob Wakiiladu ka soo rareen Xeer Lr. 14 oo ah in tartanka ururada/xisbiyada lagu kala baxayo saamiyada boqolayda uu xisbi/urur kastaa ka helay gobolka. Guurtidu waxa uu ka dhigay hal dheeri inay ku kala baxaan. Qodobkaasi qodob cusub oo Wakiiladu soo kordhiyay ma ahayn, balse waxa uu ahaa qodob ilaa 2002 lagu dhaqmayay oo laga soo raray Xeer Lr. 14.

Waxa jira arimo yaryar oo farsamo oo aanay ku kala taganayn labada Gole ama aan nuxur ahaan wax badan ahayn. Tusaale ahaan Golaha Wakiiladu waxa uu ansixiyay in aan murashaxiinta Golayaasha lagu xidhin ogolaansho qabiil iyo in murashaxu ay tahay waajib inuu ka tirsanaado xisbiga uu ka tartamayo ugu yaraan sadex sanadood. Guurtidu way ka saartay. Waxa sidoo kale jira arimo sixid ah oo Guurtidu samaysay ama aan nuxurka Wakiilada waxba ka bedelin.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasada, Xeer Lr. 14 aan eegno:

Xeer Lr, 14, wax wayn kuma kala duwana labada gole, marka laga reebo qodobka 27aad oo ka hadlayaa liisaanka xisbiyada iyo sida uu u dhacayo oo ay erayo kala duwan isticmaaleen iyada oo Guurtidu ka saartay faqradan soo socota:

“Haddii mudo xileedka madaxwaynaha iyo ku xigeenka loo kordhiyo si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangellinta Codbixiyayaasha iyada oo aan xisbiyadu dhamaysan labada kaltan doorasho ee ku cad faqradda 4aad ee qodobkan, mudada liisanka xisbinimo ee Xisbiyaduna si toos ah ( automatic) ayey u la kordhaysaa mudo kordhinta loo sameeyey Madax-weynaha iyo ku xigeenkiisa, ilaa labada kaltan doorasho Madaxwayne ay dhamaysanayaan xisbiyada liisanka haystaa.”

Nuxurka intiisa kale waa iskaga mid Xeer Lr. 14.

W/Q Garyaqaan Guuleed Dafac