#Iran Garoomadda Iyo Goobbaha Dagaalka Waxay Ku Ciyaartay Hubka Casriga Ah

#Araweelo_News_Network.

Warbixin by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Ukraine (ANN)-Maraykanka iyo Xullufadiisa aaya jaah wareer ka qaaday Diyaaraddaha aan Duuliyaha lahayn ee Iran iyo Gantaalaha Casriga ee qabsaday garoomada dagaalka Aduunka, sida dagaalada Ukraine iyo ka bariga dhexe, warbixino hordhac aha ayaa sheegaya in Ruushka  looga shakisan yahay inuu u adeegsaday diyaarad Drone ah oo cusub oo Iran ay ku qarxisay Ukraine, inkastoo aan la xaqiijin.

Nooca cusub ee Diyaaradda kor u qaaday sumcada ay Iran usoo hooyeen diyaaraddaha Drone ee caanka ku noqday dagaalka Ukraine, kuwaas oo ka duula gamcaha Ruushka oo wixii hadda ka horeeyay isaga iyo Maraykanku ahaayeen kuwa haysta fasramada hubka aduunka iyo difaaca hawadda, balse wixii ka danbeeyay markii uu bilaabmay dagaalka Ukraine waxa yimi isbedel dheelitiray awoodda farsamada tichnolajiga ee hawadda sare iyo nidaamka difaaca Hawadda ee gantaalaha.

Iran ayaa la rumaysan yahay innay casriyaysay diyaaraddaha Drone ee sannadii u danbeeyay jaah wareerka ku riday dunnida, gaar ahaan Maraykanka iyo xullufaddiisa galbeedka, kaddib markii laysku arkay goobbaha dagaalka Ukraine ee halkaa ka socdaa noqday mid ka dhigay dalkaa garoonka lagu soo bandhigo hubka iyo awoodda dhinaca difaaca hawadda sare.

Maraykanka iyo Xullufaddiisa oo la safar Ukraine ayaa kusoo daabulayay hubka gobolka tan iyo markii dagalku bilaabmay, iyagoo doonayay innay ku qaawiyaan awoodda Ruushka, laakiin Iran ayaa noqotay quwad aan la malaysan karin oo la safatay Ruushka, waxayna sabab u noqtay in Maraykanka iyo xullufaddiisa lagu qaawiyo fagaarayaasha hirdanka hubka iyo furrimaha dagaalka Ukraine.

Xilligan uu socdo dagaalka Bariga dhexe oo noqday casharo kale oo la siinayo Maraykanka iyo xullufaddiisa Israel iyo kuwa saaxiibada la ah, waxay Iran muujisay awood dheeraad ah iyo casriyaynta Hubka, iyadoo nooca cusub ee diyaaradda drone oo ah diyaarad ku shaqaysa gantaalka lagu magacaabo Shahed-238, ayaa la rumaysan yahay in uu ku kordhin doono xawli uu ku socdo gantaalada Shaheed-136.

Diyaaraddahan cusub ee aan duuliyaha lahayn, Moscow waxay madax-xanuun badan iyo jaah wareer ku abuuri kartaa difaaca hawada ee Ukraine, sida ay khubarada hubku sheegeen

Dhawr bilood kaddib markii Iran ay soo bandhigtay nooc cusub, oo ku shaqaynaysa jet oo ah gantaaladeeda Shaheed, tuhunka laga qabo in Ruushku haysto hubka qarxa – lagana yaabo in uu nooc ka mid ah u adeegsaday Ukraine.

 

Diyaaradda Shaheed-238 oo ku shaqaynaysa mishiinka jet-ka ayaa ah mid si weyn u cusboonaysiisay xawaaraha iyo joogga marka loo eego noocyada marawaxaddaha ee diyaaraddahan aan duuliyaha lahayn ee Iran ay samaysay oo Ruushku uu u isticmaalay in uu ku weeraro magaalooyinka Ukraine muddo sannad ka baddan.

Awooddan cusub ee ku jirta gacmaha ciidamada Ruushka waxay madax-xanuun ku abuuri kartaa difaaca hawadda Kyiv iyadoo la dhimayo waqtiga falcelinta, cadaadis dheeraad ah saaraya nidaamyada difaaca ee Maraykanka iyo xlufufaddisa Midawga Yurub iyo NATO ka dhiseen halkaa oo marka horeba ahayd difaac ahaan mid aad u cakiran, sida uu sheegay Business Insider oo soo xigganaya khuburada hubka iyo difaaca hawadda sare.

Iran waxay dhistay hub aad u baddan oo ah diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah, laakiin waxaa laga yaabaa in hubka ugu caansan uu yahay Shaheed-136, kaas oo laga shaqaaleysiiyay Ukraine iyo guud ahaan Bariga Dhexe, isla markaana muujiyay awoodda Iran iyo horumarka dhanka Gantaalaha iyo Diyaaraddaha oo noqday maanta safka hore ee dagaalka laysugu awood sheegto.

Inkasa oo Shaheed-136 inta baddan loogu yeedho Drone-ka, haddana farsamo ahaan waa qori caaro ah, taasoo la macno ah in ay ka soo gabban karto bartilmaameedka ka hor inta aannay  duulin oo aannay qarxin. Waa nidaam yar oo ay ku shaqaynayso makiinadu, wuxuuna qaadi karaa culayska qarxa oo lagu qiyaasay 110 rodol oo khatar weyn oo baaxad leh iyo burburin weyn sababi kara.

Dhinaca kale, Tehran ayaa ku dooday noocyo ka mid ah diyaaraddaha cusub ee Shaheed-238,  taas oo la filayo innay ku shaqaynayso November, laakiin qaar baddan oo ka mid ah awoodaheeda ayaan la garanayn ama lama xaqiijin. Laakiin General Ruush ah ayaa horaantii Desembar  u sheegay warbaahinta dawladda in nidaamkani uu ku socon karo xawaare ku dhow 500 mph – taas oo ka dhigaysa in uu dhawr jeer ka dheereeyo kii ka horreeyay sidoo kalena la barbar dhigo qaar ka mid ah gantaallada Badda  iyo in Moscow ay dhawaan soo saari doonto hub cusub oo ah nooc aan hore loo arag,sida ay qortay warbaahinta Kyiv Post oo waraysatay Generalka Ruushka.

Sawirro la sheegay in ay ka mid yihiin burburka diyaaraddan ayaa waxaa la wadaagay xarumo sirdoon oo baddan, sida laga soo xigtay ilo furan oo sheegay in lagu arkay Aagga dagaalka, laakiin lama soo bandhigin caddaymo muujinaya goorta iyo xilliga.

Hase yeeshee, waxay u muuqataa in Iran ay siisay Ruushka nooc cusub oo Shaheed kamikaze UAV ah (Shahed-238) oo wata mishiinka jet, si kastaba ha ahaatee Iran oo hubka gantaalaha goobaha dagaalka Bariga dhexe, sida dagaalkii Xibullaah iyo Israel 2006, dagaalkii Syria, dagaalka xilligan socda ee Bariga dhexe ee Israel oo ay taageerayaan Xullufada Maraykanka iyo Britain  iyo Xamaas oo ka mid ah gamcaha Iran, Ukraine Bariga Yurub iyo Yemen Koonfurta Badda Cas Xuutiyiinta , ayaa xilligan si weyn ugu awood sheegtay Maraykanka iyo xullufaddisa, iyadoo la safan xullufadda Rissia China, North Koria iyo dalal kale.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com