#Araweelo_News_Network.

Maraykanka Iyo Xullufadiisa Oo Ka Walaacsan Horumarka Wershaddaha Hubka Ee Iran Oo Saamayn Ku Yeeshay Dunida

 

Washington (ANN)-Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa si weyn uga walaacsan korodhka iyo horumarka ay xukuumadda Tehran samaysay sannadihii u danbeeyay dhinaca Warshaddaha hubka iyo weliba saamaynta ay Iran ku yeelatay collaaddaha ka aloosan Baridha dhexe, Barriga Yurub iyo Badda Cas.

Laxidhiidha: Iran Oo Hawadda U Dirtay Saddex Dayax-Gamceed Oo Cabsi Ku Riday Maraykanka Iyo Israel

Warbixin lagu daabacay Wargeyska (Wall Street Journal) ee laga leeyahay Maraykanka oo ka hadla arrimha dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasada, ayaa sheegay in Maraykanka iyo xullufadiisu si weyn uga wer-werayaan  taageerada Iran ee Maleshiyaadka Bariga dhexe iyo weliba warshaddaha hubka ee kobcaya oo ay ku kordhisay iibsashada Ruushka ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Laxidhiidha: #Iran Garoomadda Iyo Goobbaha Dagaalka Waxay Ku Ciyaartay Hubka Casriga Ah

Warshaddaha hubka ee Iran ayaa si xawli ah u koraya, iyaga oo dalka u rogaya dhoofinta baaxad weyn oo qiimo jaban, hub casri ah oo macaamiisha  Maraykanka iyo la-hawlgalayaasheeda Bariga Dhexe ay dhibsadeen, iyadoo Tehran hubkeedu gadhay Ukraine iyo meelo ka baxsan gobolka sida lagu sheegay warbixinta.

Laxidhiidha: Iran Diyaaraddaha Ku Duulaya Gamcmaha Ruushka Oo Jaah Wareeriyay Difaaca Hawadda Ukraine Oo Ah Ka Ugu Fiican Maraykanka Iyo Xulufadda NATO

Dardar gelinta Iran ee Warshaddaha Hubka, waxay si xawli ah u kordheen iibkii Ruushka ee 2022 , iyadoo ruushkuka iibsaday  kumanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo wax ka beddelay goobta dagaalka ee Ukraine.

Warbixinta ayaa sidoo kale, sheegtay innay tani ka caawisay Tehran innay kor u qaaddo taageerada ay siiso xulafada maleeshiyada ee iskahorimaadyada Bariga Dhexe ee sii xoojiyay dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas ee Qaza.

Laxidhiidha: U.S.:$15 Milyan Oo Abaal-marin Ah Oo Lagu Beegsanayo Khabiirka Diyaaraddaha #Iran Drone Ee jaah-wareerka Ku Riday #Israel iyo Xullufadda #Maraykanka

Mid ka mid ah hubka ugu sareeya ee Iran laga dhoofiyo, waa diyaarad is-miidaamin ah oo lagu magcaabo Shahed, oo loogu talagalay in lagu qaado walxaha qarxa, laguna burburiyo bartilmaameedka la doonayo innay beegsato,  waxaana loo adeegsaday in lagu dilo saddex askari oo Maraykan ah gudaha Urdun weerar ay ku qaadeen koox maliishiyaad Ciraaqi ah 28 jan 2024,  iyadoo afataneeyo kale dhaawacmeen sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah.

Dhinaca kale,  Taliska Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa gacanta ku dhigay in ka baddan 200 oo xidhmo oo hub ah oo ka yimid Iran una socday Yemen, sida uu sheegay Maraykanku Khamiistii.

Laxidhiidha: Iran Oo Garaacday Xarunta Mukhaabaraadka #Israel Ee #Mossad

Taliska dhexe ee Maraykanka oo mas’uul ka ah howlgallada ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in shixnaddan ay ku waajahnayd dhulka ay maamulaan xulafadda Iran ee Xuutiyiinta dalka Yemen, kooxdan oo weerarradooda ay ku qaadeen marinnada maraakiibta Badda Cas ay khalkhal galiyeen ganacsiga caalamka iyo isu socodka gaadiidka Baddaha, iyagoo ka cadhaysan duulaanka Israel ee Qaza iyo taageerada Maraykanka iyo xullufaddiisa.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com