U.S.:  $15 milyan Oo Abaal-marin Ah Oo Lagu Beegsanayo Khabiirka Diyaaraddaha Iran Drone Ee jaah-wareerka Ku Riday Israel iyo Xullufadda Maraykanka

#Araweelo_News_Network.

#Washington (ANN)’- Maraykanka ayaa Abaalmarin cusub oo $ 15 Milyan gaashaysa ugu yaboohday cida disha Khabiir Ganacsade u dhashay Iran oo gacan ka geystay  innay Iran noqoto dalka hoggaaminaya dagaalka hawada sare ee Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Dones.

Abaalmarinta la Shaaciyay dhawaan ayaa looga golleeyahay in lagu carqaladeeyo isku xidhka ganacsadaha Iran oo sida ay sheegtay Washington gacan ka geystay helitaanka Tigchoolajiyada Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Millateriga Iran.

Laxidhiidha: Iran Oo Garaacday Xarunta Mukhaabaraadka #Israel Ee #Mossad

Dhinaca  kale, sida ku cad warbixin  ay baahiyeen shabakaddaha Araweelo_News_Network, Diyaaraddaha Iran ayaa khal_khaliyay difaaca hawadda ee Ukraine,  kaasoo Maraykanka iyo xullufaddiisu ku caawiyeen dalkaa oo labadii sannadood ee u danbeeyauyvdagaal kula jiray Ruushka, iyadoo Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Iran wacdaro ka dhigeen dagaalka Ukraine oo Ruushku u adeegsaday.

Sidoo kale, Diyaaraddaha Iran ayaa noqday kuwo dagaalka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Israel oo taageero ka helay Maraykanka iyo Britain iyo Dagaalyahanka Xamaas iyo Xisbullaah oo taageero ka helaya Iran, iyadoo Xuutiyiinta dalka Yemen oo looga caagay Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marinka muhiimka ah ee Bebal Al mandeb oo isku xidha Gacanka Cadmeed  iyo Badda Cas, isla markaana at ka gudbaan GAaaaduidka badeecaddaha10 % ganacsiga aduunka, kaas oo dagaalka Qaza ee Bariga Dhexe saamayn ku yeeshay amnigiisa. Kaddib markii Xuutiyiinta ay Iran taageerto ee Yemen hawlgalo ay ku qafaasheen, qaar kalena weerarreen Maraakiibta laga leeyahay Israel iyo Maraykanka , taas oo ay sheegeen innay jawaab u tahay xasuuqa Israel ku hayso Shacabka Falastiin iyo gelitaanka Qaza.

Laxidhiidha: #Iran: Diyaaraddaha Drone-ka Aan Duulayaha Lahayn Ee Ruushka Ka Dhigay Gamcaha Iran Oo Jaah Wareeriyay Difaaca Hawadda Ukraine Oo Ah Ka Ugu Fiican Maraykanka Iyo Xulufadda

Maraykanka iyo Britain ayaa duqaymo jawaab u ah hawlgalada Xuutiyiinta ku weeraray goobo ka mid ah dalka Yemen. Laakiin waxa si weyn loo canbaareeyay tallaabooyinka oo lagu tilmaamay mid aan loo baahnaym oo uga sii daray xaaladda, isla markaana horseed u noqon karta in dagaalka Bariga Dhexe ku fido gobolka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com