#iran Oo Garaacaday Xarunta Mukhaabaraadka #Israel Ee #Mossad

#Araweelo_News_Network.

Thehran(ANN)- Iran ayaa sheegtay in ay duqaysay xarunta Mukhaabaraadka Israel ee Mossad Salaasadii, sidaana waxa baahiyay Telefishanka laga leeyahay dalkaa ee Presstv oo soo bandhigay muuqaal la xidhiidha arrintaa.

Warbixinta ayaa lagu Muujiyay innay tani jawaab u tahay weerarro argagixiso oo Israel ku qaaday dalka Iran.

Sidoo waxa lagu sheegay warbixinta in duqaynta iyo burburinta lagu qaaday xarunta dhexe ee Mossad, iyadoo sidoo lagaga aargudanayo weerarro Mossad ku qaaday Koonfurta Lubnaan, halkaas oo dagaalyahanka Xisbullah ku xoogan yihiin.

Jawaabta Iran ay ka bixisay ee arrintaa ayaa sidoo kale kusoo beegmay, iyadoo Maraykanku ku daray Xuutiyiinta Yemen oo Gacan ka hela Iran liiska argagoxisada .

Mossad argagixisadu weeraradii argagixisanimo ee Iran lagu qaaday, iyadoo ay sii dheer tahay in Washington ay dib u siisay Ansarullah inay tahay urur argagixiso.

Taliska Israel ayaa qirtay in iska caabinta marinka Qaza ay wali tahay mid xoogan oo awood leh marka loo eego khilaafka sii xumaanaya ee u dhexeeya xubnaha maamulka hadda jira ee Israel.

Iran ayaa sidoo kale sheegtay inay ugaadhsanay kooxda Israel ee Golaha Dagaalka Qaza, kuwaas dhibaato argagixisanio ah ku haya Shacabka Lubnaan iyo Qaza.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com