#Araweelo_News_Network.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Tehran (ANN)- Iran ayaa hawadda sare u dirtay saddex dayax-gacmeed xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhexaysa quwaddaha reer galbeedka iyo Iran oo muujisay awoodda ay leedahay.

Dayax gacmeedyada ayaa loo isticmaali doonaa in lagu tijaabiyo dhanka  isgaadhsiinta iyo Tichgnoolajiyada (geopositioning), iyo sidoo kale waxtarka in xamuulka la geeyo hawadda sare, sida ay sheegtay Iran.

Laxidhiidha: #Iran Garoomadda Iyo Goobbaha Dagaalka Waxay Ku Ciyaartay Hubka Casriga Ah

Iran oo hore u dirtay dayax-‘gamceed, balse waxay noqonay  markii ugu horaysay ee ay ku guulaysatay innay hawadda sare u dirto saddex dayax-gacmeed oo hal mar hawadda sare loo wada diray,  iyadoo adeegsanaysa gantaalkeeda xambaara oo ay diyaarisay Wasaaradda Difaaca iyo Saadka Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ay xaqiijisay warbaahinta dowladda oo ku warantay, waana dhacdo muhiim ah oo ay reer galbeedku ka baqayaan innay kor u qaadaan barnaamijka gantaalada ballistic-ga ee Tehran, iyagoo u arka innay muuninayso awoodda Iran ee sii kordhay.

Dayax gacmeedyada ayaa loo diray ugu yaraan 450km (280 mayl) Axadii. Hal dayax-gacmeed oo culeyskiisu yahay 32kg (71 rodol) iyo laba nano-satelite oo ka yar 10kg midkiiba ayaa la riixay,  iyadoo la adeegsanayo gantaalaha dayax- gacmeedka ee Simorgh (Phoenix). sida ay ku warantay Al Jaziira.

Laxidhiidha: Iran Diyaaraddaha Ku Duulaya Gamcmaha Ruushka Oo Jaah Wareeriyay Difaaca Hawadda Ukraine Oo Ah Ka Ugu Fiican Maraykanka Iyo Xulufadda NATO

Nano-satelite-ka, oo lagu kala magacaabo Kayhan-2 iyo Hatef-1, ayaa loo isticmaali doonaa in lagu tijaabiyo isgaadhsiinta cidhiidhiga ah iyo Tichgnoolajiyada meelaynta juqraafiyeed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Laxidhiidha: U.S.:$15 Milyan Oo Abaal-marin Ah Oo Lagu Beegsanayo Khabiirka Diyaaraddaha #Iran Drone Ee jaah-wareerka Ku Riday #Israel iyo Xullufadda #Maraykanka

Dayax- gacmeedka weyn, oo lagu magacaabo Mahda oo ay dhistay wakaaladda hawada sare ee Iran, ayaa ujeeddadiisu tahay in la tijaabiyo saxnimada gantaalka Simorgh ee u gudbinaya shixnado baddan hawadda sare. Gantaalka Simorgh waxa uu lahaa guuldarrooyin baddan oo hore.

Dhinaca kale. Falanqaynta ay wakaaladda wararka ee Associated Press ku samaysay muuqaalka diyaaraddan ayaa muujisay in ay ka dhacday xarunta sare ee Imam Khumayni oo ku taal gobolka Semnan ee miyiga Iran.

“Guusha Simorgh Gantaalka ayaa ka guuxayay cirka dalkeenna iyo bannaanka aan dhammaadka lahayn,” ayuu yidhi Abbas Rasooli, oo ah wariye ka tirsan TV-ga dowladda Iran.

Laxidhiidha: Iran Oo Garaacday Xarunta Mukhaabaraadka #Israel Ee #Mossad

Maraykanka ayaa Iran uga digay khatarta argagixisanimo ka hor inta aannay dhicin weeraro is qarxin ah oo ka dhacay Kerman, kuwaas oo geystay khasaare.

Iydoo ay sii kordhay xasaasiyada Dagaalka Qaza iyo xasuuqa Israel ku hayso Shacabka Falastiin hadana Turkiga iyo Iran ayaa ku heshiiyay baahida loo qabo xasiloonida gobolka iyadoo uu weli socdo dagaalka Israel ee Qaza.

Washington ayaa dhex mushaaxay dhibaatada colaadda Bariga dhexe, iyadoo Saldhiga Maraykanka ee Ciraaq  la weeraray saacado kaddib markii Iran ay wacad ku martay innay ka aargudan doonto weerarka Dimishiq, taas oo aan ahayn weerarkii ugu horeeyay tan iyo markii dagaalka Qaxa uu ka qarxay Bariga dhexe 7 Oct 2023.

 

Iran ayaa tan iyo xilligaa sii kordhinay hubka iyo awoodda dhanka Tigchnoolajiyada, sidaa awgeed Simorgh ayaa u gudbinaya shixnado baddan hawadda sare. Gantaalka Simorgh waxa uu lahaa guuldarrooyin baddan oo hore sida ay sheegayaan  khuburada, laakiin qorshaha xilligan ayaa noqday mid guul ah.

 

Wakaaladda wararka ee Associated Press oo ka faallootay ayaa soo bandhigtay muuqaal muujinay diyaaraddan in ay ka dhacday xarunta sare ee Imam Khumayni oo ku taal gobolka Semnan ee miyiga Iran.

“Guusha Simorgh Gantaalka ayaa ka guuxayay cirka dalkeenna iyo bannaanka aan dhammaadka lahayn,” ayuu yidhi Abbas Rasooli, oo ah wariye ka tirsan TV-ga dowladda Iran.

Daahfurka dayax-gamceedka  ayaa kusoo beegantay,  iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Bariga Dhexe ee ballaadhan ee ka dhalatay dagaalka Israel ee Marinka Qaza, taasoo dhalisay cabsi laga qabo isku dhac gobolka.

Kooxaha xidhiidhka la leh Iran ee ku sugan Yemen, Suuriya, Ciraaq iyo Lubnaan ayaa muujiyay  weerarro ka yaabiyay  Maraykanka iyo xullufaddiisa sidoo kale weerarrada  ayaa ka dhan ah danaha Maraykanka iyo Israa’iil, waxayna kooxahaasi  si cad u sheegeen in weerraradu sabab  u yihiin si ay u garab istaagaan Falastiiniyiinta, iyadoo kooxahaasi cabsi ku rideen Maraykanka iyo xulufdadiisa Israel.

In ka baddan 26,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay ku dhawaad ​​Afar bilood duqaymaha Israel ka waday Qaza.

Barnaamijyada Nukliyeerka iyo gantaalaha Ballistic ee Iran ayaa noday kuwa si weyn u kordhay horaantii bishan, waxayna  Iran  ku dirtay dayax-gacmeedkeeda Sorayya gantaal ay dhiseen ciidamada ilaalada kacaanka ee militariga, kaasoo Yurub ay aaminsan tahay in Iran ay u adeegsan doonto  samaynta gantaalada riddaa dheer we isaga gudba qaaradaha.

Iran ayaa Sabtidii meesha ka saartay cambaareyntaas, iyadoo sheegtay inay xaq u leedahay horumarinta Tigchoolajiyada nabdoon ee hawadda sare.

Dhanka kale, hay’adda sirdoonka Maraykanka ee qiimaynta khatarta adduunka ayaa sheegtay 2023  in horumarinta dayax-gacmeedka ay Iran ka dhigayso hal tallaabo oo ay ku horumarin!yso gantaalleheeda,  waxayna ku tilmaantay Simorgh inuu yahay gantaal loo isticmaalo laba-geesood.

Xilligii Madaxweynihii hore ee Iran Hassan Rouhani, Iran waxa ay ka gaabisay barnaamijkeeda hawadda sare si ay u qaboojiso xiisadda ka dhaxaysa reer Galbeedka, balse intii uu xilka hayay Madaxweyne Ebrahim Raisi, barnaamijku waa uu sii socday.

Maraykanka ayaa hore u sheegay in dayax-gacmeedka Iran uu hawadda u diray uu ka horyimid qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana uu ugu baaqay Tehran in aannay qaadin wax dhaqdhaqaaq ah oo ku lug leh gantaallada ballistic-ga ee awood u leh in ay gudbiyaan hubka nukliyeerka.

Cunaqabataynta Qaramada Midoobay ee la xidhiidha barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Iran ayaa dhacay bishii Oct 2023, ee la soo dhaafay.

Tan iyo markii uu Maraykanku ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2018, Iran waxay kor u qaaday tayaynta Yuraaniyamkeeda oo ku dhow heerka hubka, in kasta oo hay’addaha sirdoonka Maraykanka iyo kuwa kale ay ku qiimeeyaan Tehran in aannay si firfircoon u bilaabin raadinta hubka nukliyeerka. Laakiin xukuumadda Tehran waxa ay ku adkaysanaysaa in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay dano rayid ah

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com