Balanqaadkii #MBS Ee Xidhiidhka #Israel Iyo Isbedelka #Rukumada Uu Ku #Taagnaa Sacuudigu Oo Laga Arkay #Riyadh Iyo #Qaza

#Araweelo_News_Network.

Riyadh (ANN)- Dalka Sacuudi Carabiya ayaa furi doonta Masnacii ugu horreeyay ee khamriga, Reuters ayaa soo werisay.

Masnaca ayaa u adeegi doona dublamaasiyiinta aan muslimka ahayn, ayay tidhi warbixintu oo lagu daabacay sidoo kale Business insider.

Sacuudi Carabiya oo ah Dal muslim ah oo ay maamulaan qoyska Boqortooyadda Alla Sacuud, waxay si adag u ciqaabtaa dadka lagu helo innay isticmaaleen cabbitaanka Khamriga ee Diinta Islaamku xarimtay si ku cad aayaadka Quraanka Kariimka ah, laakiin waxay xukuumaddu sheegtay innay samaysay tallaabooyin ay ku xarimayso.

Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa in ay furtay Masnaca khamriga lagu iibiyo, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, iyada oo quudinaysa diblomaasiyiinta aan Muslim ahayn.

Masnaca ayaa lagu wadaa in laga furo magaalada Riyaad ee Caasimadda dalka Sacuudiga, sida lagu sheegay warbixinta. Cabitaanka khamriga weli waa sharci darro muwaadiniinta Sucuudiga.

Sidaa awgeed waxay u baahan doontaa macaamiishu innay iska diiwaan galiyaan nidaamka app, ka oo ay ka helaan ogolaansho Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo ay ku dhegganaadaan kootada bishiiba, ayay tidhi warbixintu.

Waxay noqon doontaa qayb yar oo dublamaasiyadeed oo Riyadh ay ku raali gelinay. laakiin ma cadda inay sidoo kale u adeegi doonto qurba-joogta aan Muslimka ahayn, sida lagu xusay warbixinta.

Dhinaca kale, dalka Sacuudiga oo lagu tilmaamo mid xukunkiisu la xidhiidho shareecada Islaamka, isla markaana ay sannad walba Malaayiin Muslimiinta aduunka oo isaga kala yimi daafaha aduunku u tagaan gudashada amcmaasha xajka iyo cimrada, ayaa dawrkii sannadood ee u danbeeyay lagu arkayay waxyaabo aan hore looga aqoon ama mamnuuc ka ahaa, sida sinamayaasha iyo masraxyada laga heeso, taas oo ka dhalatay balanqaadyadii uu dalalka reer galbeedka u balanqaaday Amiirka dhaxalsugaha Maxamed Bin Salmaan oo ah ninka ugu awoodda baddan qoyska Boqortooyadda Sacuudiga,maadaama Boqor Salmaan oo Aabaha dhalay Maxamed Bin Salmaan yahay aan wax baddan gudan karin xilka oo da’a ah.

Amiir Maxamed Bin Salamaan ayaa markii uu xukunka qabtay Aabihii dhawr sanandood ka hor, wuxuu sameeyay qprshayaal uu sheegay innuu xukunka Sacuudiga iyo mustaqbalka dalkaa wax baddan ka beddelayo, wuxuuna xidhiidh dhaw la sameeyay Israel, iyadoo Riyadh ka mid ahayd dhawr dal oo kuwa khaliijka ah oo hormood u ahaa heshiiska (Abraham deal), ama loo bixiyay Abraham Agreement Jun 2017.

Heshiiska ayaa dhigaya in Israel ay si caaddi ah ula macaamilaan dalalka Islaamka,iyadoo qorshahaa oo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ku khasbay dalalka Khaliijka iyo kuwo kale oo carbaaed,  oo ay ugu horeeyeen Khaliijku. (Riix)

Amiir Maxamed Bin Salmaan ka hor intii aannu bilaabin qorshayaashiisa, wuxuu xabsiga ku guray Maalqabeeno ka mid ah qoyska Boqortooyadda iyo dad kale oo baddan, iyadoo Maalqabeenada reer AlSacuud qaarkood xabsiyada laga sii daayay markii ay bixiyeen lacag Malaayiin dollar ah,laakiin Culmo caan ka ahayd dalka ayaa iyana Xabsiyada lagu guray mudadaa, kuwaas oo qaarkood ku dhinteen.

Dhammaan arrimahan ayaa la xidhiidhay loolan qoyska Boqortooyadda ka jiray oo u dhexeeyay Maxaxamed Bin Salmaan iyo Amir Maxamed Bin Naaif oo la filayay inuu noqdo dhaxal sugaha, taas oo ay wehelisay dareenka iyo diidmada guddaha ka jiray ee Culimo waaweyn oo caan ka ahaa dalka, kuwaas oo saluug kaga muujiyay qorshaha Maxamed Bin Salmaan, balse ay ku waayeen nafahooda, kuwa kalena xabsiyada lagu ilaabay, iyadoo gebi ahaanba la mamnuucay innay Culimadu fatwo aannay dawladdu raali ka ahayn soo saarto, taas oo ciqaab iyo xabsi lagu mutaysanayo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com