#Xuutiyiinta Oo Gubay #Markab °Shidaal Oo Marayay  Gacanka Cadmee

#Araweelo_News_Network.

Yemen (ANN)- Markab shidaal oo marayay gacanka Cadmeed ayaa gubanaya kadib markii ay weerar gantaal ah ku qaadeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen, taas oo noqonay dhacdadii ugu dambeysay oo lala xidhiidhinayo kooxda ay Iran taageerto ee looga caagay marinka muhiimka ah ee maraakiibta.

Hawl-wadeenka Markabka shidaalka qaada ee Britishka ah Marlin Luanda ayaa Jimcihii sheegay in Markabka “gantaal lagu dhuftay xilli uu marayay gacanka cadmeed kaddib markii uu u gudbay Badda Cas,” iyo in “qalabka dab-damiska ee Markabka la geynayo si loo Xakameeyo loogana badbaadiyo dabka hal taangi oo xamuul ah oo ku yaal dhinaca starboard-ka xigta.

Xuutiyiinta ay Iran taageerto ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo ku sheegay  bayaan ay ku sheegay innay ay rasaas ku fureen Booyad ay kaga jawaabayeen “gardarrada Maraykanka iyo Ingiriiska ee ka dhanka ah waddankeenna [Yemen] iyo taageerada shacabka Falastiin.

Kooxda badeecooyinka ee Trafigura, oo markabka gacanta ku haysa, xafiisyona ku leh Britain, ayaa sheegtay inay la socoto xaaladda iyo in maraakiibta militariga ee gobolka ay ku soo wajahan yihiin “si ay gargaar u fidiyaan.”

Dowladda Britain ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Markabka.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in markabka uu soo saaray baaq degdeg ah, waxaana uu sheegay in khasaare uu soo gaaray ka dib markii dagaalyahanada ay gantaal nooca balastikada ah ka soo rideen deegaanka Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan.

Markabka Dagaalka ee  USS Carney, oo xanbaara gantaalaha wax burburiya ee la hagayo, iyo maraakiibta kale ee isbahaysiga ayaa awoooddi waayay innay ka difaacaan gantaalaha as Xuutiyiinta waxayna sheegeen, iyagoo ka jawaaba  “USS Carney  oo waxay bixinayaan gargaar,” Taliska Dhexe ayaa yidhi sidaa.

Ma jiraan wax dhaawac ah oo la soo sheegay waqtigan, ayay raacisay. laakiin Trafigura ayaa beenisay warka saraakiisha Maraykanka.

Kabtanka Markabka waxa uu sheegay in Markanku ka diiwaan gashan yahay in uu yahay Oceonix Services Ltd, shirkad ka diiwaan gashan UK.

Booyadan ayaa ku hoos duuleysa calanka jasiiradaha Marshall waxaana u shaqeeya magaca Trafigura – shirkad ganacsi oo caalami ah oo degan Singapore.

Trafigura waxa uu sheegay in shaqa joojinta ay sababtay dab ka kacay mid ka mid ah haamaha xamuulka ee markabka, waxaana la isku adeegsanayaa dab damiska si loo xakameeyo. Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee maraakiibta ganacsi ee xuutiyiinta ay ku qaadaan badda cas iyo agagaarkeeda. Kooxda ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsanayaan maraakiibta gobolkaasi ee taageeraya Falastiiniyiinta ku sugan Qaza, halkaas oo Israel ay kula dagaalamayso Xamaas.

Bayaan uu soo saaray, afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa ku andacooday in markabka Marlin Luanda uu ahaa markab British ah, waxaana la beegsaday iyada oo laga jawaabayo “gardarrada Mareykanka iyo Ingiriiska ee ka dhanka ah dalkeenna”

Dowladda UK ayaa sheegtay in weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsigu ay yihiin “gebi ahaanba aan la aqbali karin” iyo in Britain iyo xulafadeeda “ay xaq u leeyihiin inay si habboon uga jawaabaan”

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com