>”Labada Xeer Waxaan Ku Ansixinay 66 , Xeerarkuna Waa Kuwo Dalka U Dan Ah, Mana jiro Wax Khilaaf Ah” Xildhibaan Jirde Oo Guurtida Ah

>”Xeerarka Guurtidu ansixisay Maaha kuwo Dan U Ah Ururka Hillaac Ee Boorama” Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici

#Araweelo_News_Network.

Hatgeysa(ANN)Muddanayaasha Guurtida ayaa cod xoogan oo aqlabiyad Afar meelood oo saddex ah ku meel mariyay xeerarka doorashooyinka ee labada golle iyo Madaxtooyadda ku noq noqday, isla markaana khilaafka ka dhex abuuray dhawr jeer labada golle ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulamo maalmihii u danbeeyay u socday labada golle ayaa lagu heshiiyay in la meel mariyo xeerarka doorashooyinka ee Xeer 14 iyo Xeer 91, maadaama ay mar hore isku khilaafeen meel marinta xeerarka oo muran ka dhex aloosay Guurtida iyo Wakiillada iyo sidoo kale Madaxtooyadda, guddida muddooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa xalinta khilaaka xeerarkaa oo dorashooyinka Somaliland ee dib dhaca baddan ku yimi u danbran yihiin, ayaa ugu danbayntii ku heeshiiyay in golle walba dhankiisa ka tanaasulo qodobada uu wax-ka-bedelka iyo kaabista ku sameeyay, kaddibna ay deg deg u anxiyaan si loogu socdo dariiqa dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka ee Somaliland u muuqatay innay ka anbatay sannadihii u danbeeyay.

Laxidhiidha:  Somaliland; Shirgudoonka Labada Golle Oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaafka Xeerarka Doorashooyinka

Labada Xeer ee doorashooyinka oo Sabtidii saaka 17 Feb 2024, la keenay gollaha Guurtida ayaa lagu ansixiyay codka xooggan , waxaana labada Xeer14 iyo Xeer 91, lagu ansixiyay 66 xildhibaan, taas oo ka dhigan Afar meelood saddex meelood iyo ka baddan marka loo eego tirada guud ee gollaha oo ka kooban 82 xildhibaan.

 

“Labada Xeer Waxaan Ku Ansixinay 66 Muddane, Xeerarkuna Waa Kuwo Dalka U Dan Ah, Mana jiro Wax Khilaaf Ah” Xildhibaan Maxamed Xareed Rooble (Jirde) oo ka mid ah mudanayaasha Guurtida, isla markaana ka mid ah guddida loogu saaray innay labada golle isla meel dhigaan xeerarka kaddib markii dalabka Guddoomiyaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan qoraal uu Madaxweynaha kaga dalabanyo in uu soo celiyo xeerarkaa ansixinta gollaha wakiillada taas oo ahayd arrinta mar kale khilaafka xeerarka soo celisay dhowaan.

Laxidhiidha:Somaliland: Guddoomiye Saleebaan Iyo Shirgudoonka Gollaha Wakiillada Oo Ku Kala Cadhooday Kulamadii U Socday Ee Xalka Khilaafka Xeerarka Doorashooyinka

Xildhibaan Jirde wuxuu ku dooday, isagoo la hadlay Idaacada VOA, markii gollaha Guurtidu ansixiyay xeerarka in golle ahaan, maadaama ay yihiin golle ka shaqeeya danta dalka iyo nabada ay dhinacyo baddan ka eegeen, isla markaana wadahadaladii ay ka yeesheen labada golle xeerarka ku heshiyeen in sidaa lagu ansixiyo, wuxuuna rrintaa ku tolmaamay mid danta dalka iyo dadku ku jirto, wuxuuna difaacay qodobka sheegaya in 20% ururadu kaga soo baxaan gobollada si ay Xisbiyo ugu gudbaan, taas oo uu xusay innay ahayd mid mar walba tartanka Ururada loo adeegsanayay oo aan ahayn wax cusub.

Hase yeeshee, markaa kaddib ayaa kulan ka dhacay Madaxwtooyadda oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici iyo wasiiro ka trsan Xukuumadda oo deegaanka Awdal kasoo jeeda iyo weliba dhawr xildhibaan lagu arkay Xildhibaan Maxamed Xareed Rooble (Jirde) oo ka mid ah kooxda Madaxweyne ku xigeenku ku shiriyay qasriga Madaxtooyadda oo warbaahinta ka canbaaraynaya xeerarka gollaha Guurtidu ku ansixiyay aqlabiyada xooggan.

Xildhiban Jirde oo ka mid ahaa mudanayaasha Gollaha Guurtida ee ansixiyay saaka xeerarka, isla markaana daqiiqado kaddib VOA u sheegay in aannu jirin wax laysku khilaafay sidaana lagu ansixiyay xeerarka (halkan ka dhegayso coda waraysiga VOA) iyadoo danta iyo malaxada dalka iyo dadka la eegayo, ayaa markan canbaaraynaya, isagoo dhinac taagan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo koox wasiiro ah .

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Seylici oo ay weheliyaan Wasiir Saajin, Wasiir Buuni iyo xubno kale oo qaarkood yihiin xildhibaano, ayaa ku tilmaamay xeerarka doorashooyinka ee Guurtidu ansixisay in aannay ku jirin danta reer Awdal, waxayna si cad u sheegeen in Ururka Hilaac oo ka mid ah Ururada doonaya innay tartamaan aanu gobollada ka helayn codka 20%, sidaa darteed xeerarka laysu joojiyo.

Dhankiisa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gollaha Wakiillada Cali Xaamud Jibriil oo sheegay in laga soo saaray Madaxtooyadda, ayaa tilmaamay in aannay arrinta Madaxtooyada lagu hayay ahayn mid danta Awdal ah, balse ay ahayd qorshe kale, “Haddii Madaxtooyaddu ay wado danta Awdal anniga oo ah Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Gollaha Wakiillada, isla markaana ah masuulkii u sareeyay ee shirgudoonka kaga jiray Awdal madaxtooyadda laygama soo saareen/” ayuu yidhi, Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil oo warbahinta la hadlay markaa kaddib.

Sidoo kale, waxa jiray xildhibaano kulanka ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka oo qaarkood guurtida yihiin, balse mar dambe warbaahinta si gaar ah ula hadlay, iyagoo ku doodaya in aannay kula mawqif ahayn Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirrada kulanka Madaxtooyadda ee ay warbaahinta kula hadleen, kaas oo sida ay sheegeen aan ahayn sidii markii hore loogu yeedhay ee wax loogu sheegay.

Hase ahaatee dhawaaqa Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha Wasiirrada ee lagu canbaaraynayo ansixinta xeerarka doorashooyinka Somaliland ee guurtida, ayaa  abuuray doodo iyo su’aalo mugdi gelinaya masuuliyadda Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha Wasiirrada oo u muuqda innay ilaabeen xasaanadihii iyo xilalkii ay qaranka u hayeen, iyagoo dooda ay warbaahinta la yomaadeen ahayd oo keliya innay hal Urur oo ka id ah dhawr iyo tobanka Urur raaligelintiisa ku doorsadaan masuuliyadda ay qaranka u hayeen ee ay ku dhaarteen innay ugu adeegayaan daacadnimo iyo cadaalad.

Doodaha Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirrada ayaa sidoo kale abuuray su’aalo kale oo qaarkood leeyihiin, “Madaxweyne ku xigeenka iyo Xubnaha Wasiirradu miyay ka quusteen , Xisbigii KULMIYE, ee muxaafidka marka xataa loo raaco aragtida dooda cabashada iyo canbaaraynta ah ee xeerarka doorashooyinka , wallow muuqaalka kale ee laga dheehan karo arrintan ay muujinay qorshe xukuumaddu ku doonayso in  xeerarku aannay noqon kuwo meel mara, xataa marka gollaha Wakiilladu ansixiyaan, maadaama la filayo innay aqlabiyad ka baddan mida guurtida ku ansixinayaan, sidaa awgeed baaqa Madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirradu ay u golle xaadhanayaan in Madaxweynuhu ugu danbaynta xeerarka u gudbiyo Maxkamadda Sare ee Dastuuriga si mranku uga si socdo halkaa, isla markaana xukuumadu uga hesho fursad muddo kordhin oo mar kale Madaxweyne Biixi loo kordhiyo muddo xilleedka uu xukunka hayo, balse waxay xaqiiqooyinka iyo qorshayaasha daaha dabadiisa kala cadaan doonaan maalmaha soo socda iyo todobaadyada ama bilaha fooda innagu soo haya oo jihada Somaliland u socoto xaqiijin doona.

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com