#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha Gollaha Wakiillada ayaa saaka fadhigii ay yeesheen ku meel mariyay xeerarka doorashooyinka ee murranka soo noq noqday ka taagnaa, kaddib markii gollaha Guurtidu sidan oo kale cod aqlabiyad sare oo xooggan ku ansixiyeen, iyadoo laga diuulayo heshiiska ay labada golle ka gaadheen murranka ka dhashay ansixintii ugu danbaysay ee labada golle todobaadyo ka hor.

Xildhibaanada gollaha wakiillada ayaa xeerarka doorashooyinka isku lamaan ee Xeer 14 iyo Xeer 91 ku meel mariyay saddex meelood laba meelood 2/3, waxaana lagu ansixiyay 58 xildhibaan oo u codeeyay in xeerarka sida guurtidu ku ansixisay lagu meel mariyo.

Laxidhiidh: #Somaliland Xukuumadda Oo Ka Cadhootay Xeerarka #Doorashooyinka Ee Gollaha Guurtidu Codka Xooggan Ku Ansixiyeen Iyo Dareenka Ka Dhashay

Qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa codaynta xeerarka kaddib warbaahinta kula hadlay barxada hore ee dhismaha labada golle, waxayna tilmaameen sida ay ugu faraxsan yihiin in ay maanta xeerarka oo ay guurtida ka heshiiyeen lagu ansixiyo cod xooggan oo aqlabiyad sare ah.

Guddoomiye ku xoggeenka labaad ee gollaha wakiillada Somaliland, Cali Xaamud Jibriil, ayaa sheegay in ay tirsanayaan muddada 21 maalmood ee Dastuurku awoodda u siiyay Madaxweynaha inuu go’aan kaga gaadho xeerarka ay gollayaashu u gudbiyaan.

Laxidhiidha:  Somaliland; Shirgudoonka Labada Golle Oo Heshiis Ka Gaadhay Khilaafka Xeerarka Doorashooyinka

Laxidhiidha:Somaliland: Guddoomiye Saleebaan Iyo Shirgudoonka Gollaha Wakiillada Oo Ku Kala Cadhooday Kulamadii U Socday Ee Xalka Khilaafka Xeerarka Doorashooyinka

 

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com