Cabsida laga qabo in Ciyaarta Siyaasadeed ee ay isu jiibinayaan Madaxtooyadda iyo shirgudoonka gollaha Guurtidu mar kale Somaliland u horseedo khilaaf Siyaasadeed

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Gollaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Shirgudoonka gollaha Wakiillada Somaliland oo maalmihii u danbeeyay kulamo la doonayay in xal loogu raadiyo murranka xeerarka doorashooyinka ee ay kiciyeen qoraalada ay isu gudbiyeenMadaxweyne Biixi Guddoomiye Saleebaan ayaa lagu kala kacay.

Kulamada Shirgudoonka Wakiillada iyo Guurtida oo ahaa kuwo ka dhashay soo jeedinta xildhibaanada qaarkood ee labada golle, isla markaana laysla qaatay in murranka xeerarka doorashooyinka ee dib usoo cusboonaaday aan loo marrin dariiqa sharciga, balse lagu dhammeeyo xaal mastuur, ayaa noqday kuwo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ku dhammaaday guuldaro, sida ay shabakaddaha wararka ee Araweelo_News_Network ka heshay fadhiyadii u danbeeyay oo ahaa kuwo is jiid-jiid ah, ayaa maanta kusoo gebageboobay gamca madhan iyo natiijo la’aan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay kulamada ku dhammaaday natiijo la’aanta, iyadoo Labada dhinac, sida ay ila wareedyada iyo tbaaxaha laga helay sheegayaan innay kala xanbaarsanaayeen laba aragtiyood, iyadoo shirguddoonka gollaha wakiilladu ku doodayay in xaal-mastuurku aannu noqon mid uga sii dara xaallladda, sidaa awgeed ay Guddoomiye Saleebaan iyo shir-doonkiisa Guurtidu la qaataan in khaladka sharciga baalmarsan ee qoraalka Madaxweynaha iyo qoraalka ka horeeyay ee Guddoomiye Saleebaan oo sababay in mar kale xaararka doorashooyinka la geliyo carqalad marka meel layka dhigo qoraalada shirgudoonka Guurtidu ku qanciyaan Madaxweynuhu inuu saxeexo xeerarka la yaala si loo dhaqangeliyo.

Hase yeeshee sida ay tibaaxeen xoggaha shabakaddaha Araweelo_News_Network ka heshay ila wareedyada ka ag dhow Guddoomiye Saleebaan, ayaa dooda sidaa odhanay ee shirguddoonka gollaha wakiillada ganafka  ku dhuftay, isagoo meesha ka saaray khaladka Dastuuriga ah ee dhacay, waxaana dood dheer kaddib markii lays mariwaayay qolo walba dhankeeda u hulleeshay, iyadoo aan waxba layla meel dhigin, isla markaana lagu kala kacay fadhigii oo gebi ahaanba sidaa ku bur-buray.

Arrintan ayaa u muuqata mid horeba loo saadaalinayay in ciyaarta siyaasadeed ee ay isu jiibinayaan Madaxtooyadda iyo shirgudoonka gollaha Guurtidu mar kale Somaliland u horseedo khilaafkii laga soo kabanayay ee siyaasadeed, kaas oo si weyn u wiiqay amniga iyo yuhuunta bulshada, ka hor intii aannay Odayaasha Salaadiinta qayb ka mid ah Bulshada Somaliland ka keenin xal dhinacyada Siyaasadda lagu qanciyay, isla markaana lagu heshiiyay in la meel mariyo xeerarka doorashooyinka si dalku aannu uga leexin dhabbihii geedi-socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka ee Somaliland kusoo caana maashay, loona ilaaliyo amniga guud iyo wadajirka Bulshada oo yididiilada rajada iyo yuhuuntooda ay dhaawaceen dhibaatooyinka Siyaasadeed iyo muranada dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland.