#Araweelo_News_Nerwork

Hargeysa(ANN)- Shirgudoonka labada golle ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland, ayaa ku heshiiyay qaabka loo maaraynayo Khilaafka ka aloosnaa xeerarka doorashooyinka Somalilad.

Khilaafka oo u dhexeeya labada golle ee Guurtida, Wakiilada iyo Madaxtooyadda. Kaddib markii Guddoomiye Saleebaan Madaxweynaha qoraal kaga dalbay  inuu iska soo celiyo, isagoo ku sababeeyay in xeerarka Gollaha uu guddoomiyaha u yahay ee Gurtidu gudbiyay aannay ahayn kuwo waafaqsan Dastuurka sidaa awgeed kusoo celiyo, iyadoo Madaxweyne Biixi aqbalay dalabka Guddoomiye Saleebaan, isla markaana gollaha guurtida usoo gudbiyay qoraal uu ku sheegayo in xeerarku aannay waafaqsanayn Dastuurka sidaa awgeed, isagoo ka jawaabaya qoraalka uu ku sheegay inuu Xeerarka doorashooyonka kusoo celiyay Gollaha Guurtida.

Hase yeeshee Gollaha Wakiillada ayaa arrintaa ku Tilmaamay mid aan sharci ahayn, waxayna arrintaasi mar kale soo celisay khilaafkii labada golle , balse labada shirgudoon oo kulama arrinta xal loo raadinayo yeeshay, ayaa isku fahmi waayay Xalka, iyagoo ku kala kacay laba kulan oo ay yeesheen, waxayse fadhigii ugu danbeeyay ee ay yeesheen Arbacadii kasoo saareen qoraal ay ku sheegayaan qaabka loo marayo xalinta Khilaafka ee xeerarka.

Qoraalka ay labada Shirgudoon wada jirka usoo saareen ayaa u qornayd sidan:

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com