Ethiopia Iyo Masar Oo Dhibaatooyinka Dhaqaale Ee Hadheeyay Kula Gal-Gashay Isbahaysiga BRICS.

Bilawgii BRICS, Quluqulka Dalalka Aduunka Xiisaha Xubinimada Iyo Bartilmaameedka Isbahaysiga.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

 

#Araweelo_News_Network.

 

Riyadh (ANN)- Dalka Saliida qaniga ku ah ee Sacuudiga ayaa si toos ah ugu biiray xullufadda Isbahaysiga BRICS ee Russia iyo China hoggaaminayaan, kaas oo ah Isbahaysi dhawrkii sannadood ee u danbeeyay qorshihiisa la waday, isla markaana wax weyn ka beddelaya dhaqaaale shaan. Siyaasad ahaan iyo awood ahaan qaabkii dunida isugu xidhnayd iyo jaan goynta hoggaaminta dunida.

 

Isbaheysiga BRICS, ayaa si weyn ugu socda dedaalka la doonayo inuu noqdo mid muuqaal cusub oo dhaqaale iyo siyaasadeed kusoo dabaala aduunka, isla markaana meesha ka saara awoodda dhaqaalle iyo Millateri oo wixii ka danbeeyay burburkii quwadii Soofiyeetka sagaashanaadkii Maraykanku ku amar ku taaglaynayay aduunka, taas oo u ekaatay gumaysi iyo awood sheegasho si weyn loo dareemay, balse xilligan u muuqata mid gabaabsi ah.

Laxidhiidha: Ruushka Iyo Xullufaddiisa BRICS Oo Diyaariyay Qorshayaal Lagu Qaawinayo Siyaasadda Iyo Dhaqaalaha Maraykanka

 

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigganay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee South Afrika Naledi Pamdor ayaa sheegtay in kaddib martiqaadyadii balladhinta ee la bixiyay intii lagu jiray shir-madaxeedka sanadlaha ah ee 2023, Sacuudi Carabiya oo xilligaa si rasmi ah loogu waday innay ku biirto isbahaysiga BRICS. dib u dhac ku yimi, laakiin Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa xaqiijiyay in Dalka Sacuudigu iyo Saddex dal oo  kale ballaadhinta BRICS, si rasmi ah loogu daray, kuwaas oo kala ah, Riyadh, Imaraadka Carabta, Egypt iyo Ethiopia.

 

Horraantii 2024, waxaa bilaabmay walaacyo ku saabsan booska Sacuudi Carabiya ee Isbahaysiga.Dalku waxa uu sheegay in aannu xiligaas wali aqbalin martiqaadka loo fidiyay, welina ay ka fiirsanayaan saamaynta juquraafiyeed ee ka dhalan karta isku dhafka Isbahaysiga.

Hase yeeshee, Pandor ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii ku sheegay in waddanku uu tan iyo markaas xaqiijiyay martiqaadka, balse uu xilligan si dhab ah ugu biiray Isbahaysiga BRICS.

Laxidhiidha: #BRICS: Lix Dal Oo Muhiimad Weyn U Leh Dhaqaalaha Aduunka Oo Lagu Casuumay Shirka Lagu Manjaxaabinyo Siyaasadda Iyo Dhaqaalaha Maraykanka

Hoggaamiyayaasha wadamada BRICS ayaa ku kulmayn Brazil 2023, iyadoo shirmadaxeedka kooxda ee Brazil lagaga hadlay arrimo baddan oo ay ku jiraan qadiyado Caalami ah, iyadoo xilligaa uu bilaabmay dagaalka Qaza ee dunida ruxay, isla markaana wadnaha farta lagaga hayo khatarta amni iyo dhaqaale ee aduunka iyo inuu ku fido gobolka. Sidoo kale, waxa shirmadaxeedkaa lagaga hadlay dagaalka Ukraine iyo mawaadiic kale oo xaasaasi ah.

Waxa xusid muddan in Isbahaysiga oo la aasaasay 2006, ay markii hore yagleeleen Koox hoggaamiyayaal ah, kuwaas oo ahaa Afarta hoggaamiye ee dalalka Brazil, Russia, India iyo Shiinaha, waxaana la qaatay ‘Bric” oo ah xuruufta aasayaasha Isbahaysiga ee Afartaa dal, laakiin sannadkii 2010, waxa ku biirtay South Africa oo noqday dalkii ugu horeeyay ee Qaarada madaw ee Afrika ee ku booray Isbahaysiga, taas oo yididiilo iyo rajo weyn gelisay kooxda, waxaana Isbahaysiga loo bixiyay “BRICS” iyadoo xarafka “S” ee lagu kordhiyay laga soo qaatay South Africa.

 

Wuxuu muddadaa ka danbeeyay waxa sii kordhayay xiisaha ku biirista Isbahaysiga oo soo jiitay dalal baddan oo dunida ah, taas oo sababtay in BRICS, ay hal mar soo codsadaan 34 dal, kuwaas oo soo gudbiyay qoraal ay ku muujinayaan xiisaha ay u hayaan  ku biiritaanka midowga wadamada cusub ee dhaqaalahoodu soo korayo, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Naledi Pandor, balse ma uu magacaabin dalalkaasi kuwa ay yihiin.

.

 

Maalintii Arbacadii toddobaadkan Ruushku waxa uu aqbalay codsiyadaas kaddib markii uu qaatay hoggaaminta kooxda ee guddoomiyaha kooxda ee sanadkan, waxa sidoo kale, xusid muddan in tan iyo markii uu Isbahaysiga BRICS si weyn u ballaadhiyay raadkiisa caalamiga ah billowgii sanadka, ay dalalka Iran, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta ( UAE), Ethiopia iyo Masar ay si rasmi ah ugu biireen, iyagoo xiisaynaya sida dunidu ugu janjeedho geediga Isbahaysiga cusub.

Hase yeeshee waxa jira dalalka qaar ku biititaanka BRICS, aan weli buuxin shuruuddaha looga baahnaa, kuwaas oo la hubinayo, waxaana xusid muddan in Bilyaneerka Naguib Sawiris ee u dhashay dalka Masar ku baaqay in si degdeg ah loo qiimeeyo lacagta Pound-ka Masar si looga fogaado musiibo, wuxuuna dhaleeceeyay dib u dhaca daba dheeraaday ee ku yimi dhaqangelinta qiimo dhaca lacagta Pound-ka ee dalka. Lacagta Pound-ka Masar ayaa hoos u dhac weyn ku yimid suuqyada isbarbar-dhigga, isagoo maalmihii u dambeeyay gaadhay 68-70 doolar halkii dollar, taas oo  ka dhigaysaa in ka baddan 50% daciif ah marka loo eego heerka rasmiga ah, kaas oo taagan 30.9.

Xubinimada Isbahaysiga BRICS, ayaa sii kordhay, iyadoo xiisa weyn loo hayo, kaas oo durba lagu tilmaamay in 70%, dunidu u hayaantay xagga Isbahaysiga, iyadoo toddobaadyadii u danbeeyay la arkayay suuqyada dalal baddan oo waaweyn oo lagu dhejiyay lacagta ay isticmaalayaan dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga ee jaan-goynay suuqyada iyo Sayladdaha caalanka, taas oo meesha ka saaray lacagta dollarka ee haysta suuqyda caalamka, sidoo kale, waxa la sameeyay hay’addo caalami ah oo la doonayo in lagu beddelo kuwii hore.

Waxa xusid muddan in kooxda Isbahaysiga BRICS, sameeyeen Bangiga Horumarinta Cusub (NDB) kaas oo noqonay Bangi horumarineed oo dhinacyo baddan leh oo ay aasaaseen Brazil, Russia, India, China iyo South Africa (BRICS) iyada oo ujeedadu tahay abaabulida agabka kaabayaasha iyo mashaariicda horumarineed ee waara ee suuqyada soo koraya iyo wadamada soo koraya (EMDCs).

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa sii kordhaya walaaca Maraykanku ka qabo lacagta BRICS, taas oo lagu tilmaamay mid haysata fursad ah in la sii daayo 2024.waxaana arrintan loo arkaa guul u soo hoyatay Shiinaha iyo Ruushka, kuwaas oo doonayay in ay dib u qaabeeyaan nidaamka caalamiga ah ee ay u arkaan in uu Maraykanku.

 

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com