#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Mudanayaasha gollaha wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta Isniintii, waxay codka xooggan ee saddex meelood laba meelood (2/3) ku ansiyeen xeerarka doorashooyinka ee gollaha guurtidu dib ugu soo celiyeen, kaddib wax-ka-bedel iyo kaabis ay aqalka Odayaasha oo muddo bilo ah haystay ku sameeyeen.

Xeerarka ayaa ahaa kuwo si weyn loo sugayay, isla markaana khilaaf iyo doodo baddan oo jiitamay ay ka aloosnaayeen muddo dheer, maadaama la’aantood aan jirin dariiq kale oo bannaan dhanka geedi socodka siyaasadda iyo doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa markii la xaadiriyay xildhibaanada, wuxuu weydiiyay gollaha in xeerarka qodob qodob loogu codeeyo wax-ka-bedelka guurtida iyo in duuduub lagu geliyo cod labada xeer midwalba gaarkiisa.

Mudanayasha maddasha fadhiyay, ayaa la weydiiyay codka soo jeedimaha shirgudoonka, waxaana loo batay in labada xeer mid walba sidiisa loogu codeeyo duuduub ee aan qodob qodob loogu codayn wax-ka-bedelka iyo kaabista guurtida.

Xeer L/R14, ayaa gollaha loo weydiiyay cod, waxaana lagu meel mariyay 66 cod, halka xeer 91, ayaa isagana lagu meel mariyay 69 xildhibaan, iyadoo xeerarka la ansixiyay oo si toos ah ugu tegeya Madaxweynaha, isla markaana aan marayn markan gollaha guurtida si wey ay usoo dhoweeyay hoggaamiyayaasha labada xisbi mucaarad iyo in baddan oo ka mid ah bulshada.


#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com