#Araweelo_News_Network.

Qaahira(ANN) – Dalalka Masar iyo Shiinaha ayaa si wadajir ah uga digay khatarta ka dhalan karta haddii Maraykanka iyo Britain sii wadaan weerarrada duqaymaha ee Xuutiyiinta dalka Yemen, waxayna xuseen innay si dhow ula socdaan isbedelada ka socda Badda Cas, iyagoo dhinaca kale ku xusay kulan ay yeesheen innay diirada saarayaan muhiimada ay leedahay xaqiijinta badqabka iyo badbaadinta maraakiibta Badda Cas.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Maalintii Labaad Weerraro Ku Qaaday Xuutiyiinta Yemen

 

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi, oo booqday dalka Masar, ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qaahira, kaddib kulan uu la qaatayMadaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, ayaa ku baaqay in la joojiyo weerarrada lagu hayo maraakiibta rayidka ah ee maraya Badda Cas, inkastoo aannu soo hadal qaadin Xuutiyiinta oo wacad ku maray in aan la marayn marrinka muhiimka ah inta Israel ay shacabka Falastiin ku xsuuqay Qaza dagaalka socday Afarta Bilood ee dhiiga baddan ku daatay oo u dhexeeya Israel oo taageero ka helay Maraykanka iyo Britan iyo Xamaas oo ay taageerto Iran.

Labada masuul waxa ay walaac ka muujiyeen sii balaadhinta colaadda gobolka, iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin dadaallada la doonayo in lagu joojinayo weerarrada ka dhanka ah Qaza, madaama ay arrinta Badda Cas la xidhidiho dagaalka Qaza .

Dhankiisa Shiinaha ayaa si addag u sheegay sida ay Xaaladda Badda Cas u tahay mid ay ka walaacsan yihiin oo aad u sii kordhay dhawaanahan, “Shiinaha aad ayuu uga walaacsan yahay arrintan,” ayuu yidhi Wang.

Laxidhiidha: Dunnida Oo Ka Digtay Weerarrada Maraykanka Iyo UK ee Yemen Iyo Cadhada Ka Dhalatay

Sidaa awgeed wuxuu sheegay in ay ku baaqayaan joojinta hurrinta colaadda iyo waxyaabaha sii kicinaya, “Shiinuhu wuxuu ku baaqayaa in la joojiyo dhibaataynta iyo weerarrada lagu hayo maraakiibta rayidka ah iyo in la ilaaliyo habsami u socodka warshaddaha iyo silsiladaha sahayda caalamiga ah iyo nidaamka ganacsiga caalamiga ah.”

 

Hase yeeshee wuxuu si weyn dhaleecayn dusha uga saaray duqaymaha cirka ee Maraykanka iyo Ingiriisku ku hayaan bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen, Wang waxa uu xusay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay aannu oggolaan tallaabadan oo kale, sidaa awgeed ay tahay mid aan la aqbli karin.

Laxidhiidha: Gollaha Amaanka, Sacuudiga, Turkiga, Iran Ruushka iyo Dalal Kale Oo Ka Digay Duullaanka Maraykanka Iyo Britain ee Yemen

Waa in laga fogaadaa in shidaalka lagu daro dabka xiisaddaha Badda Cas iyo in la kordhiyo khatarta guud ee amniga gobolka,”ayuu yidhi Wang, isaga oo aan magacaabin Maraykanka iyo Ingiriiska.

Wang waxa uu intaa ku daray in iyada oo ay lagama maarmaan tahay in dhammaan dhinacyadu si wada jir ah u ilaaliyaan badbaadada marin-biyoodka Badda Cas si waafaqsan sharciga, haddana waa in la ixtiraamaa madaxbannaanida iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka labada dhinac ee Badda cas oo Yemen ku jirto oo aan lagu xadgudbin.

 

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com