#Araweelo_News_Network.

 

 

Washington (ANN)-Maraykanka ayaa maalintii labaad duqaymo mlilateri ku qaaday gudaha dalka Yemen, isagoo sheegay inuu bartilmaameedyo ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta Yemen la beegsaday weerrada.

Sida laga soo tebiyay Saraakiisha Maraykanka, waxay meelaha ay duqeeyeen ku sheegeen in goobaha la beegsaday ay ahaayeen bartilmaameedyada cusub oo halis ku ah maraakiibta maraysa Badda Cas, wallow aannay sheegin khasaaraha ka dhashay.

Laxidhiidha: Dunnida Oo Ka Digtay Weerarrada Maraykanka Iyo UK ee Yemen Iyo Cadhada Ka Dhalatay

Ciidamada Xuutiyiinta ayaa weerrarada toddobaadyadii la soo dhaafay tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Qaza ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas ay ku qaadeen Badda Cas waxay haliyeen isu socodka gaadiidka isaga gudba dinida, taas oo khalkhal gelisay dhaqaalaha iyo amniga aduunka.

Hogaamiyayaasha Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray in ay ka aargoosan doonaan weerraradaa, waxayna ku hanjabeen innay Maraykanka iyo Xullufaddiisu dhadhamin doonaan qadhaadh aannay kasoo waaqsan, sidoo kale, waxay ku hanjabeen in aannay joojinayn hawlgalada ciidamada Yemen ku beegsanaayan Maraakiibta Israel iyo kuwa taageera.

Laxidhiidha: Gollaha Amaanka, Sacuudiga, Turkiga, Iran Ruushka iyo Dalal Kale Oo Ka Digay Duullaanka Maraykanka Iyo Britain ee Yemen

Xuutiyiintu waxay hore u sheegeen in sababta ay marrinka Badda Cas cidhiidhiga u geliyeen ee ay u afduubayaan Maraakiibta Israel ay tahay duulaanka Israel ee Qaza iyo xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiin, sidaa awgeed ay ugu hiilinayaan Xamaas jihaadka ay kula jirto Israel weerrarada gantaalaha iyo diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee ay marar baddan dhinaca Israel u direen iyo innay Badda Cas geliyaan cidhiidhi si dunidu u dareento dhibaatada Israel ku hayso shacabka Falastiin.

Dhinaca kale, waxa si weyn loo canbaareeyay hawlgalada Maraykanka iyo Britain ee Yemen, kuwaas oo lagu macneeyay kuwo xaalladda uga sii dari kara, iyadoo ay weerraradii ay wadajirka ugu qaadeen Britain iyo Maraykanku ay la kulmeen canbaarayn caalami ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com