Gollaha Amaanka, Sacuudiga, Turkiga, Iran Ruushka iyo Dalal Kale Oo Ka Digay Duullaanka Maraykanka Iyo Britain ee Yemen

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

#Araweelo_News_Network.

 

#Yemen , Sana’a (ANN)- Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa weerarro isdaba joog ah ku qaaday dalka Yemen, kuwaas oo ka dhan ah fallaagada Xuutiyiinta ee xullafadda la ah Iran ee ka taliya Yemen.

Weerarrada Maraykanka iyo UK waxa lagumacneeyay kuwo jawaab u ah beegsiga Maraakiibta Badda Cas ee Xuutiyiintu ku bartilmaameedsadeen maraakiibta caalamiga ah ee mara Badda Cas, laakiin tallaabada Maraykanka iyo UK ayaa si weyn u abuurtay walaac, iyadoo guddaha dalka Yemen isu soo baxyo canbaarayn ah oo lagaga soo horjeeda weerarrada Maraykanka iyo UK ay ka dhaceen magaalooyon baddan.

Xuutiyiinta, oo taageera kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, ayaa weerarrada ku tilmaamay kuwo waxashnimo ah, waxayna bayaan ay soo saareen Jimcihii, ku hanjabeen in “dhammaan dannaha Maraykanka, iyo UK ay noqdeen ‘bartilmaameedyo sharci ah'”.

Waxay kaloo wacad ku mareen innay sii wadi doonaan beegsiga maraakiibta xidhiidhka la leh Israel ee isku daya innay maraan Badda Cas iyo marrinka ahmiyada weyn ee BeBab-el-Mandeb oo isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas,kaas oo bixiya jidka ugu gaaban ee isku xidha Aasiya iyo Yurub, laakiin ay saamayn weyn ku yeeshay dagaalka Qaza ee u dhexeeya Israel iyo Xuutiyiinta.

Mujtamaca aduunka iyo dalal baddan ayaa ka falcelisay weerarrada Maraykanka iyo UK ee lagu bartilmaameedsaday Xuutiyiinta Yemen, taas oo noqonay falcelinta caalamiga ah ee ugu danbaysay oo lagaga hadlay  xiisadda ugu dambeysay ee gobolka.

Dhinaca dalka Yemen, Kumanaan qofa yaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Yemen saacado kaddib markii Maraykanka iyo UK ay duqeeyeen fadhiisimaha Xuutiyiinta

In kasta wararka ka imanaya Yemen, ay sheegayaan in isu soo baxu uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay, laakiin afhayeen u hadlay Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay tahay fariin ku socota Britain iyo Maraykanku, isagoo yidhi, “waxay qiimo weyn ku bixin doonaan gardarradan”

Sidoo kale, Xuutiyiinta ayaa ballan qaaday innay sii wadi doonaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ku sugan Badda cas, wallow ciidamada Badda ee Britain ay sheegeen innay baadhayaan wararka sheegaya in gantaal lagu soo riday markab marayay magaalada Cadan Jimcihii.

Duqeymo cirka iyo Badda ah oo habeen hore Millateriga ay fuliyeen ayaa lagu beegsaday 16 goobood oo Xuuthiyiinta oo ay ku jiraan xarumaha taliska, bakhaarada rasaasta iyo nidaamka difaaca hawada, sida uu sheegay Maraykanku, wallow aannay jirin caddaymo muujinaya sheegashada Washington.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in tallaabadani ay ilaalin doonto isu socodka xorta ah ee ganacsiga caalamiga ah, laakiin waxa jirta canbaarayn kasoo horjeeda oo ku tilmaamay tallaabadan mid xaalladda uga sii daray,isla markaana si cad dabka ugu sii hurinay cadhada laga qabo dagaalka Israel iyo Xamaas ee socday dhawrka bilood, iyadoo Xuutiyiintu hawlgalada Maraakiibta lagu ugaadhsanayo sabab uga dhigeen dhibaatada iyo Xasuuqa Qaza ee shacabka Falastiin lagu hayo tan iyo bilawgii dagaalka Oct 2023.

Ra’iisal wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa sheegay in shaqo joojintu ay ahaayeen “mid xadidan, lama huraan ah oo tallaabo u dhiganta is-difaaca”

Dhankiisa Hoggaamiyaha shaqaalaha Sir Keir Starmer ayaa taageeray tallaabada, laakiin qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ayaa sheegaya in baarlamaanka Britain dib loogu yeedho si uu uga doodo arrintan iyo cawaaqibka ay keenayso.

Iran, Ruushka, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa cambaareeyay falkan Millateri iyadoo madaxweyne Erdogan uu ku tilmaamay mid aan la jaan-qaadi karin waaqica iyo wacyiga gobolka, sidoo kale,  Sacuudi Carabiya ayaa ku baaqday in la is xakameeyo si looga jawaabo duqaymaha Maraykanka iyo UK ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga muujiyay walaac duqaymaha Maraykanka iyo UK, ee Yemen, waxaana kulan ka yeeshay gollaha Amaanka oo u maara waayay dagaalka Qaza, iyadoo Israel dhegaha ka furaysatay gebi ahaanba qaraarada gollaha amaanka, kuwa gollaha loo dhanyahay iyo dawlladdaha aduunka.

Boqortooyada Riyadh, waxay si badheedh ah ugu baaqday in la xakameeyo oo laga fogaado “in ay sii xumaato xaalladdu” marka la eego duqaymaha Cirka ah ee ay bilaabeen Maraykanka iyo Britain ee ka dhanka ah goobaha loo tuhmay kuwo xidhiidh la leh dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen.

 

Sacuudi Carabiya, ayaa heshiis la qaadatay Xuutiyiinta, kaddib dagaal sannado uu Sacuudigu hoggaaminayay oo ay kula jirtay  Xuutiyiinta Yemen kaddib markii ay Xullufadda uu Sacuudigu hoggaaminayay oo teegeero ka helayay Maraykanka iyo dawllado kale oo waaweyn ku guuldaraysteen in meesha laga saaro xukunka Xuutiyiinta ee Yemen, wuxuuna olole duqeymo ah oo sannado socday ku dhammaaday heshiis, iyadoo Riyadh  si dhow ula socotay xaaladda, sidaa awgeed ay walaac weyn ka qabto tallaabada Maraykanka iyo UK sidaa ayay wasaaraddeeda arrimaha dibadda ku sheegtay hadal ay soo saartay.

 

“Boqortooyadu waxay xoogga saaraysaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida gobolka Badda Cas, maadaama xorriyadda socdaalka ee ku jirta ay tahay baahi caalami ah,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Riyadh ku sheegtay bayaan ay kaga hadashay arrintan.

Dhinaca kale, waxay arrintan kusoo beegantay, iyadoo Iran Khamiistii qabsatay Markab siday Saliid ceedhiin oo laga keenay dalka Ciraaq, kaas oo ku wajahnaa dalka Turkiga, iyada oo ka aargoosanaysa la wareegitaanka markabkaas iyo Saliidda Maraykanku sannadkii hore la wareegay, warbaahinta dawladda Iran ayaa sheegtay in ay tahay aargudasho, iyadoo ay sii kacayaan xiisaddaha gobolka Bariga Dhexe.

Qabsashada Markabka Jasiiradaha Marshall ee St Nikolas oo ka babanaya ayaa sidoo kale, kusoo beegmaya iyada oo toddobaadyadii u danbeeyay sii kordhayaan weerarrada ay Badda Cas ka gaysanayeen maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ee ka taliya inta baddan dalka Yemen, weerarrada oo lagu bartilmaameedsaday marinnada maraakiibta ee Badda Cas.

Markab St Nikolas ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciiddamadda Badda Iran subaxnimadii Khamiista, waxa lagu qabtay awaamiir maxkamadeed, waxa uu ku sii jeeddaa dekeddaha Iran,” ayaa lagu yidhi wakaaladda wararka ee Fars ee ciidamadda Badda.

Washington, Pentagon-ka ayaa dhamkeeda sheegtay in ciidamadda Iran ay si sharci darro ah u fuuleen hawlgalka  Markabka St Nikolas ee gacanka Cumaan kaddibna ay ku qasbeen innay beddelaan jihada ku waajahan dhul-badeedka Iran.

Aqalka Cad ayaa cambaareeyay qabsashada Markabka, ayaa yidhi, “Ma jirto wax cudurdaar ah oo lagu qabto, midna. waxay u baahan yihiin innay sii daayaan,” ayuu yidhi Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com