#Araweelo_News_Network.

 

 

Hargeysa(ANN)- Dalladda Ururrada Siyaasadda Somaliland, ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood, waxayna soo saareen baaq isugu jira canbaarayn iyo soo jeedin.

Qoraalka Dalladda Ururrada Siyaasadda Somaliland soo saartay, ayaa lagu muujiyay dhawr qodob oo ay kusoo ururiyeen mawqifkooda ku waajahan xaaladda Laascaanood.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay maanta Dalllada ay ku kulmeen Urrurada Siyaasadda, ayaa lagu yidhi, “Shir ballaadhan oo ay Maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 7-03-2023 ay isugu yimaadeen dallada urur Siyaasadeed-yada jsl oo ka qabsoomey Mega Plaza Hotel, Hargeysa ayaa waxa goobjoog ka ahaa dhamaan 10ka Urur Siyaasadeed ee dalladu ka kooban tahay.

 

 

Waxa halkaa lagu qaada-dhigay, si weyna loogu falanqeeyay duruufaha dalku ku jiro wakhtigan iyo gaar ahaan dagaalka Laascaanood. Dood dheer kaddib, Dalladda Ururradu waxay si wadajir ah u soo saareen Qodobbada hoos ku xusan:

 

1) Dalladda Ururradu waxay aaminsan yihiin in dhulka Jamhuuriyadda Somaliland yahay Muqaddas, sida ku qoran Dastuurka guud ee Qaranka Qodobka 2aad Faqradihiisa 1, 2 iyo 3, oo ah sidan: ‘’1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay Bed (Area) ahaan dalkii la odhan jiray Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8o ilaa 11o 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42’ 45′ ilaa 49’ Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga, jasiiradaha, Biyaha gobolleed, dhulka iyo Baddaha hoostooda, Hawadda sare iyo xeeblayda (Continental shelf).

2- Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.

3- Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

4) Dallada Ururadu Waxay aaminsan yihiin in taako iyo talaabo ka tirsan dhulka qaranka aan gor-gortan laga geli karin.

5) Dallada Ururradu waxay aaminsanyihiin, in aanay xal iyo maangal midna ahayn in la isku dagaalo Magaalo cammiran oo carruur, dad waayeel ah iyo Haween joogo iyadoo la wada hadli karo, oo la iskana qancin karo wax kasta oo la kala tabanayo.

6) Dalladda Ururradu waxay ugu baaqayaan dawladda Federaalka Soomaaliya, inay caddeeyaan mawqifkooda General-da Ciidankooda ee hurinaya kana mid ka ah Colaadda iyo dagaalka Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiin Taliyihi hore ee Booliska Soomaaliya, Taliyihi Ciidammada Badda iyo Taliyihii Ciidammada Dhulka.

7) Dalladda Ururradu waxay sidoo kale ugu baaqayaan dawladda Jamhuuriyadda Kenya, inay caddeeyaan mawqifkooda masuuliyiin sare oo ka mid ah dawladooda, oo si badheedh ah u hurrinaya colaadda Laascanood, dadka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland wadajirkoodana burburinaya, kuwaas oo uu ka mid yahay Ku xigeenka Afhayeenkii hore ee Barlamaanka Kenya.

8) Ururrada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay ugu baaqayaan Xukuumadda, ganacsatada, Hay’addaha samafalka ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah in taakulooyin degdeg ah la gaadhsiiyo Muwaaddiniinta ka barakacay magaalada Laascanood.

9) Ugu danbayn Dalladda Ururradu waxay cod dheer ugu baaqaysaa Xukuumadda, Gollayaasha sharci-dejinta, Culimadda, Ganacsatadda, Madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo saaxiibbada Somaliland in la is garab taago Ciidammada Qaranka ee ka hortaagan kana daafacaya xoogagga huwanta ah ee raba inay dab ku shidaan guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika iyo gaar ahaan magaaladda Laascaanood.”ayaa lagu yidhi, warka qoraalka ah oo uu ku saxeexanaa Eng. Xamse Xasan Axmed oo ah Xoghayaha iyo Xidhiidhiyaha Dalladda Ururrada Siyaasadda Somaliland.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com