#Araweelo_News_Network.

Moscow(ANN)- Ruushka, ayaa qirtay in Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan milletariga Ruushka ayaa lagu dilay bariga Ukraine, wasaaradda gaashaandhigga ee Moscow ayaa sheegtay Axaddii, iyadoo  arrintan kusoo beegantay xilli ay Kyiv  ballan qaaday in weerarkeeda rogaal-celiska ah ee muddada dheer la sugayay ay ku xorayn doonto goobaha la haysto ee Ukraine.

 

Saraakiisha Ruushka ayaa bayaan ay soo saareen Axaddii  ku sheegay in ay iska caabinayaan weerarrada Ukraine ee agagaarka magaalada lagu muransan yahay ee Bakhmut. Laakin waxay qireen in hoggaamiyayaasha ugu sareeya ciidamada ay ka mid yihiin dadka ku dhintay safafkooda.

 

“Taliyaha guutada 4aad ee qoriga mootada, Kornayl Vyacheslav Makarov, ayaa si shakhsi ah u hoggaaminayay dagaalka,” ayay wasaaraddu tidhi. “Iyadoo la iska caabinayo weerar saddexaad, taliyaha guutada ayaa si xun loo dhaawacay wuxuuna dhintay intii lagu jiray daad gureynta goobta dagaalka.”ayaa lagu yidhi.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay  in Taliye ku-xigeenka ciidamada, Colonel Yevgeny Brovko, ayaa sidoo kale la dilay, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Ruushka.

Shir madaxeed ka dhacay magaalada Berlin subaxnimadii Axadda, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ciidamadiisu ay dhigayaan gogosha weerar culus. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu beeniyay eeddeymo isdaba joog ah oo dhawaanahan soo baxay, kuwaas oo ahaa in Kyiv uu doonayo in uu duqeeyo ciidamada Ruushka ee gudaha dalka deriska la ah.

 

“Waqti iyo xoog toona ma lihin oo aan ku weerari karno ciidda Ruushka],” ayuu yidhi, “ma haysanno hub aan ka badbaadno oo aan tan ku samayn karno.”

“Waxaan u diyaarineynaa weerar rogaal celis ah meelaha sida sharci darada ah lagu haysto iyadoo lagu salaynayo xuduudaheena sharciga ah ee dastuuriga ah, kuwaas oo si caalami ah loo aqoonsan yahay,” ayuu hogaamiyaha Ukraine ku daray.

 

Ukraine ayaa sheegtay in ay guulo dhuleed ah maalmihii ugu dambeeyay ka gaadhay agagaarka Bakhmut, oo ay ka dhacayeen dagaallo qadhaadh muddo ka baddan toddoba bilood.

 

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com