#Araweelo_News_Network.

 

Erdogan Oo Lumiyay Aqlabiyada Natiijooyinka Hordhaca Ah Ee Doorashooyinka Sida Adag Loogu Dagaalamay

Ankara(ANN)-Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya in Erdogan uu lumiyay aqlabiyadda doorashadii sida adag loogu dagaalamay, iyadoo la saadaalinayo inay suurtagal tahay in wareeg labaad la galo.

 

Erdogan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray codsi uu taageerayaashiisa kaga codsaday “inay joogaan sanaadiiqda cod bixinta, dhib malaha ilaa inta natiijada si rasmi ah lasoo gabagabeynayo”.ayuu yidhi.

 

 

“Wallow doorashadu ay ku dhacday jawi wanaagsan oo dimuqraadi ah, tirinta codadkana ay weli socoto, isku dayga in lagu dhawaaqo natiijada si degdeg ah waxay la macno tahay xad-gudubka rabitaanka qaranka,” ayuu Erdogan ku soo qoray Twitter-ka.

Laxidhiidha: Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashooyinka Turkiga

Can Selcuki, oo ah maamulaha xarunta cilmi baadhista ee Istanbul ayaa u sheegay Becky Anderson oo ka tirsan CNN,  in ay u badan tahay in qulqulatooyin ay ka dhacaan natiijada doorashada.

 

 

“Waxaan u maleynayaa in tani ay noqon doonto tartanka qoorta, ama luqunta layskaga maran yahay,” ayuu yidhi. “Aad ayay u badan tahay in aannu dhammaanin wareegga koowaad ,  taasi waa waxa ay u egtahay.”

 

Murrashaxa guulaystaa waa in uu ku badiyaa 50% codadka doorashada dhacday 14 May 2023, Haddii kale Turkigu wuxuu u gudbi doonaa wareegga labaad ee marka la gaadho May 28 2023.

Laxidhiidha: Codbixinta Doorashooyinka Turkiga Oo Kusoo Dhammaatay Loollan Laysku Cidhiidhyay

Horaantii Axadii, duqa magaalada Ankara Mansur Yavas, oo ah murrashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee isbahaysiga mucaaradka ugu weyn ee Nation Alliance, ayaa ku tartamay natiijada Anadolu, isaga oo sheegay in wakaaladdu tahay mid aan la isku halayn karin. Waxa uu intaa ku daray in xogta mucaaradka ay muujineyso in Kilicdaroglu uu ka horreeyo Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo ninka la tartamaya midkoodna uma eka in ay heleen 50% codadka si uu ugu guuleysto doorashada, natiijada doorashada hordhaca ah ayaa muujisay, taas oo sare u qaadaysa rajada laga qabo in wareeg labaad la qabto.

 

Wakaalada wararka ee Anadolu ayaa dhankeeda sheegtay in saadaasha lagu saleeyay 90.54% codadkii la tiriyay, taasoo muujinaysa in Erdogan uu helay 49.86% codadka, halka musharaxa ugu weyn mucaaradka Kemal Kilicdaroglu uu helay 44.38%,.

 

Murrashaxa saddexaad ee Sinan Ogan ayaa helay 5.30% codadkii la dhiibtay, sida ay sheegtay Anadolu, oo ah  wakaaladda wararka ee Turkiga, taasoo sare u qaadaysa suurtogalnimada inuu ku noqdo wareeg labaad. Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in codbixin labaad ay tahay “mid aad macquul u ah,” iyo in “wadaniyiintaTurkiga iyo Ataturku ay door muhiim ah ku leeyihiin doorashadan.”

Tartanka dhacay Axaddii maanta, ayaa caqabada ugu weyn ku ahaa hoggaamiyaha awooda badan ee Turkiga. Waxa uu wajahayaa dabaylo dhaqaale iyo dhaleecayn ah, waxayna arrimaha sida weyn u saamyeeyay noqonayaan dhulgariirkii ba’naa ee 6 February 2023, ayaa uga sii daray xaaladda, taas oo xilligan doorashada noqotay caqada ugu weyn ee uu la kulamay Erdogan, kontarool la’aanta dhismayaasha jilicsanaa iyo dadaalka samatabbixinta oo noqday mid gaabis ah.

Codbixinta 64 milyan ee xaqa u leh inay codeeyaan ayaa weli la tirinayay lix saacadood kaddib markii goobaha codbixinta la xidhay dalka oo dhan.

 

Markii ugu horeysay, mucaaradka Turkiga ee isbaheysiga ah ayaa ku bahoobay hal musharax, oo ay ku midaysan yihiin, kaas oo ah Kilicdaroglu, oo matalaya isbaheysiga doorashada ee lix xisbi oo mucaarad ah, waxaana la saadaalinayaa inay wareeg labaad wada galaan Erdogan.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com