#Araweelo_News_Network.

Kyiv(ANN)-Gollaha Amaanka ayaa kulan degdeg ah ka yeeshay masiibadda dhaamka kaydka Biyaha ee ugu weynaa Ukraine oo sababay masiibo bina’aadanimo, isla maraana geystay khasaare in kumaan guri ay ka cararaan dadkii ku noolaa oo laga daadgureeyo si looga samatabixiyo masiibadaa,  iyadoo lagu qiyaasay in Biyuhu socanayaan muddo tobban maalmood ah.

Laxidhiidha: Ukraine: Burburinta Ruushka Ee Duqaynta Saldhiga Dhulka Hoostiisa Ee NATO Iyo Difaaca Gantaalaha Ee Reer Galbeedka

Biyo xidheenka oo ah ka ugu weyndalka Ukraine ayaa ku yaal Kherson, waxaan laga cabsi qabaa in Heerarka biyuhu kor u kacaan dhawr mitir oo kale (qiyaastii 3 Fiit). BIya xidheenka ayaa jabay Salaasadii, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn sababta.

Laxidhiidha: Ukraine: Maxaabiista Bakhmut Oo Ruushku Sii Daayay

Arbacadii maanta ayaa kumanaan dad ah laga daadgureeyay meelaha ay gaadheen Biyaha,  kaddib burburkii biyo xidheenka Kakhovka, masuuliyiinta Ukraine ayaa saadaaliyay khatar weyn iyo saamayn ballaadhan inuu ku yeelan doono nollosha . Iyadoo kor u kaca heerarka biyuhu ay qarqin doonaan meelo baddan oo hoose oo ku yaal kaydadka Bangiyada ee webiga Dnieper.

Laxidhiidha: Hoggaamiyaha Calooshoood U Shaqaystayaa Wagner Oo Ka Digay Khatarta Ruushka Kaga Iman Karta Dagaalka Ukraine

Warbaahinta dowladda Ruushka ayaa sheegtay in daadadku socon karaan ilaa 10 maalmood gobolka Kherson.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa ku eeddeeyay Ruushka inay si ula kac ah u burburiyeen biyo-xidheenka, balse Kremlin-ka ay dhanlooda iyaguna ku eeddeeyay jebinta duqeymaha inay sababtay Kyiv. “Burburinta mid ka mid ah kaydadka biyaha ee ugu weyn Ukraine waa mid si ula kac ah loo sameeyay “ayuu yidhi, Zelenskyy.

Laxidhiidha: Bakhmut waxa Lagu Dilay  20,000 oo Wagner ah iyo 50,000 oo Ukraine Ah.

“Boqolaal kun oo qof ayaa ka tegay guryahooda iyaga oo aan si caadi ah u helin biyo la cabbo,” Zelenskyy ayaa ku qoray fariinta Telegram.

Maamulka uu Ruushku sameeyay ee Kherson, ayaa soo roggay xaalad degdeg ah, halkaas oo ah maamulka qaybta uu Ruushka la wareegay ee gobolka. Laakiin dhinaca ay maamulaan Ukraine ee Kherson ugu yaraan 1,582 guri ayaa daadadku soo rogmaday, ilaa 1,457 qofna waa la daadgureeyay xalay, sida uu sheegay Badhasaabka, Oleksandr Prokudin.

Laxidhiidha: Hoggaamiyaha Dagaalyahanka Wagner Oo Ku Hanjabay Inay Ka Baxayaan Magaalada Dhiiga Baddan Ku Daatay Ee Bakhmut

Saraakiisha Ruushka, Ukraine iyo Qaramada Midoobay ayaa sheegay in khasaaraha uu qaadan doono maalmo si loo qiimeeyo waxayna ka digeen muddo dheer oo soo kabasho ah.

Laxidhiidha: Ruushka Oo La Wareegay Magaalada Ahmiyada Weyn U Leh Dagaalka Ee Bakhmut

Madaxa gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa u sheegay Gollaha Ammaanka in jebinta biyo xidheenka “ay yeelan doonto cawaaqib xun iyo ciqaab oo ay si xun u saamaynay dhibaatadu  kumanaan qof oo ku nool koonfurta Ukraine ee labada dhinac ee safka hore ee dagaalka, iyadoo la waayayo guryo, cunto, biyo nadiif ah, iyo hab-nololeed. ”

Sidoo kale, wuxuu sheegay Martin in baaxadda masiibada si buuxda loo xaqiijin doono maalmaha soo socda, isla markaana warbixin rasmi ah laga soo saari doono.

Laxidhiidha: Ruushka Oo Ciidamo Hor Leh Geeyay Magaaalad Bakhmut Ee Noqotay Alleppo

Biya xidheenka Kherson ayaa loo isticmaalayay Beeraha, Laydhka, Cabitaanka Biyaha iyo xarunta Zaporzhzhia ee Nukliyeerka, waxaana laga cabsi qabaan in dhibaatooyin ka baddan inta la saadaaliyay ka dhashaan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com