#Araweelo_News_Nerwork.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha gollaha wakiillada Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa si kulul uga jawaabay qoraal kasoo baxay maanta Maxkamadda sare iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta qaranka.

Qoraalada Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda sare, ayaa la xidhiidhay nuxur ahaan kuwo tilmaamaya dacwad ka dhan ah Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, iyadoo xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda sare dalbadeen in xilka laga qaado guddoomiyaha si dacwad loogu ooggo.

Hase yeeshee Guddoomiye Cabdirisaaq, wuxuu jawaab degdeg ah ka bixiyay dalabka Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda sare, wuxuuna qoraal kooban oo jawaab u ah arrintaa kaga hadlay soo dhigay bartiisa Facebook.

Laxidhiidha: Somaliland: Xeer-ilaalinta Qaranka Oo Dacwad Ku Ooggay Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif

“Qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare wax qiime sharci ah malaha, wuxuuna baalmarsanayahay dastuurka dalka iyo dhammaan xeerarka dhaqangalka ah, mana mudna inaan ka jawaabo, waa arrin jawaabteedu u taallo guud ahaan gollaha Baarlamaanka (Wakiilladda iyo Guurtida), ee awoodahooda  iyo xasaanadooda lagu xadgudbay.” Ayuu qoraalka jawaabta ah ku yidhi, Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Laxidhiidha: Maxkamadda Sare Maxay Ka Tidhi Arjiga Dacwadda Guddoomiye Khaliif

Dhinaca kale, qoraalka maxakamadda sare iyo xeer-ilaalinta ayaa si weyn loo duray, iyadoo si gaar ah farta loogu fiiqay qoraalka Maxkamadda sare, kaas oo dadka ku xeel-dheer shuruucda iyo qawaaniinta dalku ku macneeyeen mid uu ka muuqday degdeg iyo faham la’aan dhanka awooddaha dastuuriga iyo xeerarka dalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com