Maxkamadda Sare Maxay Ka Tidhi Arjiga Dacwadda Guddoomiye Khaliif

#Araweelo_News_Network

 

Hargeysa(ANN)-Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gudbisay dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha gollaha wakiilladda Somaliland, Cabdirisaaq Khaliif oo muddooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanaa arrinta dagaalka Laascaanood.

ALt: "Xayaan" Araweelo News

Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Image File, Araweelo News Network, 6 Jun 2023.

Guddoomiye Khaliif, ayaa ka mid ahaa masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo kasoo jeeda deegaankaa, kuwaas oo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool u tegey bilawgii isku day la doonayay in xal loogu helo xiisaddaa oo markii danbe isu beddeshay collaad dhiig baddan ku daatay.

 

Hase yeeshee, Guddoomiye Khaliif, ayaan kusoo laaban Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, isagoo mudadaa sheegay inuu la daareen yahay dadkiisa, balse ma caddayn inuu xilka Guddoomiyaha gollaha wakiillada Somaliland iska casilay, amma mawqifkiisii qaranimada Somaliland beddelay, isagoo ka baaqsaday inuu kasoo xaadiro xilka iyo masuuliyadda hoggaaminta sharci-dejinta gollaha wakiillada ee uu guddoomiyaha u ahaa.

 

 

Doodo baddan iyo hadalhayn ayaa ka taagnaa safarada Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif iyo maqnaanshihiisa hawsha uu qaranka u hayay, balse  Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa u gudbiyay Maxkamadda Dastuuriga ah arji dacwad oogis Dastuur jabin ah, kaas oo lidi ku ah Guddoomiyaha Golalha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

 

Qoraalka Xeer-ilaalinta oo sida ka muuqata waraaqaha dukumeentiga ku taariikhaysan 01/06/2023, ayaa gaadhay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga 04/06/2023, sida ay qoraal ay baahisay Maxkamadda Sare baahisay.

 

Sidoo kale, Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa maanta qoraal ku taariikhaysan 06\06\2023 u gudbisay Gollaha Wakiillada, kaas oo ay ku dalbanayso in la gaadhsiiyo dacwadda Dastuuriga ah ee sumadeedu tahay MS/GD/02/2023.

 

Dacwada oo lidi ah Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada, Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa sidoo kale u dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada nuqul kamid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, taas oo ay kaga dalbanayso in uu kaga soo jawaabo 7 cisho gudahood, oo ka bilaabmaya taariikhda maanta 06 bisha Juun ee sannadka 2023, kuna eg 13 2023.

Lama ogga jawaabta uu Guddoomiye Khaliif ka bixinayo iyo jawaabta gollaha wakiilladu ka bixin doonaan dacwada lidka ku ah Guddoomiyahooda, balse hadddii aannay Xeer-ilaalintu golle weynaha ka helin oggolaansho in marka hore xasaanadda laga xayuubiyo guddoomiyaha sida uu dhigayo Dastuurku waxay noqonaysaa mid aan meel marrin, wallow ay durba soo baxayaan doodo dhinaca sharciga ah oo ka muujinaya saluug qaabka iyo dariiqa ay xeer-ilaalinta iyo maxkamdda sare u mareen.

 

Dacwadda xeer-ilaalintu ka gudbisay Guddoomiyaha Gollaha wakiillada, ayaa noqonay tii u horaysay ee nooceeda ah 32 sannadood oo ay Somaliland jirtay masuul derejadaa ka haya dalka, isla markaana ah qofka saddexaad ee qaranka laga gudbiyo, wallow gollihii wakiillada ee hore 2001. ku gacansaydheen dalab uga yimi xeer-ilaalinta oo ahaa in xildhibaan ka tirsanaa gollaha wakiillada xasaanadda laga qaado si dacwad loogu ooggo, balse gollihii xilligaa ayaa gebi ahaanba diiday in ay aqbalaan dalabka xeer-ilalinta.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com