#Araweelo_News_Network.

Washington(ANN)-Xukuumadda Maraykanka, ayaa si weyn uga cadhootay tallaabo uu qaaday Shiinuhu, taas oo saacadihii u danbeeyay cirka ku shareertay xiisadda u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

ALt: "Araweelo News"

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo si dhow uga hor gudbaya maraakiibta Maraykanka ee wax burburisa ee mara marin biyoodka Taiwan Strait, image Araweelo News Network, 6 May 2023.

Arrinta ayaa ka dhalatay, kaddib markii Ciidamada Badda ee Maraykanku soo bandhigeen muuqaal cabsi weyn iyo argagax abuuray oo sababay in warbaahinta laysu mariyo weedho kulul iyo hanjabaado ay is dhaafsanayeen saacaddihii lasoo dhaafay Washington iyo Beijing.

Muuqaalka ay soo bandhigeen ciidamada Badda ee Maraykanka, ayaa muujinaya markab dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo si dhow uga hor gudbaya maraakiibta Maraykanka ee wax burburisa ee mara marin biyoodka xiisaddu ka taagan tahay ee Taiwan Strait ee dhaca Koonfurta Shiinaha.

ALt: "Araweelo News"

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo si dhow uga hor gudbaya maraakiibta Maraykanka ee wax burburisa ee mara marin biyoodka Taiwan Strait, image Araweelo News Network, 6 May 2023.

Dhacdadan ka dhacday marin biyoodka Taiwan, wuxuu Maraykanku u ku tilmaamay mid aan ammaan ahayn, oo daandaasi ah, waxayna ku soo beegantay xilli uu sii xumaanayo xidhiidhka ka dhaxeeya Washington iyo Beijing.

Labada xukuumadood, waxay warbaahinta isu marinayeen saacadihii u danbeeyay weedho kulul oo xanaf leh.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com