Hargeysa(ANN)-Shirkaddaha ka ganacsada Qaadka iyo Diglayaasha, ayaa bilaabay qorshe ay ku dhabar-jebinayaan dhaqaalaha qaranka xilli uu qaranku ku jiro dagaalka Laascaanood ee sida weyn u taabtay dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dawladda.

Qaadku wuxuu ka mid yahay ilaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee dakhliga dawladdu ku tiirsanyahay, kaas oo marka dhinaca kale laga istaago xaalufiya dhaqaalaha dalka, maadaama oo malaayiin dollar oo lacagta addag ah uu ka saaro dalka, isla markaana lacagtaasu, iyadoo aan waxba lagu beddelan oo cadaan ah u gudubto sannad kasta dhinaca dalka Ethiopia ee qaadku uga yimaado Somaliland.

Xukuumadda Somaliland, ayaa horaantii sannadkii hore January 2020 kordhisay qiimaha charuurta qaadka, iyadoo ay cabasho ka muujiyeen shirkaddaha qaadka kasoo waarida dalka Ethiopia, kuwaas oo ku doodayay in dhinaca dalka Ethiopia sidaa oo kale xukuumadda dalka Ethiopia ugu kordhisay cashuurta, balse horaantii  sannadkan January, 2023, waxay wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Somaliland dhintay cashuurta hore loogu kordhiyay qaadka ka yimaada dalka Ethiopia, halka ay kordhisay tacriifada lagu cashuuro qaadka dhanka Kenya oo aan isagu ahayn mid xaddigiisu ku dhowyahay qaadka kasoo gala Somaliland dhinaca Ethiopia .

Sidoo kale, xukuumadda Ethiopia ayaa dhintay xilligaa cashuurta ay hore ugu kordhisay qaadka laga soo dhoofiyo dalkeeda ee dhinaca  Somaliland usoo gudbaya, waxayna ku celisay qiimaha tacriifada halkii hore.

Hase yeeshee, markii ay bilaabantay xiisadda magaalada Laascaanood oo ku beegan xilliga qiimaha tacriifada qaadka lagu celiyay halkii hore, waxay shirkaddaha qaadka iyo kooxaha diglayaasha loo yaqaan bilaabeen qorshayaal ay doonayaan inay cashuurta ku waajibtay ee qaadka kala baxsadaan Kastamada iyo marinada sharciga ah ee cashuurta ku waajibtay, iyagoo qaab tuuga ah inta baddan kusoo gelinaya qaadka soo gala dalka ee ka imanaya dalka Ethiopia.

Tallaabooyinka ay qaadeen ganacsatada qaadka ayaa kusoo beegantahay xilli ay xukuumadda Somaliland ku mashuulsantahay dagaalka Laascaanood oo si weyn u taabtay dhaqaalaha dalka, waxayna arrintan noqotay mid muujinay qorshe dagaal badheedh ah oo ka dhan ah dhaqaalaha, sidoo kale, waxay si weyn u kordhiyeen qiimaha qaadka oo  dhiig-bax kale oo dhaqaalaha dalka lagu xaalufinayo u muuqda.

Sida ku cad wareegtada wasiirka Maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ee ku taariikhaysan 23 Jeneary 2023,   Qaadka ka yimaada Ethiopia 1kg, waxa lagu Cashuuri Jiray markii hore 1.567 $ oo u dhiganta 11000 S/LSh. waxaana laga dhigay 3.77829 $ oo Udhiganta 28000. S/LSh. Geedka Qaadka nooca Jabiska ah waa 4kg, waxaana hore looga qaadi Jiray 44,000 S/LSh. waxaana hada lagu Cashuuri doonaa 112,000 S/LSh.” Sidaa ayaa lagu yidhi, wareegtada Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Qiimaha cashuuraha ee laga dhimay dhinaca xukuumadda Somaliland iyo dalka Ethiopia waxay noqdeen mid ganacsatada qaadku  si khaldan uga faa’idaystay, iyagoo qaaday laba arrimood oo muujinaya inay si badheedh ah dagaal badheedh ah ku qaaday  dhaqaalaha dalka iyo guud ahaan qaranka, halkii laga  filayay inay xilligan oo si weyn loo dhimay tacriifada cashuurta qaadka ay si toos ah usoo maraan wadooyinka sharciga ah ee Kastamada dalka, isla markaana qiimaha cashuuraha ee laga dhimay ay ka muuqdaan sicirka ay ku iibinayaan qaadka.

 

Dad baddan oo Bulshada ka mid ah ayaa si weyn u dareensan arrintan, waxayna is weydiinayaan sababta ay ganacsatada qaadku xilligan u qaaday tallaabooyinka u muuqda kuwo dhabar-jibin ku ah dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dawladda oo ay ku beegeen xilli qaranku ku jiro dagaalka Laascaanood ee taabtay dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dawladda, sidoo kale, cashuurta ay baxsanayaan ka sokow ay qiimaha si weyn u dalaceen oo sicirka ay ku iibinayaan qaadku noqday mid qayb ka ah dagaalka dhaqaale ee ay kusoo qaadeen qaranka , sidaa awgeed waxay dad baddan Bulshada ka mid ah is weydiinayaan sababta ay dagaalka dhaqaale ee ka xun xabada ay ganacsatada qaadku ugu soo qaadeen dalka iyo sababta ay qorshooda ugu beegeen dagaalka Laascaanood, waxase tallaabooyinka iyo qorshayaashoodu u muuqdaan kuwo u adeegaya cadawga oo u baahan in hay’addaha ku shaqada leh ay baadhitaan ku sameeyaan duulaanka noocan ah ee ka xun dagaalka ka socda Laascaanood, kaas oo u muuqda mid la doonayo m dhabar-jebin ah oo laga leeyahay ujeeddooyin fog.

 

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com