Maxaa Ku Xigga Geerida Madaxweynihii Iran?

#Araweelo_News_Network.

ku akhri 2min

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Tehran (ANN)-Hogaamiyaha ugu sareeya ee Iran ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigeenka koowaad Mohammad Mokhber inuu noqdo ku simaha Madaxweynaha dalkaasi kaddib markii diyaarad helikobter ah uu ku dhintay madaxweyne Ebrahim Raisi. iyadoo safarka ku weheliyeen Wasiirkii arrimaha Dibadda Iran iyo toddoba qof oo kale.

 

Ayatollah Ali Khamenei ayaa xaqiijiyay geerida Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale, isagoo dhambaal tacsi ah oo uu la wadaagay geerida Raisi ee shilkaasi Axaddii xilli ay ku safrayeen diyaarad nooca qumaatiga u kaca, taas oo burburkeeda loo galay baadidoon weyn, waxaan Isniintii laga helay Buuralayda dhanka Waqooyi galbeed ee dalka Iran,  baadidoonka waxa ka qaybqaatay 73 kooxood, iyadoo 30%, ciidamada Iran ay ka qaybqaateen hawlgalka lagu baadibaadi doonayay burburka diyaaradda lagu raadinayay ayaa qaatay saacado baddan, waxaana ugu danbayntii la helay goobta ay ku burburtay oo ahayd dhinaca buur ku taal waqooyi galbeed ee dalka Iran, halkaas oo ah dhul buuraley ah iyo kaymo ah oo ku yaalla dalkaasi iyadoo cimilo xumo ay jirtay, xilliga ay Madaxweynaha iyo wefdigiisu ka yimaadeen gobolka dhanka Waqooyi galbeed Iran ee Khoda Afarin  oo ay kusoo jeedeen Tubriz.

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raeisi iyo dhiggiisa Asarbayjaan Ilham Aliyev ayaa daah furay biyo-xidheen ay si wadajir ah u dhiseen labada dowladood ee Muslinka ah, iyadoo  labaduba deris la ah Webiga Aras ee mara xuduudka ay wadaagaan labada dal.

Biyo-xidheenka Khoda Afarin waa biyo xidheen weyn oo ku yaala Webiga Aras ee soohdinta caalamiga ah ee u dhaxaysa Iran iyo Azerbaijan, waxayna labada Madaxweyne ee Iran iyo Asarbayjaan daah fureen biya-xidheenka Qiz Qalasi oo ay wadaagaan labada dal, ka hor intii aannu shilka naxdinta baddan ee Madaxweynaha Iran iyo wefdigiisu dhicin Axaddii.19 May 2024.

Biyo-xidheenka Qiz Qalasi oo ka dhigan mashruucii ugu ballaadhnaa ee ay iska kaashanayaan Iran iyo Jamhuuriyadda Asarbayjaan, kaas oo ku yaalla gobolka Khoda Afarin ee gobolka waqooyi-galbeed ee Iran ee Bariga Azarbaijan.

Mashruucan oo qaadi doona 62 milyan oo mitir kuyuubik ah ayaa wax weyn ka taraya horrumarka gobolka ismaamulka Khoda Afarin, waana mashruuca ugu weyn ee biyaha ee xuduuddaha waqooyi-galbeed ee Iran, Biyo xidheenka Qiz Qalasi waxaa lagu qiyaasay inuu nidaaminayo 2 bilyan oo mitir cubic oo biyo ah sannad kasta. sidoo kale, waa Saldhig koronto waana la saadaalinayaa in laga dhaliyo 270 megawatt oo koronto ah sannadkii.

Wasiirka Tamarta ee Iran Ali Akbar Mehrabian ayaa ku tilmaamay Mashruuca biyo xidheenka Qiz Qalasi inuu yahay mid astaan ​​u ah saaxiibtinimada ka dhaxaysa shacabka Iran iyo Jamhuuriyadda Asarbayjaan, waxaana loo dhisay qaabkii ugu dambeeyay iyo kan ugu casrisan ee injineernimada, sida uu sheegay Ali Akbar.

Madaxweyne Ebrahim Raeisi ayaa xukunka qabtay, 2021, isagoo xilligan ahaa 63 jir, muddada uu xafiiska joogay, Iran waxay xoojisay uraniumka si ka badan sidii hore ee heerka hubka, taas oo sii kordhisay xiisadda u dhaxaysa Galbeedka iyada oo Tehran. sidoo kale Iran ay sii kordhisay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka dagaalka ay kula jirto Ukraine iyo kooxaha hubaysan ee gobolka oo dhan, kuwaas oo Iran ka dhigay mid gobolka awood Millateri oo aan dafiri karin ku leh.

Dhanka kale, Iran waxa ay wajahday sannado baddan oo dalalka reer galbeedku, gaar ahaan Maraykanku ku waday cunaqabatayn, wallow ay si weyn dhinaca Millateriga iyo xidhiidhka dublamaasiyada samaysay, iyadoo kasbatay saaxiibo ay hormood u yihiin Ruushka oo ka mid ah quwaddaha ugu waaweyn, waxaana qayb ka ahaa safarkii ugu danbeeyay ee sababay geerida Madaxweynaha iyo wefdigiisa, kaas oo daba socday dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyay ee dhanka is-kaashiga dhaqaalle ee maalgashiga iyo xidhiidhka dublamaasiyaeed ee Iran la samaysay dhawr ka mid ah dalalka gobolka iyo kuwo ka baxsan oo ay heshiisyo maalgashi wada galeen, wallow guddaha dalka uu ka jiray loollan dhanka doorashada Baarlamaanka ah.

Dhacdada aan weli la xaqiijin sababteeda ee Madaxweynihii Iran Ebrahim Raeisi iyo wefdigiisa ayaa ka kusoo beegantay xilligan oo ay gobolka ka jiraan collaado iyo siyaasado xaasaasi ah, kuwaas oo uu sii kiciyay dagaalka Israel iyo Xamaas ee Qaza oo muddo ka baddan toddoba bilood socday, iyadoo arrinta dagaalka ee Qaza saamayn weyn ku yeeshay dhaqaallaha iyo amniga gobolka iyo isu socodka ganacsiga aduunka ee maraakiibta marrinka Biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee isaga gudba qaaraddaha dunida.

In kasta oo ay jiraan su’aalo aan weli jawaab loo hayn oo ka dhashay burburka diyaaradda, kuwaas sida ay Tehran uga jawaabto lala xidhiidhin karo mustaqbalka dalka. laakiin hoggaamiyaha Kacaanka Iran Khamenei, ayaa saacado kaddib  ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Iran, Mohammad Mokhber, uu sii ahaan doono ku simaha madaxweynaha dalka ilaa doorashada laga qabanayo muddo 50 maalmood ah, iyadoo la iclaamiyay in dalku gelayo baroordiiq, maadaama ay Iran u tahay maalmo murrugo weyn oo aannay ilaabayn.

Dalal baddan ayaa Iran u muujiyay murrugada innay la qaybsanayaan, laakiin kuwa collaada weyn ka dhaxayso ayaa muujiyay dareen kaas kasoo horjeeda, iyadoo warbaahinta reer galbeedku aad u abuurtay dareen shaki gelinaya sababta dhacdada ay ku dhinteen Madaxweynaha iyo wefdiga la socday, balse Iran oo ka dareen celiyay faallooyinka dalalka ay collaadu ka dhaxaysay ee cadawgeeda waxay sheegtay in geerida Madaxweynahoodii Ebrahim Raeisi iyo masuuliyiinta la socotay aannay waxba ka beddelayn siyaasadda Iran ee ku waajahan cadawgeeda iyo nacabkeeda oo ay kordhinayso feejignaanteeda.

Waxa hubaal ah in Ebrahim Raisi oo  u taagnaa meel u dhaw meesha ugu saraysa ee awoodda jamhuuriyada islaamiga ah  si wayn loo saadaalinayay inuu yahay qofka ugu haboon ee kusoo bixi doono halka ugu saraysa. sida horeba loo saadaaliyay doorashadiisa Madaxweynaha, laakiin Dhimashadiisa ku timid shilka Helikobterta ee Axadii ayaa sii xoojisay hadal heynta sii kordheysa ee ku saabsan cidda bedeli doonta hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei oo 85-jirka ah, kaas oo hoggaamintiisa  tahay mid xiiso weyn loo qabo, balse maadamaa uu muddo dheer ahaa hoggaamiyaha ugu awoodda baddan dalka, isla markaana uu yahay mid da’adiisa weyn sababay in lasii qorsheeyo cidda beddeli doonta.

Masiirka murugada leh ee madaxweynaha mayalka adag ee Iran lama filayo in uu carqaladeeyo jihada siyaasadda Iran ama uu ku jahawareeriyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah si kasta oo ay noqoto. sababtoo ah Iran waxay tijaabin doontaa nidaam ay hadda dadka mayalka adag ee muxaafidka ahi ay xukumaan dhammaan laamaha awoodda dalka, kuwa la doortay iyo kuwa aan la dooranba,iyadoo hoggaamiyaha Ayatollah Ali Khamenei hore ugu war geliyay shacabka Iran in aannay wer-werin, wallow ay geerida Ebrahim Raisi , kaddib soo baxayaan shaqsiyaad uu ku jiro wiilka uu dhalay Khamenei ee Mojtaba Khamenei. laakiin mid walba oo qaata shaadhkii Raisi, wuxuu yeelanayaa awooddo xadidan, sababtoo ah Awoodda go’aan-qaadashada ee ugu dambeysa ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxaa iska leh hoggaamiyaha sare.

 

Hase yeeshee, su’aalaha ugu waaweyn ee jawaabta aan loo hayn ayaa ah qaabka shilku u dhacay iyo sababta ka danbaysa, iyadoo laba ka mid ah saddex diyaaradood oo nooca Helikobterka ah oo wefdigu ka koobnaa ay si nabad ah u gaadheen halkii ay ku socdeen, balse uu ku dhintay diyaaraddii ay saarnaayeen Madaxweyne Ebrahim Raisi iyo wasiirka arrimaha dibbada Hossein Amirabdollahian.

Diyaaradda ayaa ahayd Nooca madaniga ah ee xilligii dagaalkii Vietnam ee UH-1N “Twin Huey“, Helikobtarrada noocan oo kale ah ayaa si weyn loogu isticmaalaa caalamka, kuwaas oo ay adddeegsadaan dawladaha iyo hawl-wadeennada gaarka ah.

Maxay ahayd Diyaaradda Uu Ku Dhintay.?
Bell Helicopter diyaaradda ciidamada Kanada dabayaaqadii 1960-meeyadii si ay u casriyayso UH-1 Iroquois asalka ah. Naqshadaynta cusub waxay isticmaashay laba matoor oo nooca turboshaft halkii mid ka mid ah lagu kordhiyay, taas oo siisay awood weyn.

Helicopter-ka ayaa la soo bandhigay 1971-kii, waxaana si degdeg ah u qaatay labada dal ee Maraykanka iyo Kanada, sida ku cad dukumentiyada tababarka Millateri ee Maraykanka.

Magacawda military u taagan erayadaas – Bell 212 waxaa loola jeedaa in la waafajiyo dhammaan noocyada kala duwan ee xaaladdaha, oo ay ku jiraan qaadista dadka,  qalabka dab-damiska anteenada, xamuulka iyo kor u qaadista hubka.

Hase yeeshee Helicopter-ka  Iran ee burburay Axadii ayaa loo qaabeeyey inuu qaado rakaabka dowladda. Bell Helicopter waxay xayaysiisay nooca ugu dambeeyay, Subaru Bell 412, ee isticmaalka Booliiska, gaadiidka caafimaadka, gaadiidka ciidamada, warshaddaha tamarta iyo dab-damiska. Marka loo eego nooca dukumentiga shahaadaynta ee Hay’adda Badbaadada Duulimaadyada ee Midowga Yurub, waxay qaadi kartaa 15 qof, oo ay ku jiraan shaqaalaha.

 

Ururada aan Millateriga ahayn ee duuliya Bell 212 waxaa ka mid ah Ilaalada Xeebaha Japan; hay’addaha fulinta sharciga iyo waaxaha dabdemiska ee Maraykanka; Booliska qaranka Thailand; iyo kuwo kale oo baddan. Ma cadda inta ay le’eg tahay tirada xukuumadda Iran ee Madaxweynaha iyo Wasiirka ku weheliyay burburka diyaaradda, balse ciidamadeeda cirka iyo kuwa Badda ayaa lagu sheegay 10, sida lagu sheegay tusaha diyaaradaha caalamiga ah ee FlightGlobal 2024.
Iran waxa ay si weyn u iibsatay Helikobtarrada Bell iyo Agusta ee hoos yimaada Shah oo ah kuwa casriga ah ee ay u addegsato Millateriga, iyada oo noqotay quwadda helikobter-ka militari ee ugu weyn Bariga Dhexe, sida ay sheegayaan warbixinnada reer galbeedka.

Maraakiibta Iran ee Badda ayaa sidoo kale isticmaala, August Bell AB-212, sida uu qabo IISS. laakiin lama xaqiijin halka ay ka timid diyaaradaasi Helikobterka ah ee shilkan gashay wallow ilo Irani ah ay sheegeen in ay ku xidhnayd hay’adda bisha cas ee jamhuuriyadda Islaamiga ah. Khubarada ayaa sheegay in tafaasiisha yar ee la heli karo ay soo jeedinayaan inay noqon karto 40 ilaa 50 sano jir, mana jiro macluumaad arrimahaa la xidhiidha oo ay Iran bixisay.

Shilkii ugu dambeeyay ee dilaaga ah ee Bell 212 wuxuu ahaa Septembar 2023, markii diyaarad si gaar ah loo maamulay ay ku burburtay xeebaha Isutagga Imaaraadka Carabta, sida ay sheegtay Hay’adda Badbaadada Duulimaadka, oo diiradda saaraysa badqabka duulista, sidaa awgeed waxa la sugayaa halka ay ku danbayso dhacdada murrugada weyn ee sababtay shilka Madaxweynihii Iran Ebrahim Raeisi iyo masuuliyiinta la socotay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com