Tehran(ANN)-Xukuumadda Tehran, ayaa si cadho ah uga jawaabtay hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxayna ku eedeysay inuu u adeegsaday magaca gacanka Persian Gulf, (the Arabian Peninsula and in the Arab-Persian Gulf) Jasiiradda Carbeed iyo Gacanka Carbeed-Beershiyiinta”, isagoo ka hadlay sida uu sheegay in khaladku yahay joogitaanka millateriga Faransiiska ee ku jira biyahaas.

Hase yeeshee Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Mousavi, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray seddex luqadood oo kala ah Persian, English iyo French goor dambe oo Sabtidii ah, isagoo Madaxweynaha Faransiiska Macron u sheegaya casharka Juquraafi ahaan in “marinka ku yaal koonfurta Iran uu leeyahay hal magac kaliya, kaasina uu yahay #PersianGulf.”

Arrintan, ayaa kusoo beegantay laba maalmood kadib markii Madaxweynaha Faransiisku bogiisa twitter-ka ku sheegay in dalkiisu geeyay howlgalka ciidamada Jaguar “Jasiiradda Carbeed iyo Gacanka Carbeed-Beershiyiinta”, isagoo ku andacoonaya in dhismihii millatari ee loogu tala galay in lagu xoojiyo amniga badaha istaraatiijiyadeed. gobolka.

Mousavi wuxuu carabka ku adkeeyay “Joogitaankaaga millatari ee Gacanka Faaris inay khalad tahay sidaad magacawdayba.” ayuu yidhi, Abbas Mousavi.

Gacanka Faaris – oo dhererkiisu yahay ilaa 251,000 kiiloomitir oo laba jibaaran – waxaa ku xaddidan Webiga Arvand (Arvand Rive) ee waqooyiga, kaasoo mara xadka u dhexeeya Iran iyo Ciraaq, iyo Xeebta Hormuz ee koonfurta, isla markaana ku xidha Gacanka Faaris, Badda Cumaan iyo Badweynta Hindiya. marinka ayaa ah mid ganacsi oo caalami ah oo isku xidha Bariga Dhexe illaa Afrika, Hindiya iyo Shiinaha.

Taariikhyahannada iyo qoraallada qadiimka ah loogu yedhi jiray “Faarisi” tan iyo markii la aasaasay Boqortooyadii Achaemenid maanta oo ah Iranta Casriga ah, waxayna Sannad walba, Iiraaniyiintu u dabaaldegaan Maalinta Gacanka Faaris oo ku beegan maalinta 10-aad ee (Persian calendar, Ordibehesht,) oo ah bisha labaad ee kalandarka feeriska, taas oo inta badan ku beeganta taariikhda Miilaadiga 30-ka Abriil.

Xuska maalinta Taarikhdan waxay ku beegan tahay sanadguuradii olola militari oo guul ah oo uu soo hooyay Shah Abbas I, oo reer Faaris ah sanadkii 1622, kaas oo ka kaxeeyeym isla markaana ka caydhiyay ciidamadii Badda ee Boortaqiiska marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz oo ay Iran maamusho.

https://twitter.com/c_b_shahzadehh/status/1218585625512882176?s=20