Araweelo News Network.

Nairobi(ANN)- Raila Odinga oo laga guulaystay doorashada  Kenya ayaa ka hadlay natiijada lagu dhawaaqay Isniintii, kaddib markii guddida doorashooyinku shaaciyeen in ninka sida weyn tartanku u dhexmaray Willian Ruto ku guulaystay natiijada doorashada madaxtinimo.

 Murrashaxa rug-cadaaga ah ee lagaga adkaaday doorashada, ayaa la ka hadlay natiijada, wuxuuna isagoo warbaahinta la hadlayay Salaasadii maanta yidhi, “Wixii aan aragnay shalay (Isniin) waxay ahaayeen gef iyo xaqiraad badheedh ah oo ka dhan ah dastuurka Kenya,”

 Odinga ku yiri shir jaraa’id kaga hadlay natiijada doorashada ayaa yidhi, “Ma doonayo in aan si buuxda uga hadlo xeeladahayaga, aan hore u soconno, laakiin waxaan raadin doonnaa dhammaan fursadaha dastuuriga ah iyo kuwa sharciga ah ee noo furan,” ayuu yidhi, hoggaamiyaha mucaaradka oo lagaga adkaayay codad yar, wuxuuna taageerayaashiisa ku boorriyay inay nabadda ilaaliyaan.

William Ruto ayaa helay 50.5% codadkii la dhiibtay, halka Odinga helay  dhawaad 48.85% codbixintii Salaasadii 9 August 2022, ka dhacday dalka Kenya, sida uu shaaciyay  guddoomiyaha guddida doorashada.

Intii aan lagu dhawaaqin natiijada wax yar ka hor afar ka mid ah toddobada xubnood ee guddida doorashada IEBC, ayaa u sheegay warfidiyeenka in aannay taageeri karin natiijada, iyagoo ku tilmaamay mid mugdi ah oo aan la aqbali karin, balse ma ay sheegin wax tafaasiil ah .

Rabshado iyo dabaaldegyo ayaa durbadiiba bilaabmay, iyadoo rabshaduhu ka bilaabmeen goobta lagaga dhawaaqay natiijada, taas oo ahayd mid la filayay oo dadka Kenyaanka ah dhammaantood ay ka walaacsanaayeen waxa xiggaya marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

Natiijada doorashada ee loogu dhawaaqay William Ruto oo tobbankii sannadood ee u danbeeyay ahaa Madaxweyne ku xigeenka Uhuru Kenyatta, waxay ahayd guul u soo hoyatay musharrax ruxay siyaasadda dalka Bariga Afrika, isagoo dalbkiisa  uu dadka ku weydiisanayay codka xudun uga dhigay inuu doonayo sidii uu wax uga qaban lahaa Kenyaanka ku dhibtoonaya welwelka dhaqaale iyo inuu dalka siyaasadiisa lixdanka sannadood u xidhan labada qoys ee Odinga iyo Kenyatta doonayo inuu meesha ka saaro.

Labada murrashax, ayaa maalin ka hor natiijada looga yeedhay Kaniisada, iyadoo labudaba balanqaadeen in ay u hoggaansamayaan natiijada oo aannay wax rabshado ah samaynayn, isla markaana wixii cabasho ah iyo dacwad loo gudbiyo maxkamadda marka lagu dhawaaqo natiijada, balse taasi may dhicin, waxayna qaylada iyo gacan ka hadalku ka bilaabmeen hoolka shirarka ee lagaga dhawaaqyay natiijada Isniintii, taas oo sababtay in ciidamada amaanku degdeg usoo galaan.

Rabshadaha ay samaynayaan taageerayaasha Odinga iyo dabaaldega ay samaynayaan taageerayaasha Ruto, ayaa ka dhacay meelo baddan, kuwaas oo weli socda, iyadoo Salaasadii Nairobi Xaafado isku raran ah oo muddo dheer Odinga u ahaa saldhig ay ka socdeen rabshadaha, iyadoo taageerayaashu wadooyinka qaar xidheen, halka kuwo kalena ay taayiro ku gubeen, iyadoo ay weli socdaan rabshaduhu.

Odinga oo ah 77 jir, wuxuu ku guuldaraysatay marar baddan tartanka madaxnimo ee dalka, guuldarada ayaa u muuqata fursadii u danbaysay ee Odinga oo loo yaqaan naanaysta “Baba” (aabaha ee Sawaaxili), waxayna taageerayaashiisu buux dhaafiyaan waddooyinka magaalada harada ee Kisumu, halkaas oo ay isku dhaceen booliiska sunta dadka ka ilmaysiisa si ay u kala eryaan.

Haweeneyda la tartamaysa ee Madaxweyne ku xigeenka uu doonayay inuu ka dhigto Odinga, oo lagu magcaabo Martha Karua ayaa weedho kooban oo ay kaga hadlay natiijada ku qortay barteeda Twitter, iyadoo tidhi, “Ma dhammaanin ilaa ay dhammaato.”

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com